Muxuu yahay ololaha lagu ridayo Trump ee socda?

Madaxwayne Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka yar hal sano kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu xafiiska ku soo laabtay muddo xileedkiisa labaad, waxaa sii kordhaya codad ku baaqaya in xilka laga xayuubiyo.

Xaaladda hadda ee Trump waxay u muuqataa inaysan saamayn ku yeelan kaliya Dimuqraadiyiinta, balse sidoo kale taageerayaashiisa iyo Xisbiga Jamhuuriga.

Qaar badan oo hore si adag u taageersanaa aragtidiisa ayaa hadda ku biiray Dimuqraadiyiinta iyagoo ka soo horjeeda.

Hadda, codsiyo ka imaanaya dad badan oo Maraykan ah, kooxaha midigta, xisbiyada siyaasadda iyo kuwo kale ayaa xoojinaya ololaha lagu doonayo in Trump looga saaro xafiiska.

Ololahaan waxaa loo arkaa dadaal cusub oo lagu doonayo in laga hirgeliyo Golaha Wakiilada Maraykanka bartamaha muddo xileedka madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, su'aashu waxay tahay haddii qoraalka codbixinta iyo ololaha la bilaabay uu u gudbi karo tallaabo rasmi ah oo lagu geynayo Kongreska.

Trump laftiisu wuxuu sheegay in haddii Xisbigu daciifo, Dimuqraadiyiinta aysan ka waaban doonin in laga saaro xafiiska.

Taasi waa sababta uu ugu digay xisbigiisa Jamhuuriga, isaga oo sheegay in muhiim tahay in Jamhuurigu ku guuleysto inta badan kuraasta doorashooyinka dhexe ee 2026.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxo badan ayaa madaxweynaha ku eedeeyay masuuliyad-darro hoggaamineed, halka qaar kalena ay ururinayaan saxiixyo.

Bogga Change.org ayaa ilaa hadda ururiyay in ka badan 98,000 oo saxiix.

Qaar kale oo ku baaqaya in Trump laga eryo xafiiska waxay sheegayaan inuu ku tagri-falay awoodiisa, jebiyay shuruucda dimuqraadiyada, isla markaana galay dambiyo kale.

Si kastaba ha ahaatee, cadaadiskan weli waa arrin si weyn loogu muransan yahay, waxaana uu yahay arrin siyaasadeed oo adag islamarkana aad u murugsan.

Maraykanka, codka xil-kaqaadista waa hab dastuuriga ah. Laakiin Trump ma u muuqdo qof si fudud u quusanaya.

Warqaddii Trump uu u diray Ra'iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Stoere, Sabtidii, ayaa soo jiidatay dhaleeceyn ka timid dad badan.

"Markii aan ka fikirayo in la ii diiday Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka sababo la xiriira joojinta sagaal ama ka badan oo dagaallo ah, waxaan dareemayaa inaan hadda waajib iga saaran yahay inaan diiradda saaro ammaanka," ayuu Trump ku yiri warqadda.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sharcigu wuxuu ogol yahay in madaxweynaha xilka laga qaado

Qodobka 2, faqradiisa 4-aad ee Dastuurka Maraykanka wuxuu oggolaanayaa in madaxweyne ama mas'uulka ugu sarreeya ee dalka laga qaadi karo xafiiska haddii la xaqiijiyo inuusan si habboon u qaban karin waajibaadkiisa.

Sharcigu wuxuu ku qasbi lahaa Madaxweyne Trump inuu awoodda u dhiibo qofka beddelaya haddii la helo caddaymo lagu muujiyo inuu ku guul-darreystay fulinta masuuliyadiisa.

Haddii Golaha Wakiiladu uu ku wargaliyo Aqalka Senate-ka in madaxweynaha aanu awood u lahayn inuu xukumo ama si habboon u fuliyo waajibaadkiisa, senetka-na ay xaqiijiyaan arrinta ayaa laga saari doonaa xafiiska.

Haddii madaxweynaha ka soo horjeesto, Golaha Kongreska ayaa ansixin doona qaraar. Cod kasta oo Aqalka Senate-ka iyo Golaha Wakiilada waa inuu helo saddex meelood laba mee.

Trump wuxuu wajahayaa eedeymo iyo olole la mid ah kii uu la kulmay intii uu xilka hayay muddo xileedkisii kowaad, oo ku saabsan kicin rabshado ka dhacay Capitol Hill.

Trump wuxuu noqday madaxweynaha ugu horreeya taariikhda Maraykanka ee laba jeer laga keeno codsi ah in xilka laga xayuubiyo.

Markii ugu horeysay waxaa lagu soo oogay eedeymo 2019 sababo la xiriira xiriirkiisa Ukraine, kadibna 2021 waxaa lagu eedeeyay inuu kiciyay rabshado weerarkii 6-dii March ee Capitol.

Haddii ololaha hadda ka bilaabmay heerka mas'uuliyiinta iyo muwaadiniinta uu u gudbo baarlamaanka, waxay noqon doontaa markiisii saddexaad. Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Senate-ka ma uusan ka ka qaadin xafiiska.

Fikradda ku saabsan xil-kaqaadista 2026 ayaa noqotay mid xooggan ka dib markii xaaladda siyaasadeed ee Trump uu ku wajahay caalamka oo noqotay mid argagax leh.

Hadda Trump hal dal oo kali ah dagaal kulama jiro ee waxaa ku furan aagag badan.

Dalal badan, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Yurub, ayaa si xooggan uga soo horjeestay faragelinta iyo isku-dayada Trump ee xukunka.

Laga soo bilaabo dhaleeceynta go'aannada siyaasadda dibadda ilaa saxiixidda ku saabsan ku xad-gudubka awoodda fulinta, waxaa jira dad badan oo sheegaya in musiibadii ugu xumayd ee Maraykanku wajahday ay dhacday.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo codsiga ah in Trump xilka laga qaado.

Taariikh ahaan, saddex Madaxweyne oo Maraykan ah ayaa lagu soo oogay eedeymo aqalka wakiilada codsiga Aqalka Senate-ka: Andrew Johnson (1868), Bill Clinton (1998), iyo Donald Trump (2019, 2021).

Si kastaba ha ahaatee, midkoodna lagama helin eedeymaha ama lagama eryin xafiiska.

Richard Nixon wuxuu wajahayay eedeymo xafiiska lagaga qaadi lahaa 1974, balse isagu wuu iscasilay ka hor codbixintii Golaha Wakiilada.