Dhacdo argagax leh: Xogta aan ka helnay "ninkii lagu gubay" Wanlaweyn

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Digniin: Warbixintan waxaa ku jira macluumaad aad dhibsan karto
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday muuqaal argagax leh oo muujinaya nin nolosha lagu gubayo, taas oo ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Falkan oo ka dhacay deegaanka Dudumaay ee duleedka degmada Wanlaweyn ayaa laga soo duubay muuqaal muujinaya nin qiyaastii da'da kontomeeyada ku jira oo ay dad dhowr ah ku garaacayaan ulo iyo dhagaxaan kadibna gubaya meydkiisa.
Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa loo maleynayaa in loo dilay aano qabiil.
Si aan faahfaahin uga helno dhacdadan argagaxa leh ayaanu la xiriinay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi.

Xigashada Sawirka, Abdulkadir Mohamed
Guddoomiyaha ayaa BBC u sheegay in ninkan loo dilay aano qabiil, kadib markii la arkay isagoo dhex socda deegaanka reerka ay colaaddu kala dhaxeysay.
"Sida aan xogta horudhaca ah ku heleyno wuxuu ahaa nin xanuunsan oo meel iska socday, kadibna lasoo qabtay oo la garaacay sida muuqaalka laga arki karo oo la gubay," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in reerka uu ninka ka dhashay iyo kuwa falkan geystay ay ka dhexeysay colaad sanado socotay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Dilkiisa dilal badan ayaa ka horreeyay oo saacad kasta ayaa wax la dilaa, laakiin dhacdadan waa mid ugub ku ah deegaanka,"
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray inay soo qabtaan dadka muuqaalka kasoo muuqday. "Qaar waa lasoo xiray qaarka kalena waa lagu daba jiraa." Ayuu intaas raaciyay.
Dhanka kale, dolwad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareysay falkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaas.
"Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in aysan marnaba aqbaleynin falal noocan oo kale ah lagu carqaladeeyo amniga iyo xasiloonida shacabka, dowladdu waxay tilmaameysaa in kooxaha ka dambeeyay falkaasi yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dhacdada isla markaana cidda ka dambeysay la marsiin doono sharciga.
Maamulka ayaa tacsi u diray qoyska dhibbanaha, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay ka digtoonaadaan "kooxaha doonaya inay dhibaato iyo cabsi gelin ku dhex fidiyaan bulshada dhexdeeda".
Dilalka ku saleysan anooyinka qabiilka ayaa ku badan deegaannada Soomaalida, iyadoo guddoomiyuhu sheegay in dhowaan ay soo cusboonaatay colaadda ka dhaxaysa reeraha wada dega halkaas.












