Kenya oo xirtay goob lagu caweeyo oo la sheegay inay Soomaali leedahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka deegaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka ku amray inay billaabaan olole looga hortagayo waxyaabaha liddiga ku ah bulshada oo ay kamid yihiin hoteellada codka dheer ku baahinaya heesaha iyo waxyaabaha wasakheynaya deegaanka.
Aadan Ducaale ayaa Ha’adda Qaranka ee NEMA, faray inay billaabaan olole ballaaran oo lagu beegsanayo waxkasta oo ka hor imaanaya deegaanka.
Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka ayay shaqadeedu tahay inay la dagaalanto nadaafad-darrada, dadka khashinka badan dhigaya waddooyinka iyo goobaha aan ku habboonayn iyo hoteellada xilliga dambe lagu caweeyo oo ku yaalla bartamaha magaalada kuwaas oo ay cabasho uga timid dadka ka agdhaw dhismayaasha hoteeladaas.
Ololaha wax looga qabanayo deegaanka ayaa waxaa horkacaya qeybta booliiska ee NEMA.
“Inta uu socdo howlgalka deegaanka milkiilayaasha goobaha lagu caweeyo iyo goobaha shakhsiyaadka waa in lala xisaabtamaa si tallaabo loo qaado,” ayuu yiri Adan Ducaale, sida laga soo xigtay mid ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha Kenya.
Howlgalladaan ayaa looga gol leeyahay in lagu dhimo kororka ku yimid wasakhowga deegaanka taas oo walaac weyn ay ka muujiyeen dadka deegaanka.
Dhanka kale Wasiirka Deegaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa dhawaan amray in la xiro qaar kamid ah goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla Nairobi kuwaas oo ay cabasho ka muujiyeen dadka deegaanka, waxa uuna tilmaamay in la xirayo kuwa aan u hoggaansamin shuruucda hay’adda qaranka ee maareynta deegaanka.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal xilli ay socdeen howlgallo ka dhan ah deegaanka oo lagu fuliyay qaar kamid ah hoteelada lagu caweeyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
NEMA, ayaa xirtay goob habeenkii lagu caweeyo oo la sheegay inay Soomaali leedahay kuna taalla mid kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi, goobta la xiray ayaana lagu eedeeyay in xilliga habeenkii ah ay ka soo baxayso cod aad u dheer oo muusig ah.
Muuqaalka oo BBC-da ay aragtay ayaa ahaa mid ay baahisay warbaahinta Citizen oo ka howlgasha gudaha Kenya, waxaana laga arkayay koox ka socota hay’adda qaranka ee maareynta deegaanka, kuwaas oo gudaha u galaya mid kamid ah hoteelada ku yaalla xaafadda Kilimani, kuwaas oo amraya in la xiro.
Mid kamid ah kooxda ka socotay Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka, ayaa la arkayay xilli uu maamulka hoteelka ku amrayay inay xiraan goobta maadaama ay ka timid cabasho la xiriirta in xilliga saqda dhexe ay ay aad u dheereeyaan heesaha iyo muusigga ay dadka ku caweynayaan.
Dhanka kale waxaa muuqaalka ka muuqday haweeney u muuqatay inay kamid ahayd maamulka hoteelka taas oo diidaneyn in kooxda ka socota Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka ay joojiyaan shaqada goobta, sidoo kale waxa ay diiddanayd in laga duubo muuqaal maaddaama kooxda ay muuqaalo duubayeen.













