Waxa ilaa hadda aan ka ognahay weerarka Israa'iil ku qaadday Iran iyo cabsida laga qabo jawaabta Tehran

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha caasimadda Tehran.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha caasimadda Tehran.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqeymo cirka ah ka geysatay Iran, iyada oo milatarigeeda ay sheegeen in ay duqeeyeen goobo dhowr ah oo dalkaasi ka tirsan subaxnimadii Sabtida maanta ah.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen xarumo ciidan oo ay ku jiraan baytariyada difaaca cirka iyo xarumaha gantaallada lagu farsameeyo, iyagoo intaa ku daray in weerarradan ay mustaqbalka IDF siin doonaan “xorriyad ballaaran oo xagga hawada ah”.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha caasimadda Tehran.

Mareegaha wararka ee ku dhow dhow ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegaya in la beegsaday qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada ee galbeedka iyo koonfur-galbeed ee caasimadda Iran.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha cirka ee Israa'iil ay sidoo kale lagu beegsaday qaar ka mid ah xarumaha milatariga ee ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Suuriya.

Israa’iil ayaa weerarkan kaga aargoosaneyso Iran weerarkii gantaalada ee 1-dii Oktoobar ee ku dhawaad 200 oo gantaal oo ballistic ah ay Iiraan ku ridday. Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay aad u hadal haysay aargoosiga Iran.

Xilligaas, Tehraan waxay sheegtay in weerarku uu ahaa mid loogu aargudayay dilkii hogaamiyihii siyaasadeed ee Xamaas ee lagu dilay dhulka Iran bishii July. Gantaalo badan ayay Israa'iil iyo xulafadeeda soo ka hortageen balse tiro yar ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa'iil.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in ay mas’uul ka yihiin howlgalkii saakay aroortii wax yar ka dib markii qaraxyo laga soo sheegay Iran.

Afhayeenka IDF Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in militarigu “ay guteen hawshii loo igmaday”

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Qoraalka sawirka, Afhayeenka IDF Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in militarigu “ay guteen hawshii loo igmaday”
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeenka IDF Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in militarigu “ay guteen hawshii loo igmaday” ayna muujiyeen sida ay ugu diyaar garoobeen inay difaacdaan dawladda Israa’iil.

Maamulka Iran ayaa sheegay in la weeraray goobo ku yaala Tehran, Khuzestan iyo Ilam. Ciidamada ayaa ku andacoonaya in lagu guuleystay in laga hortago weeraradaasi, inkastoo meelaha qaar uu jiro “burbur kooban”.

Maraykanka oo ka mid ah xulafada ugu dhow ee Israa’iil ayaa sheegay in weerarkii Sabtidii ka dhanka ahaa Iran uu ahaa “isku day is-difaac ah”, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale UK, afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo.

Mareykanka iyo UK ayaa Iran ugu baaqay inay ka jawaabto weerarka saakay ay Israa’iil ku qaadday Tehran.

Tehran waxa ay sheegtay in ay Israa’iil ku weerartay aargudasho waxa ay ugu yeertay “xadgudubka madaxbanaanida Iran iyo Shahiidka” hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniyeh, kaas oo lagu dilay qarax ka dhacay Tehran bishii July oo ay saraakiisha Iran ay ku eedeeyeen Israel.

Xilligaas, Iran waxay sheegtay in weerarku uu sidoo kale jawaab u ahaa duqeyntii Israa'iil ay ka geysatay duleedka koonfureed ee Beirut oo ay ku dishay hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo Brig-Gen Abbas Nilforoushan, oo ah sarkaal sare oo reer Iran ah.

Xaddiga weerarrada iyo bartilmaameedyada saxda ah ayaan weli cadday.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xaddiga weerarrada iyo bartilmaameedyada saxda ah ayaan weli cadday.

Isagoo hadlayay ka dib markii Israa'iil ay qaaday weeraradeeda saakay, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden "lala socodsiiyay uuna si dhow ula socdo arrimaha". Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa sheegay in London ay si dhow ula socoto xaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku nuux-nuux saday inaysan jirin wax lug ah oo Mareykanku uu ku lahaa weerarradii Israa’iil ee Sabtidii.

Xaddiga weerarrada iyo bartilmaameedyada saxda ah ayaan weli cadday.

Maamulka duulista hawada ee Iran ayaa markii hore ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan duullimaadyadii ilaa amar dambe balse hadda wararku waxay sheegayaan in dib ay u bilaabanayaan duullimaadyada.

Duqaymaha cirka ee Israel ayaa sidoo kale lagu beegsaday goobo ku yaal bartamaha iyo koonfurta Suuriya, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Suuriya.