Madaxa shirkadda soo saarta garaadka macmalka ah oo madaxa biya looga shubay?
Maareeyaha Shirkadda Teknooloojiyadda ugu weyn Shiinaha ee Baidu ayaa biya madaxa looga shubay xilli uu uu jeedinayey khudbad ku saabsan garaadka macmalka oo loo yaqaanno Artificial Intelligence (AI).
Robin Li, oo ah aasaasaha labaad ee shirkadda xilliga biyaha madaxa looga shubayey wuxuu saarnaa masraxa isaga oo khudbad jeedinayey.
Dhacdadaasi ayaa ku dhacday shir Beijing lagu qabtay oo lagu soo bandhigayey hal abuurka Baidu ee 2019-ka.
Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ninka maareeyaha Baidu biyaha madaxa kaga hubay uu kaga soo horjeedo teknooloojiyadaha cusub uu maareeyaha soo bandhigayey oo uu ku sheegay 'iney awoodda dadka iney si fudu codkooda ugu kala saarto'.
Mr Li marki biyaha madaxa looga sii daayey, waxaa la maqlayey isaga oo leh. "dhibka ku hayo muxuu yahay?" isaga oo biya wajigiisa ka hoobinayo.
Qofka mas'uulka madaxa biyaha kaga shubay intuu masraxa ku sugnaa wax ficil oo kale ma sameeynin mana sheegin sababta oo Mr Li biyaha ugu shubay.
Afhayeenka shirkadda Baidu oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuusan waxba ka ogeen waxa ficilkaasi sababay.
Wuxuuna intaa ku daray iney arrinta hadda booliska gacanta ku hayaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baidu oo ah shirkadda dalka Shiinaha ugu weyn oo raadinta macluumaadka interneetka loo adeegsado ayaa dhaleeceyn kala kulmay tayada xogaha ay macamiisheedu ka raadiyaan interneetka.
Shirkadda waxaa ku socotay baaritaan la xiriira dhacdadi 2016-kii uu wiil arday ah uu ugu dhintay xog uu Baidu ka helay oo la xiriirtay sida cudurka Cancer-ka la isaga daweeyo iyada oo internetka tooska ah laga faa'ideysanayo.
Qoyska wiilkaasina waxay sheegeen inuu wiilkooda u dhintay dawa uu Baidu ka helay.
Mr Li wuxuu sida oo kale dhawaan uu la kulmay baaritaanno ay maalgeliyeyaasha shirkadda ku wadeen, kaddib marki ay shirkaddu marki ugu horreysay sheegtay rubaca sanadkan iney shirkadda qasaaro la soo deristay.
'Waxyaabaha lama filaanka ah'
Dhacdadaa kaddib Mr Li khudbaddiisa ayuu iska sii watay wuxuuna yiri: "Sida aad arkeysaan, arrima lama filaan ah oo aad u badan ayaa dhici kara inta aan ku guda jirno horumarinta teknooloojiyadda AI, hadalkaasi oo maareeyaha si weyn looga ammaanay."
"Go'aanka annaga wuxuu yahay inuu isbeddellada aan sameeynayno ay halkooda ka sii socdaan. Shirkad ahaanna waxaan aaminsannahay Garaadka macmalka ee loo yaqanno Artificial Intelligence (AI) iney wax ka beddelayaan noolasha cid walba."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Baidu ayaa soo bandhigtay teknooloojiyaddi ugu dambeysay oo ay suuqa u soo bandhigtay oo ku shaqeeya AI.
Waxay sida oo kale shirkaddu sheegtay makarofoonada lagu rakibay gawaaridan iney fahmi karaan afafka Ingiriiska iyo Shiinaha.
Waxayna sheegtay in qalabka ay soo saartay ay aad uga duwan yihiin kuwa ay horay u soo saareen shirkadaha Amazon iyo Google's Home, qalabkaasi intaan la adeegsan ka horna loo baahan yahay in amar afka ah la siiyo si ay u shaqeeyaan.
Sirkadda Beidu waxay shaaca ka qaadday teknooloojiyadda casriga ee codka kala saareyso iney ilaa iyo hadda ay 400 oo milyan oo qalab ah gawaarida ku rakibeen, shirkadduna ay bishii soo gaaraan 3.6 billion oo dalab.
Takaasida iskood-iisu wada
Takaasida iskood iisu-wada oo ka mid ah teknooloojiyadaha cusub ee ay shirkaddu soo saartay, waxay Baidu ku dhawaaqday iney dhawaan ka billaabeyso Shiinaha ay Takaasidi ugu badnaa oo iskood iisu wada.
Marka ugu horreysana shirkaddu waxay sheegtay iney adeeggeeda ay ku billaabeyso 100 gaari oo ka howlgaleysa magaalada Changsha ee gobolka Hunan.
Sida oo kale shirkaddu waxay Masraxa Beijing ay ku soo bandhigtay mashiin ay shirkadda sameysay (robot) oo maareeyaha shirkadda koob qaxwa ah iyo qaadda u soo dhiibayo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan













