Maraykanka oo qarka u saaran "lacag la’aan” baahsan

Deynta Maraykanka

Xigashada Sawirka, BILL CLARK

Dowladda Maraykanka ayaa muddo toddobaadyo gudahood ah wajihi karta lacag la’aan baahsan, waa haddii loo oggolaan waayo in ay qaadato deyn dheeraad ah.

Waxaa laga digay in saameyn xun ay soo food-saari doonto dhaqaalaha caalamka haddii Congress-ka Maraykanka uu gaari waayo heshiis sare loogu qaadayo xaddiga lacagaha ay deynsan karto xukuumadda Washington.

Haddii siyaasiyiinta ay gaari waayaan heshiiskaas, waxaa dhici doonta in dowladda Federaalka ay bixin weydo deymaha hadda lagu leeyahay.

Muxuu yahay xaddiga deynta?

Waa sharci qaabilsan inta ay gaarsiisan tahay lacagaha amaahda ah ee ay qaadan karto dowladda Maraykanka si ay u bixiso kharashaadka looga baahan yahay.

Waxaa kharashaadkaas kamid ah mushaarka shaqaalaha, milateriga, halwadeennada caafimaadka, lacagaha dul-saarka deynta iyo canshuur celinta.

Inta badan, Congress-ka ayaa u codeeya in sare loo qaado xaddiga lacagaha ay amaahan karto dowladda Maraykanka. Xaddigaas ayaa haatan ah 31.4 tirilyan oo dolar.

Heerkaas waxa ay dowladda Maraykanka gaartay bishii January ee sanadkan, waxaana tan iyo markaas lagu socday "tallaabooyin aan caadi ahayn” oo ay qaaday waaxda maaliyadda dalkaas.

Khilaaf u dhexeeya hoggaanka Congress-ka iyo Aqalka Cad ayaa xilligan keenay walaaca ah in Maraykanka uu galo xasarad dhaqaale.

Xoghayaha maaliyadda, Janet Yellen, ayaa ka digtay in qasnadaha dowladda ay faaruq noqon doonaan horraanta June, waa haddii aan la helin deyn dheeraad ah.

Maxaa dhici kara haddii heshiis la waayo?

Weli ma dhicin xaalad noocaas ah, marka lama hubo saameynta dhabta ah ee ay yeelan karto. Waxaa se la hubaa in ay ka dhalan doonto dhibaato dhaqaale.

Dowladdu ma awoodi doonto in ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha oo ay kamid yihiin ciidamada milateriga ama lacagaha hawlgabka.

Hay’adaha dowladda ayay shaqadoodu joogsan doontaa, waxaana lacag la’aan noqon doona shirkadaha iyo dhinacyada ku tiirsan dhaqaalaha xukuumadda.

Saadaasha hawada ayay sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa arrinkaas, maadaama ay ku tiirsan tahay hay’adda Addegga Qaran ee Hawada oo ay maalgeliso Washington.

Hgaanka Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa dhacaya haddii uu Maraykanka bixin waayo deymaha lagu leeyahay?

Waxa ay arrintaas horseedi doontaa in Maraykanka uu bixin waayo deymaha lagu leeyahay iyo lacagaha dulsaarka ah ee ka dhasha. Sanadkii 1979 ayuu Maraykanku bixin waayay deymaha lagu leeyahay, waxaana xilligaa loo aaneeyay khalad si aan ula kac ahayn u dhacay.

Haddii Maraykanka uu si ula kac ah u bixin waayo deymaha lagu leeyahay, waxa ay taasi qalqal gelin doontaa suuqda caalamka oo shirkado badan ay leeyihiin deymahaas.

Shirkadda Moody's Analytics ayaa saadaalisay in haddii uu jiitamo is qabqasiga u dhexeeya siyaasiyiinta ay suuqyada saamiyada lumin doonaan 20% qiimahooda, halka in ka badan 7 milyan oo qof ay noqomn doonaan shaqo la’aan.

Maalgashatada ayaa ka fiirsan doona lacagaha ay amaahiyaan dowladda Maraykanka, oo waxa ay kordhin doonaan heerka dulsaarkooda, waxaana ay taasi saameyn xun ku yeelan doontaa dadka ku nool waddankaas.

Saameynta Soomaalida

Soomaali badan oo ku nool Maraykanka ayay saameyn ku yeelan doontaa lacag la’aanta laga cabsi qabo in ay soo wajahdo dowladda Federaalka.

“Soomaalidu waxa ay qabtaan shaqooyin ay kamid yihiin macalinnimada, darawalada gaadiidka dowladda iyo shaqooyin kale. Dadkaas waxaa ku tiirsan qoysas u badan kuwa Afrika ku nool oo ay si xun u taaban doonto dhaqaalo xumida laga cabsi qabo in ay ku timaado Maraykanka,” ayuu yiri weriye Siyaad Siciid Saalax oo BBC Soomaali uga soo warrama Minnesota.

Waxaa sidoo kale ay arrintaas saameyn kartaa dhaqaalaha uu Maraykanka ku bixiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta