Israa'iil oo xirtay kooxdii labaad ee basaasiinta Iran lagu eedeeyay

Xigashada Sawirka, Reuters
Todobo qof ayaa lagu xiray bariga Quddus ee la haysto, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Israa’iil, waa kiiskii labaad oo noocan oo kale ah maalmo gudahood.
Hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet iyo booliiska ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in tuhmanayaasha ay qorsheeyeen, “Iyaga oo Iran amar ka helaya,” inay dilaan saynisyahan sare oo Israa’iili ah iyo duqa magaalada.
Waxaa sidoo kale loo xilsaaray inay qarxiyaan baabuur boolis ah oo ay bam gacmeed ku tuureen guri, iyagoo bixinayay ilaa $53,000, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.
Warka ku saabsan xariga dadkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii laamaha ammaanka ee Israa’iil ay shaaciyeen in 7 qof oo Israa’iiliyiin ah la xiray kuwaas oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Iran.
Israa'iil oo u aragta Iran inay tahay cadawga soo jireenka ah ee Israa'iil, ayaa waxaa xiisadda labada dal ay maraysaa heerkii ugu sarreeyay muddo sannado ah. Israa’iil ayaa ballan qaaday in ay ka aargudan doonto weerar ay Iiraan ku qaadday Israa’iil 1-dii Oktoobar.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxdan uu hogaaminayay nin 23 jir ah, kaas oo la sheegay in loo shaqaaleysiiyay shaqaale u dhashay dalka Iran. Horjoogaha ayaa la sheegay in uu qoray lixda qof oo kale ee la tuhunsan yahay.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ninkani uu qirtay in uu "fal argagixiso" waday sababo la xiriira wadaniyadiisa.
Bayaanka Shin Bet iyo booliiska ayaa lagu yiri: "Saynisyahannada, barasaabyada, saraakiisha amniga, iyo dadka kale ee caanka ah ee Israa'iil ayaa bartilmaameed u ah wakiilada Iran.
"Baaritaankani wuxuu hoosta ka xariiqayaa dadaalka Iran ay ugu qoranayso muwaadiniinta Israa'iil inay fuliyaan falal argagixisanimo.
"Hay'adaha ammaanka ee Israa'iil waxay sii wadi doonaan iskaashiga ay ku ogaanayaan dhaqdhaqaaqyada Iran iyo maxkamadaynta kuwa ku lug leh."

Xigashada Sawirka, Israeli police
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warka ku saabsan xarga dadkan ayaa yimid saacado kadib markii maamulku uu sheegay in la xiray 7 qof oo Yuhuud ah oo u dhashay Israa’iil kuwaas oo looga shakiyay inay u basaasayeen Iran.
Toddobada qof - oo ka soo haajiray Asarbayjan - ayaa lagu xiray agagaarka Haifa.
Waxaa looga shakisan yahay in ay fuliyeen ilaa 600 oo hawlo basaasnimo ah, oo ay ku jiraan gudbinta xogta sirta ah ee goobaha ciidamada iyo kaabayaasha tamarta.
Toddobaadkii hore, afar askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xulafada Iran ee Xisbullah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku dhow Binyamina ee waqooyiga Israa’iil. Saldhigga ayaa ka mid ahaa goobihii ay kooxdu basaastay, sida ay sheegeen laamaha ammaanku.
In kasta oo isku dayga Iiraan ay ku shaqaaleysiiso hawl-wadeennada maxalliga ah aysan ahayn mid aan caadi ahayn, qoritaanka lagu eedeeyay Yuhuudda Israa'iil ayaa ah mid aad dhif u ah.
Bayaan ka soo baxay Shin Bet iyo Booliska ayaa lagu sheegay in la xiray ay “si fiican u ogaayeen” in xogaha sirdoon ee ay u gudbiyaan ay wax u dhimeen amniga qaranka ayna adag tahay inay gacan ka geystaan weerarada gantaalaha ee cadowga.
Waxaa la siiyay boqollaal kun oo dollar xogta ay sheegeen booliisku, oo sidoo kale ku tilmaamay mid ka mid ah kiisaskii ugu cuslaa ee aan wali la helin.
Xarigga ugu dambeeyay ayaa imaanaya iyadoo ay kordheen dhaqdhaqaaqyada qarsoon ee u dhexeeya Israa'iil iyo Iran, oo ay ku jiraan hawlgallada sirdoonka iyo burburinta ee midba midka kale la damacsan yahay.
Israa’iil ayaa la rumeysan yahay inay gudaha u gashay laamaha ammaanka ee Iran, taasoo ka dhalatay weeraro iyo dilal qorsheysan. Iran waxa ay mararka qaar ku dhawaaqdaa in la xirayo sirdoonka Israa’iil oo lagu eedeeyo iyo in la burbriyay unugyo basaasnimo oo Israa’iil lagu eedeeyay, in kasta oo aanay bixin caddaymo la taaban karo.













