Itoobiyaanka Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa gudbiyay dacwad kadib go'aankii maamulka Trump uu joojiyay sharciga ilaalinayay Itoobiyaanka muhaajiriinta ah.
Sida ay werisay Reuters, kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool dalka Maraykanka, kuwaas oo haysta oggolaanshaha ilaalinta kumeel-gaarka ah (TPS), ayaa qarka u saaran in la masaafuriyo ka dib amar ka soo baxay Trump.
Si kastaba ha ahaatee, u-dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay in xuquuqdaas si sharci-darro ah looga laabtay si looga hortago in Itoobiyaanka la masaafuriyo.
Dacwaddan ayaa waxaa maxkamadda federaalka ee Boston ka gudbiyay saddex qof oo Itoobiyaan ah iyo urur aan faa'iido doon ahayn oo lagu magacaabo African Communities Together.
Eedaymahooda ayaa sheegaya in Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanku ay si sharci-darro ah u go'aamisay heerka Sharciga Ilaalinta Kumeel-gaarka ah (TPS) ee Itoobiyaanka ku nool Maraykanka.
Sida lagu sheegay dacwadda taalla maxkamadda federaalka ee Boston, tani waxay khatar sharci-darro ah gelisay 5,000 oo qof.
Oggolaanshaha 'Temporary Protected Status (TPS)' wuxuu u oggolaanayaa dadka ka soo guuray waddamada ay ka jiraan iskahorimaadyada hubaysan, masiibooyinka dabiiciga ah, ama dhibaatooyinka kale ee waaweyn inay si sharci ah ugu noolaadaan ugana shaqaystaan Maraykanka muddo cayiman.
Itoobiyaan badan ayaa oggolaanshaha helay sannadkii 2022-kii xilligii madaxweynihii hore Joe Biden, sababo la xiriira iskahorimaadyada iyo walaacyada bini'aadantinimo ee ka jira Itoobiya.
Maamulka Trump ayaa dib ugala laabtay oggolaanshahaas, wuxuuna amar ku bixiyay in muwaadiniintaas ay dalkooda ugu laabtaan muddo cayiman ka dib.
Si kastaba ha ahaatee, dacwoodayaashu waxay sheegayaan in xaaladda ammaan ee Itoobiya ay weli tahay mid walaac weyn laga qabo, isla markaana ay sharci-darro tahay in oggolaanshaha lagala laabto si degdeg ah oo ku dhex jirta 60 maalmood.
Waxay ku doodeen in tallaabadani ay tahay mid siyaasadeed iyo mid midab-takoof ah oo ka dhan ah muhaajiriinta madowga ah ee Itoobiyaanka ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
"In kasta oo ay Itoobiya weli ku jirto dhibaato bini'aadannimo, haddana wasiirka amniga gudaha Christie Noah wuxuu baajiyay ilaalinta muwaadiniinta Itoobiya," ayaa lagu yiri dacwadda.
Wuxuu sheegay in tani ay tahay mid aan dastuuri ahayn oo isir-nacayb ah.
Mareykanka ayaa kor u qaaday ilaalinta muwaadiniinta Suuriya, Venezuela, Haiti, Nicaragua, iyo Koonfurta Suudaan.
Dacwado dhowr ah ayaa daba socday maxkamadda federaalka. Maamulka Trump ayaa dhawaan go'aamiyay in la qaado ilaalinta Soomaalida.
Sannadkii 2022, waxay ahayd maamulkii Madaxweyne Joe Biden kii ilaalin jiray Itoobiyaanka ku nool Maraykanka. Hadda Trump wuu joojiyay tan.
Kiisku hadda waxa uu horyaalla garsoore heer federaal ah. Go'aanka waa la sugayaa.













