Mid ka mid ah magefayaashii ugu weynaa Liibiya oo lagu xidhay Yurub lana xukumay

Xigashada Sawirka, IDN
Warbaahinta dalka Netherlands ayaa sheegtay in nin Eritrean ah oo ku lug lahaa tahriibinta dadka, laguna helay dambi la xidhiidha xadgudubyo culus oo loo geystay muhaajiriin, lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Tewolde Goitoom loona yaqaanno naanaysta "Waliid", ayay hay'adaha sharci-fulinta Holland sheegeen in uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha shabakad tahriibin ah oo xadgudubyo badan u gaystay dadka muhaajiriinta ah.
Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay ku xukuntay inuu bixiyo €30,000 oo magdhow ah oo la siinayo qaar ka mid ah dhibbanayaasha.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunka lagu saleeyay xadgudub aad u daran, rabshado, iyo dhaqan bahdil ah oo isaga iyo dadka la shaqeeyaa ay u geysteen muhaajiriinta. Arrintan waxaa soo tebiyay warbaahinta Dutch News.
Ninkan oo 42 jir ah, ayaa la sheegay in uu 2022-kii ka soo tahriibay Itoobiya soona gaadhay Holland. Sidoo kale waxaa la og yahay in maxkamad ku taalla Itoobiya ay hore ugu xukuntay dambiyo la mid ah, iyada oo lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah, islamarkaana lagu amray in uu bixiyo 200,000 birr.
Tewolde intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2018 wuxuu ahaa hoggaamiyaha ugu weyn ee shabakad tahriibin ah oo inta badan Eritreeyiin ka soo qaadi jirtay dalal kala duwan, una gudbin jirtay Liibiya, ka dibna Yurub.
Markii muhaajiriintu ay gaahdaan Liibiya, waxaa lagu xidhi jiray xeryo, halkaas oo si joogto ah loo garaaci jiray loona jirdili jiray, iyaga oo lagu qasbi jiray in ay wacaan qoysaskooda si ay u dalbadaan lacag madax-furasho ah oo lagu amray in ay bixiyaan.
Hababka jirdilka waxaa ka mid ahaa garaacid, gubid, jarid, in caag kulul lagu da'siiyo jidhkooda, in xadhig adag lagu xidho laguna deldelo geedo, in koronto lagu jirdilo, iyo in dad aad u badan lagu xidho hal guri, cunto aad u yarna la siiyo si ay gaajo ugu ciqaabmaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xukunka xabsiga ee lagu riday oo ku salaysan codsiga hay'adaha sharci-fulinta ayaa ah ciqaabta ugu sarraysa ee dalkaas laga bixiyo dambiyada noocan oo kale ah.
Sababta kiiskan loogu qaaday gudaha Netherlands ayaa ah in qoysas iyo qaraabo ka mid ah dadkii bixiyay lacagta madax-furashada ay ku noolaayeen dalkaas, taas oo keentay in hay'adaha sharciga ee Holland ay ka dalbadaan in dacwadda halkaas lagu qaado.
Baadhitaanka dambiyada oo qaatay waqti dheer ayaa lagu sameeyay iyada oo la kaashanayo Interpol, Europol, iyo sidoo kale Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.
Sidoo kale, bishii Diseembar 2025, nin kale oo Eritrean ah oo lagu eedeeyay tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, laguna magacaabo Kidane Zakarias Habtemariam, ayaa laga soo wareejiyay Isutagga Imaaraadka Carabta loona soo gacan geliyay Netherlands.
Ninkan oo 41 jir ah ayaa tan iyo 2021 markii uu ka baxsaday maxkamad ku taalla Itoobiya, wuxuu ku jiray liiska caalamiga ah ee dadka la doonayo.
Kidane, oo ay hay'adaha sharciga sheegeen in uu xidhiidh la lahaa Tewolde, isagana waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin tahriibin dad, afduub, jirdil, rabshado, iyo kufsi.
Hay'adaha sharciga ee dalkaas ayaa hore u sheegay in labadan tahriibiye ee Eritrean-ka ah ay si wadajir ah u shaqeynayeen, iyagoo lacag aad u badan ka dhacay muhaajiriinta Eritrean ah, halka xadgudubka, jirdilka iyo tacaddiyada galmada lagu fulin jiray Liibiya, lacagtana ay bixin jireen qoysaska dhibbanayaasha ee ku noolaa Netherlands.
Cilmi-baadhis lagu sameeyay arrintan ayaa muujisay in intii u dhexeysay 2016 ilaa 2021, in ka badan 100,000 Eritrean ah ay Liibiya soo mareen kuna galeen Yurub, isla markaana guud ahaan ay bixiyeen in ka badan 1 bilyan oo doollar.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Wolid iyo Kidane, intii ay joogeen Liibiya, aysan kaliya tahriibin Eritrean, balse ay sidoo kale tahriibin jireen Itoobiyaan iyo Suudaani.













