Trump: "Guddoomiyaha Shuuciga isagaa dalbaday kulanka" Mamdani iyo Trump oo kulmaya

Xigashada Sawirka, Getty Images/ reuters
Duqa cusub ee New York, Zohran Mamdani iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qorshaynaya inay Aqalka Cad ku kulmaan Jimcaha, ka dib bilo ay dhex marayeen isku dhacyo dhanka afka ah oo aflagaado ay hawada isu marinayeen intii lagu guda jiray doorashadii dhowaan dhacday ee magaalada Newyork.
Mamdani oo 34 sano jir ah ayaa ka tirsan xisbiga dimuqraadiga gaar ahaan kuwa (Democratic Socialistiga ah), waxa uu ku guulaystay tartankii guddoomiyaha New York ee horaantii bishan dhacay, waxa uu doorashada kaga adkaaday barasaabkii hore ee New York Andrew Coumo oo uu kaga qaaday sagaal dhibcood.
Inkasta oo aan aad looga aqoon meel ka baxsan New York ka hor doorashada, waxa uu hadda noqday mid heer qaran looga aqoonsan yahay.
Trump ayaa ku sheegay bayaan in ''guddoomiyaha shuuciga ah'' uu isagu codsaday kulanka, kaasi oo ka dhacaya xafiiska Oval-ka.
Afhayeenka duqa la doortay ayaa sheegay kulanka uu la yeelanayo Trump uu yahay mid caadi ah oo dhaca marka maamul magaalo oo cusub uu xilka la wareegayo.
''Duqa la doortay waxa uu qorshaynayaa in uu kula kulmo Madaxweynaha Washington si ay uga wada hadlaan amniga guud, badbaadada dhaqaale iyo ajandaha la awoodi karo oo in ka badan hal milyan oo reer New York ah ay u codeeyeen laba todobaad kahor,'' ayay tiri afhayeen Dora Pekec.
Guddoomiyayaashii ka horeeyay Mamdani – Bill de Blasio iyo Eric Adams kulma aysan yeelan wax kulan ah oo heerkiisu sarreyo madaxweynaha xafiiskiisa Oval , in kasta oo ay ka qayb galeen shirar kale oo Aqalka Cad ka dhacay oo ay la joogeen guddoomiyayaal iyo masuuliyiin kale.
Isqabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha labada xilli la doortay iyo siyaasiga cusub ee sida dhakhsada ah u soo baxay ayaa bilaabmay goor aan fogayn, ka dib markii Mamdani uu ku guulaystay isreebreebkii dimuqraadiga ee bishii Juun.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump ayaa ugu yeeray Mamdani ''Shuuci'' mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga, waxaana uu ku hanjabay inuu hakin doono bilyan doolar oo federaalka ka soo gaarta New York, sabab la xiriirta guusha uu gaaray.
Toddobaadyadii ka horeeyay doorashada Mamdani, Trump oo ku dhashay kuna koray New York uu si joogta ah ugu sifeeyay inuu yahay qof xagjir ah oo ''si gaar ah aan u shaqayn maalin ka mid ah noloshiisa.
Tallaabo lama filaan oo aan horay u dhici jirin ayuu madaxweynaha Jamhuuriga uu teegaaro ugu muujiyay ninka ay is-mucaaradsanaan jireen ee Coumo, Dimuqraadiga ku tartamayay kaarka musharax madax banaan.
Khudbadiisa guusha ee maalintii doorashada, waxa uu ku jeesjeesay Trump, isaga oo u sheegaya inuu kor u qaado codka taleefishinkiisa.
Daqiiqado ka dib, Trump ayaa ka soo jawaabay bartiisa bulshada Truth Social: isaga oo soo qoray ''…sidoo kale waa ay bilaabatay!''
Mamdani oo horay u ahaa xildhibaan heer gobol ayaa ololihiisa uu ku dhisnaa qiimaha nolosha ee mid kamid ah magaalooyinka ugu qaalisan dalka Maraykanka. Waxa uu dad badan uga yaabiyay markii uu ku guulaystay doorashadii horudhaca ahayd ee gudaha xisbiga dimuqraadiga bishii Juun. Waxa uu ballan qaaday inuu ka hor imaanayo Trump, isaga oo shaqaalaysiiyay qareeno dheeri ah si ay u diyaariyaan dacwooyin sharci, isaga oo isla markaana ku adkaystay in New York ay ''sii ahaan doonto magaalo muhaajiriin'' xilli Trump uu wado olole ka dhan ah soo galootiga ee guud ahaan dalkaasi Maraykanka.













