Hooyo ku oysay arooska wiilkeeda oo heshay jawaab lama filaan ah

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Ilmo kasoo daadatay haweenay u dhalatay dalka Aljeeriya, oo ka murugootay kasoo qeyb galka tirada dadka xafladda arooska wiilkeeda oo aad u yareyd, ayaa waxay dhalisay is dhexgal ballaaran oo ay ku samaysay baraha bulshada, taasoo keentay in markii dambe arooska wiilkeeda uu isu beddelo xaflad aad u ballaaran.
Sheekadu waxay billaabatay markii hooyada dhashay Sofiane Akakneh oo ka timid gobolka Khenjela ee Algeria, ay u soo baxday inay cillaan saarto gacmaha wiilkeeda, taasoo ah mid ka mid ah caadooyinka dalka Algeria, kahor xafladda arooska.
Waxay la yaabtay in xafladda wiilkeeda ay ku dhawaatay inuu kaligiis uun yahay qofka goobjoogga ah, meeshuna ay ku dhowdahay inay noqoto faaruq.
Ilmada Sofiane hooyadii ayaa keentay in dadka qaar ay bogagga Facebook-ga ee gobolka ku baahiyaan warkan, isla markaana ay ka dalbadaan dadka gobolka inay kasoo qeyb galaan arooska ninka da’da yar, ayna hantaan qalbiga wiilka yar hooyadiis, soona celiyaan dhoolla-caddeynta qoyska.
Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan bogagga baraha bulshada ee Algeria, ninka arooska ah, Sofiane, ayaa wuxuu kasoo jeedaa qoys ladan oo deggan magaalada Chachar ee gobolka Khenchela, oo dhaca waqooyi-bari Algeria.
Sida uu arooskii isugu beddelay xaflad farxadeed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bogagga ay bulshadu ku wada xiriirto ee hormuudka ah ayaa si weyn u baahiyay, ugana qeyb qaatay sidii xafladda arooska ah ay dad badani uga qeyb gali lahaayeen, taasoo keentay in dad badan oo ka kala yimid gobollo kala duwan ay qoyska la wadaagaan farxadda arooska, iyadoo xafladdan lagu tilmaamayay markii hore "male-awaal".
Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad aad u tiro badan iyo gawaari isugu soo baxay deegaanka Shajar, si ay uga qeyb galaan xafladda arooska ee Sofiane Akakneh.
Sida laga soo xigtay dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo qaar ka tirsan warbaahinta, in ka badan 900 oo gaari ayaa ka qayb galay arooska, kumannaan qof oo dabaaldegayana way yimaadeen.
Warbaahinta Algeria ayaa sheegtay in qaar badan oo ka tirsan dadkii ka soo qeyb galay ay wiilka arooska ah guddoonsiiyeen haddiyado iyo kaalmo. Qaar kale ayaa u qoondeeyay guri isaga iyo aroosadda ay ku galaan toddobada ama "bisha malabka".
Dad isku weydaarsaday farriimo barta Twitter-ka ayaa ammaanay dadka reer Algeria oo ka kala yimid gobollo kala duwan, si ay u soo celiyaan farxadda iyo dhoolla-cadeynta wejiga ninka dhallinyarada ah iyo hooyadiis.
Dad badan ayaa sheegay in sheekada Sofiane Akakneh ay "caddayn u tahay in wanaaggu uu weli ku jiro quluubta dadka.
Xaflad aroos oo gudbineysa farriin
Sofiane ayaa uga warramay TV-ga maxalliga ah ee New Ennahar sida ay wax u dhaceen. Wuxuu sheegay in arrintu ay billaabatay markii qoyska ay diyaariyeen wax walba oo looga baahnaa xafladda arooska, balse aysan jirin cid u timid, taasoo ka careysiisay hooyadiis, ilaa ay sheekadu gaartay bog weyn oo Algeria ka howlgala, kaas oo bog ku leh Facebook-ga.
Boggan wuxuu ka codsaday dadka ku xiran inay ka qeyb qaataan arooska, taasoo run ahaantii dhacday.
Sofiane Akakneh ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay tallaabooyinka la qaaday, isagoo u mahad celiyay cid kasta oo u timid inay ka farxiso isaga iyo hooyadiis.
Hab-dhaqanka arooska ee Algeria

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqanka arooska ee dalka Aljeeriya, gobolba gobolka kale wuu ka duwan yahay. Xafladda loogu dabbaal dagayo guurka dalka Algeria ayaa inta badan waxay billaabataa labo ama saddex maalin ka hor arooska, waxaana la qabtaa xaflado dhowr ah oo dad badan ay isugu yimaadaan.
Maalinta qubayska: Tallaabada ugu horreysa ee xafladda dabbaal degga. Habeenka aqal-galkeeda waxay gabadhu tagaysaa musqusha, halkaasoo ay ka dhacaan xaflado iyo dhaqamo gaar ah.
Maalinta Xabiibka: Maalinta labaad ee xuska waa xaflad gaar ah oo haweenka loo sameeyo, taasoo cillaanka lagu sawirayo qaab ubax iyo farshaxan kaleba ah, iyadoo macnaha loola jeedo ay tahay in loo rajeeyo aroosadda nasiib wanaagsan iyo wax loogu yeeray "ka xijaabista sheydaanka".
Maalinta Cillaanka: Kahor xafladda arooska, aroosadda subaxdii waxay u soo dirtaa alaabteeda, dharkeeda iyo waxyaabo kale gurigeeda mustaqbalka, kaddibna ninka arooska ah wuxuu u soo diraa haddiyado iyo cillaan, wuxuuna haween u soo dirayaa xaaskiisa mustaqbalka iyo qoyskeedaba.
Maalinta Arooska: Waa maalinta ugu dambeysa ee ay gabadhu xirato dharka cad ee arooska, ninka arooska ahna uu xirto dharka arooska. Galabtaas ayay dumarkii qoyska gabadha u soo kaxeynayaan goobta uu ka dhacayo arooska.










