Trump ma carqaladayn karaa ajandaha Zohran Mamdani ee New York

Daqiiqado uun ka dib markii Zohran Mamdani uu ku guulaystay dagaalkiisii uuk u noqonayey duqa magaalada New York, xidiga siyaasadeed ee soo kacaysa waxa uu diiradda saaray ku dagaalkiisa xiga ee madaxweynaha Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump ayaa Mamdani ku weerarayay "shuuci" tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii isreebreebka ee Dimuqraadiga ee New York bishii June

Daqiiqado uun ka dib markii Zohran Mamdani uu ku guulaystay dagaalkiisii uu ku noqonayey duqa magaalada New York, xidiga siyaasadeed ee soo kacaysa waxa uu diiradda saaray dagaalkiisa xiga ee madaxweynaha Maraykanka.

Khudbadii guusha ee Talaadadii, Mamdani wuxuu ku jeestay kamaradaha si uu si toos ah ugu jees jeeso madaxweynaha: "Marka Donald Trump, maadaama aan ogahay inaad daawanayso, waxaan kuu hayaa afar eray oo ah kor u qaad codka," ayuu yiri.

Daqiiqado ka dib, Trump wuxuu kaga jawaabay bartiisa bulshada ee Truth Social: "...Oo ma sidaas ayay ku bilaabataa!"

Madaxweyne Donald Trump ayaa 34-jirkan ku dhaleeceeyay inuu yahay "Shuuci" mustaqbalka xisbiga Dimuqraadiga.

Trump ayaa taageeray Andrew Cuomo - gudoomiyihii hore ee Dimuqraadiga oo u tartamayay si madax banaan - wuxuuna u sheegay reer New York in haddii ay doortaan Mamdani, uu jari doono maalgelinta magaalada. Ka dib subaxnimadii markii Mamdani uu guuleystay, wuxuu ka digay in dadku "ka carari doonaan" New York.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump, oo ku dhashay kuna koray New York, uu isku dayo inuu faraha la galo arrimaha magaalada, laga bilaabo kicinta weerarada socdaalka ilaa uu isku dayo inuu baabi'iyo maalgelinta qiimaha ciriiriga ah, siyaasad uu ka soo horjeedo.

Laakin Mamdani waxa uu muuqdaa nin aan welwelsaneyn.

"Haddii qof uu doonayo in uu muujiya sida khiyaanada uu umadda ku sameeyay Donald Trump looga adkaado waa magaaladii uu ku dhashay," ayuu yiri mar uu khudbaddiisa guusha ka jeediyay.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Trump waxa uu awood federaali ah kula wareegay dhowr magaalo oo ay dimuqraadigu maamulaan, isaga oo diray ciidamo ilaalo qaran ah, isla markaana ka hortagaya soo galootiga guud ahaan Mareykanka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Trump waxa uu awood federaali ah kula wareegay dhowr magaalo oo ay dimuqraadigu maamulaan, isaga oo diray ciidamo ilaalo qaran ah, isla markaana ka hortagaya soo galootiga guud ahaan Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale jaray balaayiin maalgalin ah magaalooyinka tan iyo markii ay xirantay miisaaniyadda dowladda 1-dii Oktoobar, oo ay ku jirto New York, halkaas oo uu xayiray $ 18bn (£ 13.6bn) lacagta federaalka ee mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha.

Khubarada siyaasadda ayaa BBC-da u sheegay in Trump uu si fudud u dhimi karo wax badan - taasina ay caqabad ku noqon karto ballan-qaadyadii ololaha ee Mamdani ee ahaa in la dhimo qiimaha nolosha.

Ninkan isku magacaabay Hantiwadaagga Dimoqraadiga ah ayaa ololaahiisa ku galay bixinta basas bilaash ah, hakinta kordhinta kirada guryaha, daryeelka carruurta iyo dukaamada ay magaaladu maamusho, iyo hadafyo kale oo siyaasadeed.

"Xaqiiqdu waxay tahay duqa la doortay waa inuu si aad ah diiradda u saaro madaxweyne Trump iyo weerarrada New York, taas oo ka soo horjeeda dhammaan arrimaha uu rabo inuu wax ka qabto," ayuu yiri Julian Zelizer, oo ah barafasoor taariikhda ka dhiga Jaamacadda Princeton. "Waxay dhibaato ku noqon doontaa magaalada, waxa kale oo ay dhibaato iyo caqabad ku noqon doontaa maayarka la doortay in uu diiradda saaro howshiisa.

Mamdani kama uusan jawaabin codsi uga yimid BBC-da.

$8 bilyan oo maalgelin federaal ah oo loo baahanyahay

Mamdani, oo hore u ahaa xildhibaan gobol, waxa uu wajahayaa caqabado dhawr ah marka laga reebo Trump si uu u gaaro yoolkiisa siyaasadeed ee hamiga leh, khubarada siyaasadda ayaa sidaasi leh.

Waxa uu soo jeediyay in uu kor u qaadi karo $10bn oo dakhli ah isaga oo kordhinaya cashuuraha shirkadaha hodanka iyo boqolkiiba mushaarka ay dadku qaataan ee New York - laakiin taasi waxay u baahan doontaa ogolaanshaha gudoomiyaha gobolka.

Guddoomiyaha Dimuqraadiga Kathy Hochul, oo wajahaya tartan adag oo dib-u-doorasho ah sanadka soo socda, ayaa ilaa hadda ka warwareegay inuu taageero qorshaha canshuuraha ee Mamdani. Elise Stefanik oo saaxiib la ah Trump ayaa sheegtay in ay raadin doonto musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee xilka ugu sarreeya ee gobolka.

Trump waxa laga yaabaa in dhimis dheeraad ah ka sameeyo qorshayaashan haddii uu dhimo maaliyadda federaalika oo badan, taas oo sannadkii hore ka koobnayd $8.5bn, ama 7% miisaaniyadda guud ee magaalada.

"Waxaa jiri doonta lacag wax lagu qabanayo magaalada," ayuu yiri Mr Zelizer. "Laakiin haddii dollarka federaalku bilaabo inuu hoos u dhaco, taasi waxay ka dhigaysaa mid aad u adag in la sameeyo wax cusub."

Taageerayaasha Mamdani waxay aaminsan yihiin inuu yahay musharraxa sida aadka ah diiradda u saaray inuu magaalada ka dhigo mid la awoodi karo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Mamdani waxay aaminsan yihiin inuu yahay musharraxa sida aadka ah diiradda u saaray inuu magaalada ka dhigo mid la awoodi karo

Lacagahaas waxaa loo isticmaalaa adeegyo badan, oo ay ku jiraan waaxda guriyeynta, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee masiibooyinka, iyo adeegyada carruurta, iyo sidoo kale lacagaha waxbarashada ee ardayda dakhligoodu hooseeyo iyo cuntada dugsiyada, sida uu qabo Xafiiska Miisaaniyadda Madaxa-bannaan ee Magaalada New York.

Trump ma uusan cayimin lacagaha federaalka uu beegsanayo.

New York sharciyan waxa ay baahantahay inay bixiso qaar ka mid ah adeegyadan, sida maalgelinta guryaha kuw aan hoy haysan. Taasi waxay ka dhigan tahay in haddii aan la helin maalgelin federaal ah, dawladda magaalada iyo gobolka ay tahay inay sameeyaan isbeddel cadaadis lagu saaraya barnaamijyada kale, ayay tiri Sarah Parker, sarkaal sare oo cilmi-baaris iyo istaraatiijiyadeed oo ka tirsan Xafiiska Miisaaniyadda Madaxa-bannaan ee Magaalada New York.

"Waxaa jira qorshooyin badan oo deg deg ah oo la sameeyay heer magaalo iyo heer gobol oo loogu talagalay xaalado badan," ayay tiri.

Trump waxay u badan tahay inuu la kulmi doono caqabado dhanka sharciga ah oo ku saabsan hakinta lacagaha uu ansixiyay Kongreska, oo ay ku jiraan gargaarka cuntada, ayuu yiri Justin de Benedictis-Kessner, oo ah barfasoor siyaasadda guud ka dhiga Jaamacadda Harvard ee Kennedy School of Government.

Laakiin waxa ay hoos u dhigaysaa habka loo heli lahaa dhaqaalahaas dadka u baahan," ayuu yiri.

'Trump iyo wax qabadkiisa' Magaalada New York

Taageerayaasha Mamdani waxay aaminsan yihiin inuu yahay musharraxa sida aadka ah diiradda u saaray inuu magaalada ka dhigo mid la awoodi karo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Mamdani waxay aaminsan yihiin inuu yahay musharraxa sida aadka ah diiradda u saaray inuu magaalada ka dhigo mid la awoodi karo

Mamdani waxa ay u badan tahay in ay wakhti ku qaadan doonto in uu hindiso istaraatiijiyad uu kaga jawaabo talaabada ugu wanaagsan ee Trump, sababtoo ah xafiiska lama wareegayo ilaa bisha January, ayuu yiri Bob Shapiro, oo ah barfasoor cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Columbia.

Hogaamiyeyaasha kale ee magaalada Dimuqraadigu waxay horumara kal duwan ka sameeyeen magaalada Boston taasoo ay ka mid tahay Duqa Boston Michelle Wu , oo marar badan cadaadiyay madaxweynaha. Trump ayaa mar ku hanjabay inuu Koobka Adduunka kala laaban doono magaaladda Massachusetts.

Magaalada San Francisco, duqa magaalada Daniel Lurie ayaa lagu soo waramayaa inuu ku tiirsanaa hogaamiyayaasha warshadaha tignoolajiyada si ay uga dhaadhiciyaan Trump inuusan usoo dirin ciidamada Ilaalada Qaranka magaalada, isagoo ku dooday inay saameyn ku yeelan doonto dhaqaalaha.

Mamdani ayaa laga yaabaa inuu dhaqdhaqaaqyo la mid ah kuwaas ka sameeyo New York si uu uga fogaado ciidamada federaalka, isagoo ugu baaqaya hogaamiyayaasha Wall Street ee ka socda magaalada uu Trump xirfaddiisa kaga sameeyay hanti ma guurto ah, ayuu yiri Mr Shapiro.

Mamdani waxa uu wajahayaa caqabado waaweyn oo ah isku dayga in uu fuliyo ajandihiisa siyaasadeed ee uu ku haminayo, sidaa darteed waxa laga yaabaa in uu doorto dagaalka uu kula jiro madaxweynaha si uu taageero uga dhex sameeyo dadka ka soo horjeeda Trump ee reer New York siyaasadaha qaarkood, ayuu yiri de Benedictis-Kessner.

"Waxay ila tahay inuu la xiriiri doono doono Trump haddii ay taasi ka caawineyso inuu gaaro yoolkiisa siyaasadeed," ayuu yiri. "Oo waxaan u maleynayaa inuu yahay siyaasi caqli badan oo uusan taas sameyn doonin haddii aan isago dhibaato lagu sameyn."