Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in wixii ka dambeyay dilkii Ismaaciil Haniyah ay dowladdiisu la kulantay Musiibooyin

Xigashada Sawirka, Iranian Presidency / Handout/Anadolu via Getty Images
Madaxweynaha Iran, Masuud Pezzekian, oo ka hadlayay dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa tamarta ee dalka, ayaa soo hadal qaaday dilka Ismaaciil Haniyyeh, hoggaamiyihii siyaasadeed ee Xamaas, kaas oo la beegsaday maalintii ugu horreysay ee dowladdiisu shaqada bilowday. Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay "maalin walba la kulmeysay masiibooyin". Khudbad kale oo uu jeediyay ayuu sidoo kale ku soo qaaday arrinta muranka dhalisay ee ah in caasimadda laga raro Tehran.
19-kii Noofambar, isagoo la hadlayay dhaqaaleyahannada gobolka Qazvin, ayuu yiri:
"Maalintii koowaad ayay Haniyyeh dileen, taas micnaheedu waa in maalin walba masiibo la inagu keenayo, annaguna waa in aan masiibadaas iyo is-dheellitir la'aanta dhex mushaaxnaa."
31 Luulyo 2024-kii, Ismaaciil Haniyyeh ayaa lagu bartilmaameedsaday laguna dilay Tehran, saacado kadib markii uu ka soo qayb galay xafladdii caleemaka ee Masuud Pezzekian, taas oo ahayd maalintii ugu horreysay ee xukuumaddiisu talada qabatay.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Pezzekian wuxuu u jawaabayay dadka dhaliila dowladdiisa, wuxuuna yiri:
"Waxaan rumeysanahay in haddii aynu is gacansiinno, aan xallin karno dhibaatooyinka — micnaheedu waa inaanan is-colaadin oo aanan is-eedayn."
Wuxuu qirtay in dhibaatooyin iyo caqabado ay ka jiraan dhammaan hay'adaha:
"Aan is is dhaliilno oo aan dhahno waxaan caqabado naga haystaana dowladda, sidoo kale waxaan caqabado naga haystaan baarlamaanka."
Wuxuu intaas ku daray: "Ma aqbaleyno inaan ka harno dalalka kale meel kasta oo ay noqotaba, sidaas darteed waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo aan awoodno."
Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in aanay mar dambe "korontada goyn doonin," isagoo intaas ku daray: "Waxaan ku noolaan karnaa annagoo aan lahayn saliid; qorax iyo tamar baa inoo yaalla, waxa kaliya ee loo baahan yahay waa inaan aqbalno in annagoo shaqaynayna oo dadaalayna aan u dhaqaaqi doonno isku-filnaansho."
Wuxuu sheegay in mustaqbalka aan la isticmaali doonin gaaska guryaha, ee kaliya koronto la adeegsan doono, gaaskana loo wareejin doono warshadaha.

Xigashada Sawirka, President.ir
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadaladan ayaa imanaya xilli koronto-oo tagta, ay dowladdu u tiiriso dheellitirnaan la'aanta tamarta, ay carqaladeeyeen noloshii caadiga ahayd iyo ganacsigii, ayna saameeyeen waaxyaha muhiimka u ah dhaqaalaha Iiraan, isla markaana sababeen in dhowr jeer magaalooyin la xiro.
Yaraanta gaaska xilliga jiilaalka iyo hoos u dhaca cadaadiskiisa marka cimilo qabow timaaddo ayaa ka mid ah dhibaatooyinka haysta waaxda tamarta ee Iiraan.
Maalmo ka hor, madaxweyne Pezzekian ayaa farriin uu soo dhigay barlamaanka X ku sheegay in "dheellitirnaan la'aanta tamartu ay tahay mushkilad halis ah oo isa soo taraysa; laguma xallin karo kaliya, in si run ah oo tallaabo-tallaabo ah loo wajaho."
Mas'uud Pezzekian ayaa loo doortay Madaxweynaha Iiraan xilli ay xaaladda tamartu aad u adkayd, warbixinaduna muujinayaan in ay jiraan dhibaatooyin ka imaanaya waaxyaha tamarta oo ay ku jiraan koronto, gaaska dabiiciga ah, baatroolka iyo naaftada.
Soo celinta cunaqabatayntii QM ee ka dhanka ahayd Iiraan, kaddib dhaqaajintii habraaca siyaasadda cadaadiska badnayd ee maamulka Donald Trump, ayaa loo arkaa inay bixiso aragti cad oo ku saabsan sida loo xallin karo mushkiladda dheellitirnaan la'aanta tamarta ee dalka.













