Trump oo ku hanjabay inuu xannibi doono furitaanka Biriij isku xiraya Kanada iyo Maraykanka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu xannibi doono furitaanka buundada isku xirta Mareykanka iyo Kanada ilaa Washington "si buuxda looga siinayo magdhaw" ay hore u siiyeen dariskooda dhanka waqooyi.
Buundada Caalamiga ah ee Gordie Howe, oo isku xirta gobolka Ontario ee Kanada iyo gobolka Michigan ee Mareykanka, ma furmi doono ilaa Ottawa "ay ula dhaqanto Mareykanka si caddaalad ah iyo ixtiraamka aan istaahilno," ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.
Sida laga soo xigtay website-ka mashruuca, buundada waxaa maalgelinaya dowladda Kanada, laakiin waxaa si guud u yeelan doona Kanada iyo Michigan.
Senetarka Michigan ka soo gasha Elissa Slotkin, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegtay in xiritaanka "mashruucan aadka muhiimka ah" ay "tahay arrin u xun dhaqaalaha gobolkayaga".
Tallaabadaasi waxay yeelan kartaa "saameyn halis ah" ayay ku tiri qoraal ay soo dhigta barta X: "Kharashaadka sare ee ganacsiyada Michigan, marinnada isku xiran ee badeecadaha oo aan ahayn kuwo amnigoodu sugan yahay, iyo ugu dambeyntii, shaqooyin yar" ayey ku tiri qoraalka.
Ma cadda sida uu Trump u hor istaagi karo furitaanka balse waxa uu sheegay in wada xaajoodku uu si degdeg ah u bilaaban doono, isagoo aan tafaasiil ka bixin.
Buundada oo ku fidsan webiga Detroit ayaa la filayaa in loo furo gaadiidka iyadoo la sugayo tijaabooyinka rasmiga ah iyo ansixinta horaanta sanadkan. Dhismaha waxa uu billowday 2018-kii, balse mashruucani waxa uu ahaa qodob ay isku hayaan labada dal in ka badan toban sano.
Waxaa lagu qiyaasaa in ay ku baxday £3.4bn sida ay sheegtay warbaahinta Canada ee CBC.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Trump wuxuu ku bartiisa Truth Social in Mareykanku uu leeyahay "ugu yaraan kala bar hantidan". Waxa kale oo uu soo jeediyay in Kanada ay leedahay labada dhinac ee Kanada iyo Maraykanka ee buundada.
Shirkadda dhistay Biriijka Windsor-Detroit Bridge Authority waxaa gabi ahaanba leh xukuumadda Kanada, sida lagu xusay barta internetka ee mashruuca.
Madaxweyne Trump iyo Ra'iisul wasaarihii xilligaas Justin Trudeau ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen in buundada ay tahay "isku xir dhaqaale oo muhiim ah" oo u dhexeeya dalalka.
Guddoomiyaha gobolks Michigan,kana tirsan xisbiga dimoqaraadiga Gretchen Whitmer ayaa dib u riixday hanjabaadda Trump ee ah in la xiro buundada, iyadoo sheegtay inay u wanaagsan tahay shaqooyinka gobolkeeda.
"Mashruucan wuxuu ahaa tusaale aad u wanaagsan iyo iskaashi caalami ah" ayey CBC u sheegtay xoghayaha warfaafinta Whitmer Stacey oo la yiraahdo LaRouche.
Trump ayaa isniintii tilmaamay muran ganacsi oo u dhexeeya labada dal, isaga oo yiri "canshuur Canada inay ku soo dalacdo wax soo saarka caanaha sannado badan waa mid aan la aqbali karin".
Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Waxa ugu horreeya ee Shiinuhu samayn doono waa in la joojiyo gabi ahaanba Xeegada Barafka lagu ciyaaro ee Kanada, oo ay si joogto ahna u baabi'iyaan Koobka Stanley".
Laakiin Slotkin ayaa arrintan dib u soo celisay, iyada oo sheegtay in sababta kaliya ee Canada ay ugu dhowdahay heshiis ganacsi oo ay la gasho Shiinaha ay tahay maadaama uu Trump "ilkaha ka garaacayey Kanada muddo sannado ah".
Kanada waa saaxiibkeen, maaha cadawgeena, ayay sii raacisay, iyadoo ballan qaaday inay ka shaqayn doonto sidii mashruuca dib loogu soo celin lahaa.
Maamulka buundada ee Kanada, xafiiska ra'iisul wasaaraha Ontario iyo xafiiska duqa magaalada Detroit isla markiiba kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka.













