'Maskaxda Trump': Ninka ka dambeeya siyaasadaha muranka badan ee madaxweynaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanado ayuu Stephen Miller ahaa muxaafid mayal adag isagoo ka tirsanaa kooxda siyaasadda Donald Trump. Hadda waxa uu noqday qof ay indhaha hayaan oo la beegsanayo.
Hab-dhaqankiisa adag ee dagaalka u eg marka uu hoggaaminayo dejinta siyaasadaha Aqalka Cad ayaa socodsiiyay ajandaha madaxweynaha ee la xiriira socdaalka, wuxuuna yeeshay saamayn sii kordhaysa oo ku aaddan awood balaarsiga Mareykanka.
Bilowgii xawliga sare lahaa 2026-dii ee maamulka Trump ee gudaha iyo dibaddaba, ayaa sii adkeeyay booskiisa isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan maamulkaas. Balse dad badan oo ka tirsan garabka bidixi waxay u arkaan shar-wade.
Washington DC, sawirka Miller ayaa lagu dhajiyay goobo dadweyne, waxaana ku qoran halkudhig ah "Fashiisnimadu qurux ma leh". Dimuqraadiyiintu waxay dalbadeen is-casilaaddiisa. Xitaa xubno ka tirsan xisbigiisa ayaa si fagaare ah u su'aalay wax ku oolnimada go'aankiisa siyaasadeed.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Miller waxa uu galay xaalad uusan horay u aqoon. Wuxuu ahaa qof ka shaqeeya daaha gadaashiisa balse si lama filaan ah uyuu bannaanka u yimid, waxaana si dhow loo eegayaa hadalladiisa iyo ficilladiisa. Waxa uu ku qasbanaaday in uu dib u dago ugu yaraan si ku-meel-gaar.
'Mar kasta adkeyso, marna dib ha u guran'
Waxyar kadib markii laba sarkaal oo laanta socdaalka ka tirsan ay bishii hore Minneapolis ku dileen Alex Pretti, Miller waxa uu dhowr fariimood ku qoray barta X, isagoo ku eedeeyay Alex in uu yahay "argagixiso gudaha ah" iyo "dilaa".
Ololihii doorashada Trump ee 2016-kii, wuxuu ku eedeeyay Dimuqraadiyiinta "in ay hurinayaan kacdoon". Hadalladiisu waxay ahaayeen kuwo xaqiiqda ka fog.
Caddeymo fiidyow ah ayaa markii dambe muujiyay in Alex Pretti, inkastoo uu watay bistoolad sharciyeysan, hadana ma uusan u hanjabin saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha ka hor inta aan la dhigin dhulka, laguna toogan 10 xabbadood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalmo kadib, Miller waxa uu warbaahinta siiyay hadal uu ku sheegay in qiimeyntii hore ee maamulka ee dhacdada toogashada ay ku salaysnayd "warbixinno" ka yimid saraakiisha socdaalka ee "joogay goobta", isla markaana saraakiishaasi "laga yaabo in aanay raacin" habraacyadii saxda ahaa.
Waxay ahayd dib-u-noqosho aan inta badan lagu aqoon Miller. Dimuqraadiyiintu ma aysan ku qancin hadalkaas, waxayna ku eedeeyeen in uu ku dhiirogelinayo waaxda socdaalka in ay bixiyaan jawaab dagaal ah.
Bishii May, Miller ayaa ka dalbaday saraakiisha socdaalka in ay kordhiyaan xirista iyo masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan ee jooga Maraykanka. Waxa uu Fox News u sheegay in maamulka uu dejiyay go'aan ah in 3,000 oo qof in la xiro maalintii taas oo ah tiro aad uga badan tii hore.
Sida lagu qoray Washington Examiner, Miller ayaa kulan ku "caayay" saraakiisha socdaalka isagoo ku eedeeyay in aysan wax ku filan ka qaban xirista muhaajiriinta aan sharciga haysan. Tan iyo markaas, maamulka ayaa kordhiyay howlgalada magaalooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin Washington DC, Charlotte, Chicago, iyo ugu dambayn Minneapolis.
Dadka Maraykanka oo ka sii niyad-jabay xeeladaha socdaalka
Miller waa uu diiday in ficilladiisa ay ku salaysan yihiin cunsuriyad ama naceyb. Waxa uu sheegay in uu difaacayo siyaasadda socdaalka ee Trump.
Trump ayaa toddobaadkan sheegay in howlgalku u baahan yahay "in la dabciyo" kadib dhimashadii Pretti iyo Renee Good.
Taageerada guud ee siyaasadda socdaalka ayaa hoos ugu dhacday 39%, heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu Trump ku soo laabtay Aqalka Cad, sida lagu sheegay sahamin ay sameeyeen Reuters-Ipsos. Inta badan dadka, 58%, waxay sheegeen in xeeladaha ICE ay "xad-dhaaf noqotay".
Afka madaxweynaha ayuu ku hadlaa
Jagada rasmiga ah ee Miller ee Aqalka Cad waa ku-xigeenka madaxa siyaasadda shaqaalaha iyo la-taliyaha amniga gudaha.
"Stephen Miller waxa uu mideeyaa dhammaan waaxyaha dowladda si loo hubiyo in siyaasad kasta, mid dibadeed iyo mid gudahaba lagu fuliyo xawaare sare.
Sanadkii hore mar ayaa la hadal hayay in Miller uu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad balse Trump ayaa si degdeg ah u diiday wararkaasi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Miller ayaa la sheegay in loo xilsaaray kormeerka howlgalada milatari ee Karabiyaanka si loo helo loona burburiyo doonyaha lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha, ugu dambeyn howlgalladaas waxay keeneen dadaalkii lagu riday Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro horraantii Janaayo.
Doorka Miller ee siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la sheegay in uusan caadi aheyn.
California ayuu siyaasadda ka soo bilaabay
Miller waxa uu bilaabay dareenkiisa kicinta isagoo da' yar. Waxa uu dhigtay dugsi sare oo ku yaal Santa Monica, oo ah deegaan xeebeed ka tirsan Los Angeles. Waxa uu soo galay siyaasadda 1999, sanad kadib markii maxkamad federaal ahi meesha ka saartay in muhaajiriinta aan sharciga aheyn loo diido adeegyada bulsho.
Miller waxa uu cilmiga siyaasadda ka bartay Jaamacadda Duke, halkaas oo uu ku qoray wargeyska ardayda warbixin midigta u janjeerta, kana noqday agaasimaha fulinta ee Ururka Muxaafidka Duke.
Waxa uu helay dareen qaran markii uu difaacay saddex xubnood oo caddaan ah oo ka tirsanaa kooxda kubadda koleejka Duke, kuwaas oo si khaldan loogu eedeeyay kufsi, eedeyntaasi oo markii dambe been noqotay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faallooyinka Miller waxay keeni karaan diidmo ka timaada Jamhuuriyiin khibradda u leh siyaasadda dibadda, balse aragtidiisa caalamiga ah waxay la jaanqaadaysaa dhaqdhaqaaqa fakarka Trump.
Miller iyo Trump labadaba, waxay isticmaaleen awoodda milatari, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Maraykanka si loo horumariyo arrimaha gudaha sida socdaalka, dambiyada, ka ganacsiga daroogada iyo ganacsiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay Latin America ku eedeeyaan halka ay ka timaado daroogada halista ah ee sababta dhimashada dad Mareykan ah oo badan.
"Stephen Miller waa shaqsi qaabeeya ajandaha maamulka Trump," ayay kooxda libiraalka ah ee Common Cause qoreen sanadkii 2025. "Laga bilaabo fududeynta rabshadaha dowladda ee qoysaska muhaajiriinta ka dhanka ah iyo ilaa kor u qaadidda hadallo qaranimo-cad ah oo ka dhex jira dowladda ayuu sameehyay. Xirfaddiisu waa digniin ku saabsan waxa dhaca marka naceybku helo awood hay'adeed."













