Dowladda Soomaaliya: "Mukhallasiint dhalinyrada dalka ka tahriibiya maxkamad ayaa lasoo taagi doonaa"

Tahriibayaal

Xigashada Sawirka, SNTV

Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub, hay'adda socdaalka ee IOM iyo hay'adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa dhalinyaro Soomaali ah oo tarhriibayaal ah dib uga soo celisay dalka Liibiya, waxayna maanta kala gaareen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhalinyaradan oo gaaraysa 161 qof ayaa 74 ka mid ah waxaa la geeyay magaalada Hargeysa, halka 87 kale la geeyay magaalada Muqdisho.

Ergyaga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha hijrada, soo galootiga iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa weriyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan u sheegtay in inta badan dadka la soo celiyay ay caafimaad qabaan iyadoo sheegtay in ay jiraan tiro aan badneyn oo u baahan daryeel caafimaad.

Ergyaga Gaarka ah Maryan Yaasiin waxay kaloo sheegtay in howshooda aysan aheyn oo kaliya in ay dalka keeneen balse ay sii caawinayaan.

"Qoysaskooda sidii ay u gaari lahaayeen ayaan ka shaqeyneynaa, wixii ay u baahan yihiin waa ka caawineynaa annagoo kaalmo ka heleyna hay'adda IOM".

Tahriibayaasha maanta lagu soo celiyay Soomaaliya waxaa ku jiray gabdho ka badan 50 taas oo ka dhigeysa in markan dalka la keenay gabdho ka badan intii hore loo soo celin jiray. Sido kale dadka la soo celiyay waxaa ku jiray hooyooyin carruur sitay.

Dadka u tahriibaya Liibiya waxay la kulmaan dhibaatooyin badan. Qaar waxay soo noqdaan iyadoo ay dhibaato soo gaartay. Dadka maanta la soo celiyay waxaa ku jiray wiil dhaawac ah oo kooxihii haystay ay gacanta xabad uga dhufteen.

"Weli waa dhawac wiilka, isbitaal ayaa la geynayaan waana ka warqabeynaa," ayey tiri Maryan Yaasiin oo intaas raacisay in dadka la soo celiyay ay kala duwan tahay duruuftooda.

"Gabdhaha waa ka duruuf duwan yihiin wiilasha, dhibaatada gabdhaha soo gaari karta, carruurta iyo hooyooyinka way ka badan tan wiilasha, si guud ayaan uga hadli karnaa waa arrimo gaar ah oo aan si hoose uga sii hadli karin".

Dhibaatada soo gaarta tahriibayaasha waxay ku xiran tahay halka ay safarka ka soo bilaabaan iyo sida marka hore dalka lagu gaaray. Qaar ayaa dhibaato dheeri ah kula kulma jidka ay soo mareen inta aysan Liibiya soo gaarin. Marka la soo gaaro gudaha Liibiya waxay ku xiran tahay halka qofka uu safarka ka bilaabo.

"Qofka safarka ka bilaabay Bini-waliid yo kan ka bilaabay Kufra isku mid ma ahan," ayey tiri Maryan Yaasiin.

Tahriibayaal

Xigashada Sawirka, sntvnews

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo garoonka Muqdisho kaga hortagay dhalinyaradaas ayaa u sheegay in ay dalkooda iimaansadaan oo ka shaqeystaan.

Sidoo kale wasiirka waxa uu ammaanay safaaradda Soomaaliya ee Liibiya isagoo sheegay in ay soo gudbiyeen duruufta ay ku nool yihiin dhalinyarada iyo Midowga Yurub oo dhaqaale ahaan taageeray.

"Naga caawiya magacyadooda oo gacan nagu siiya, mukhallasiintaas maxkamad ayaa lasoo taagi doonaa," ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qaarkood lacago badan ku bixiya si ay u aadaan dalalka Yurub oo ay ka raadiyaan nolol dhaanta tan ay ku jiraan.

Waaliddiin badan ayaa ku qasbanaada inay qaaraan u uruuriyaan carruurtooda tahriibtay oo mararka qaar madax-furasho iyagoo laga doonayo ay lasoo hadlaan.

Wasiir Fiqi waxa uu ka codsaday dhalinyarada in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii cadaaladda lagu keeni lahala magafayaasha iyo kuwa la shaaqeeya ee ku sugan dalka iyo dibadda ee khatarta geliya dhalinyarada.

Wasiirka wax uu kaloo sheegay in lixda bilood ee ugu horeysay shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada iyadoo hay'adda barakacayaasha iyo xafiiska madaxweynaha ay la soconayaan xaaladdooda.

Sidee laysugu keenay dadka la soo celiyay?

Tahriibayaal

Xigashada Sawirka, sntvnews

Dadka la sooceliyay waxay isugu jiraan kuwa gacanta u galay kooxaha dambiilayaasha ee loo yaqaan magafayaal oo lacag weydiistay reeraha dadka ay haysteen, qaar doonyo raacay oo dib loogu sooceliyay Liibya kaddibna la geeyay xarrumo dadka lagu hayo oo dowladdu maamusho.

Qaarkood dhalinyaralda la soo celiyay ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen dhalinyaro isugu jirtay Soomaali iyo ajaanib kale oo booliska Liibiya qabteen. Labo ilaa iyo saddex sano ayey dalka joogeen.

Tahriibayaashan lasoo celiyay ayaa u mahad celiyay dowladda, iyagoo sheegay inay aad ugu farxeen inay dalkooda kusoo laabtaan.

"Waan ku faraxsanahay inaan dalkeyga dib ugu soo laabto, dadka Liibiyaanka ah waxay i dareensiiyeen inaan dal leeyahay." Ayuu yiri mid ka mid ah dadkan lasoo celiyay oo sheegay in muddo toddobo sano ah uu dalkaasi ku noolaa.

Qorshaha lagu soo celinayo tahriibayaasha ma sii soconayaa?

Sida ay sheegtay Ergyaga Gaarka Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf qorshaha dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celineyso dhalinyarada tahriibtay waa mid sii soconaya.

Maryan waxay sheegtay in qorshahan yahay mid ay dowladda wadday sagaalkii sano ee la soo dhaafay iyadoo inta bishan aysan dhammaan ay diyaar u yihiin oo ay soo celinayaan dhalinyaro gaareysa ilaa iyo 170 oo hadda safaaradda Soomaaliya ee Tripoli ay gacanta ku haysa dokomentiyadooda.

Sidoo kale waxay sheegtay in laga soo ururinayo dhalinyarada meelaha kala duwan ee caalamka ku dhibaateysan sida Suuriya, Madagascar iyo meelo kale.

Dhallinyaro dhawaan BBC-da la soo xiriirtay waxay sheegeen in ay magafeyaasha iska sii daayeen, meel ay aadaanna aysan garanayn, sidaa darteedna ay jeclaan lahaayeen in dalkooda lagu celiyo.

Waa markii labaad sanadkan oo diyaarad lagu soo daad gureeyo tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya.

Dhalinyaro gaaraysa 164 qof oo Liibiya laga soo celiyay ayaa Muqdisho iyo Hargeysa la kala geeyay bishii Oktoobar ee isla sanadkan.