Dacwad sharci oo ka hortimid go'aanka maamulka Trump ee lagu joojinayo sharcigii ilaalin jiray Soomaalida Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters koox u doodda xuquuqda muhaajiriinta ayaa Isniintii gudbiyay dacwad sharci ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo qorshaha maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu soo afjarayo toddobaadka dambe ilaalinta sharci ee u oggolaanaysa ku dhowaad 1,100 Soomaali ah inay ku noolaadaan oo ka shaqeeyaan Mareykanka.
Dacwaddan, oo ay soo gudbiyeen afar Soomaali ah iyo laba urur oo u dooda xuquuqda muhaajiriinta, waxay ka hortimid go'aanka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ee lagu joojinayo Barnaamijka Ilaalinta ku meel gaadhka ah ee loo yaqaanno (TPS) ee muhaajiriinta Soomaalida, kuwaas oo Trump marar badan ku aflagaadeeyay fagaareyaal. Xoghayihii Amniga Gudaha ee xilka ka degayay Kristi Noem ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqday in TPS-ka Soomaalida la joojin doono 17-ka Maarso, iyadoo ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, inkastoo dagaallo ay weli u socdaan ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dacwad oogayaasha, oo ay ku jiraan ururrada African Communities Together iyo Partnership for the Advancement of New Americans, ayaa ku doodaya dacwadda laga gudbiyay maxkamadda federaalka ee Boston in ay ahayd mid habraac ahaan khaldan isla markaana ay ka dambeysay ajande hore loo qorsheeyay oo takoor ah.
Dacwadda ayaa sidoo kale xustay hadallo badan oo Trump sheegay, kuwaas oo uu Soomaalida ku tilmaamay "qashin" iyo "dad garaad ahaan hooseeya" oo aan "waxba ku deeqayn." Dacwa-ogayaashu waxay sheegeen in maamulka uu joojinayo TPS-ka Soomaaliya iyo dalal kale sababo la xidhiidha eex aan dastuurka waafaqsanayn oo ka dhan ah muhaajiriinta aan caddaanka ahayn, halkii ay ku salayn lahaayeen qiimeyn dhab ah oo ku saabsan xaaladaha dalalkaas.
"Joojinta TPS-ka Soomaaliya waa cunsuriyad isu ekeysiisay siyaasadda socdaalka," ayuu yidhi Omar Farah, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda sharci ee Muslim Advocates.
Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) kama aysan jawaabin codsi faallo ah. Hore waxay u sheegtay in TPS "waligiis aan loogu talagelin inuu noqdo barnaamij cafis guud oo joogto ah."
TPS waa nooc ka mid ah ilaalinta bini'aadantinimo ee socdaalka oo ka ilaalisa muhaajiriinta in la matatariyo isla markaana u oggolaanaysa inay shaqeeyaan. Intii ay xilka haysay Noem, DHS waxay qaaday tallaabooyin lagu joojinayo TPS ee ku dhowaad toban dal, taasoo dhalisay dacwado sharci. Maamulka ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo inuu racfaan u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Mareykanka si loo joojiyo magangalyada kumeelgaadh ka ah ee in ka badan 350,000 oo u dhashay dalka Haiti. Waxa kale oo uu doonayaa in maxkamadda sare ay u oggolaato joojinta magangalyada kumeel gaadhka ah ee ku dhowaad 6,000 oo Suuriyaan ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Bulshada Soomaalida oo bartilmaameed noqotay
Soomaaliya markii ugu horreysay waxaa loo qoondeeyay TPS sanadkii 1991, iyadoo kordhintii ugu dambeysay la sameeyay 2024. Qiyaastii 1,082 Soomaali ah ayaa hadda haysta magangalyadaan kumeel gaadhka ah, halka 1,383 kale ay leeyihiin codsiyo weli jawaab sugaya, sida ay sheegtay DHS.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilaha u dambeeyay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota waxay noqdeen bartilmaameed ka mid ah tallaabooyinka adag ee socdaalka ee Trump, iyadoo mas'uuliyiin ay tilmaameen fadeexad khiyaano ah oo dad badan oo lagu soo oogay ay ka yimaadeen bulshada weyn ee Soomaalida ee gobolkaas.
Maamulka Trump ayaa eedahaas khiyaanada ah u adeegsaday saldhig ay ku qaadaan hawlgal muddo bilo ah socday oo lagu xoojinayo fulinta sharciga socdaalka ee Minnesota oo ay hoggaamiyaan Dimuqraadiyiintu, halkaas oo ku dhowaad 3,000 oo wakiil oo socdaal ah la geeyay. Arrintaas ayaa dhalisay mudaharaadyo waxayna horseeday in laba muwaadin oo Mareykan ah ay dileen wakiillo federaal ah.
Bishii Nofeembar Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu joojin doono TPS-ka Soomaalida ku nool Minnesota, bil kadibna wuxuu sheegay inuu doonayo in loo diro "meeshii ay ka yimaadeen."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dadka uga digta safarka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigaysa dambiyo, rabshado sokeeye iyo arrimo kale oo badan.













