Ruushka: Basaaskii mucjisada ahaa ee jinsiyad dal kale ku geli rabay maxkamadda ICC

Dhismaha Maxakamadda Caalamiga ah ee Adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismaha Maxakamadda Caalamiga ah ee Dembiyada

Basaas u dhashay dalka Ruushka ayaa isku dayay in uu gudaha u galo maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ee ICC, sida ay sheegtay Waaxda Amniga ee dalka Holland.

Ninkan ayaa isticmaalay magaca Viktor Muller Ferreira, waxaana uu iska dhigay nin u dhashay dalka Brazil, balse waa loo diiday inuu gudaha u galo dhismaha.

Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamaya in magaciisa dhabta ah uu yahay Sergey Vladimirovich Cherkasov oo basaas u ah GRU, oo loo soo gaabiyo Adeegga Sirdoonka Militariga Ruushka.

Ninkan ayaa la sheegay in uu sanado badan ku qaatay sameynta aqoonsi been abuur ah, ka hor inta uusan shaqo ka dalban maxkamadda ICC ee magaalada Hague.

Hay'adda amniga Holland ee AIVD, ayaa sheegtay in haddii basaasku uu ku guulaysan lahaa inuu gudaha u galo dhismaha uu khasaare weyn u geysan lahaa.

"Khatarta uu leeyahay sarkaalkan basaaka ah waxaa loo arkaa mid aad u sarreysa," ayay hay'adda amniga AIVD sidaasi ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay.

Kuwii yaqaannay, Viktor Muller Ferreira wuxuu ahaa nin u dhashay Brazil oo xiisaynaya arrimaha caalamiga ah. Laakiin dhab ahaantii, wuxuu u xaqiijiyay AIDL, inuu ahaa nooc gaar ah oo basaas Ruush ah oo loo yaqaan "sharci darro".

Taatikada noocaan ah, dunida aad ayay ugu yartahay

Waddamo badan ayaa isticmaala basaasiin iska dhigaya inay yihiin dad caadi ah, laakiin Ruushka ayaa ku takhasusay arrintan oo muddo dheer adeegsanayay wakiillada sharci darrada ah ee qaata jinsiyad kale.

Basaasiintan Ruushka ayaa iska dhiga muwaafdiniin u dhashay Maraykanka, Ingiriiska, Kanada ama Brazil sida kiiskan haatan ka dhacay Holland.

Helitaanka dukumeentiyada waddamada kale waxay muujinaysaa heerka taxadar la'aanta ee dhinaca basaaska ee dalalkaasi.

Shan ilaa 10 sano ayay qaadan kartaa in la tababaro wakiil si sharci darro ah ku shaqeeyo oo weliba loo sameeyo aqoonsi been abuur ah.

Marka la eego caqabadaha jira lama rumaysna inay jiraan basaasiin sharci-darro ah oo badan oo jinsayad kale sameysanaya.Waxay khubarrada dhanka amniga sheegayaan inay jiri karaan ilaa 30 basaasiin oo u shaqeeya Ruushka oo wata jinsiyado kale.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sirdoonka Ruushka ayaa muddo dheer diiradda saarayay maxkamadda ICC, waxaana la rumeysan yahay basaaskaan inuu bilaabay shaqadaan dabayaaqadii sannadkii hore.

laakiin muhiimada maxkamadda ay u leedahay Ruushka ayaa kor u kacday tan iyo markii Ruushka uu galay Ukraine. Saddexdii Maarso, dacwad oogaha ICC wuxuu furay baaritaan ku saabsan dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah bini'aadminimada ee uu Ruushka ka geystay Ukraine.

Maxkamadda ICC ayaa 200 oo qof siisa fursad shaqo barasho oo lacag la'aan ah oo ay dadku ku koror sadaan khibraddooda. Cherkasov waxa uu doonayay inuu ka mid noqdo dadkaasi si uu fursad ugu hleo inuu gudaha u galo dhismaha maxkamadda.

"Haddii sarkaalka sirdoonku uu ku guuleysan lahaa inuu shaqo ka bilaabo maxkamdda ICC, wuxuu awoodi lahaa inuu ururiyo sirta oo uu raadiyo nidaamyada dhijitaalka ah ee ICC," waa sida ay sheegtay hay'adda amniga Holland ee AIVD.

Sidaas ayuuna wax weyn ugu soo kordhin lahaa ciidamada Ruushka. Waxay kaloo saamayn ku yeelan kari lahayd dacwadaha dembiyada ee ICC.

Codsiga shaqadaasi waxay basaaska u ahayd mid halis ah, laakiin madaxdiisa joogta Moscow waxay go'aansadeen inay mudan tahay inuu codsado oo uu khatartaasi u bareero.

Basaasiinta sharci darrada ah aad bay u adag tahay in la ogaado, midkaan ICC lama rumaysna inay iyada ogaatay, mas'uuliyiinta Holland-na ma sheegin sida lagu aqoonsaday.

Saaxiibbo badan

Cinwaannada baraha bulshada ee ay dib u eegtay BBC ayaa daaha ka qaaday liis badan oo uu saaxiibbo kala yahay dhankaasi, oo ay ku jiraan dhowr arday oo caalami ah oo ka kala socday laba jaamacadood: Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka iyo Machadka Trinity ee Dublin, Ireland.

Saaxiibbadaasi midkoodna ma uusan u aqoon inuu yahay basaas reer Ruush ah.

"Waxa uu lahaa lahjad aanan meelna loo saarin karin laakiin marnaba looma aqoonsan karin inuu reer Ruush yahay," ayuu BBC-da u sheegay macallin Ferreira oo ah aqoon yahan.

Basaaska ayaa la rumeysan yahay inuu codsi u gudbiyay ICC horraantii Sebtembar 2020, laakiin waxaa dib u dhac ku keenay cudurka faafa ee COVID-19.