Madaxweynaha dabacsan laakin aan gaban ee lagu eedeeyay burburinta xasiloonida Tanzania

Xigashada Sawirka, Reuters
Tansaaniya waxa ka jira rabshadihii ugu xumaa ee soo mara doorashada ka dib muddo tobanaan sano ah, qalalaasahaas ayaa gilgilay sumcaddii ay lahaan jirtay muddada dheer ee iftiinka nabadda iyo xasilloonida Afrika.
Waxa kale oo ay taasi dhalisay canaan naadir ah oo kaga imaanaysa ururada gobolka iyo kuwa qaaradda.
Tirada dhimashadu ma cadda balse qoysasku waxay sii wadaan baadigoobka ama aaska ehelada la dilay ka dib codbixintii dhawaan la isku khilaafay, taasoo madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay 98% codadkii la dhiibtay.
Samia, waa hogaamiye af-macaan oo degenaanshaheeda iyo dabeecadeeda debecsan ay horey u dhiirigelisay yididiilo wanaagsan markii ay xukunka la wareegtay 2021 kadib geeridii lama filaanka ahayd ee madaxweynihii ka horeeyey ee John Magufuli.
Laakiin taasi hadda waa ay is beddeshay.
"Samia waxa ay Tansaaniya ku riixday mudaaharaadyo, xasillooni la'aanta iyo hubanti la'aanta," Prof Peter Kagwanja, oo ah falanqeeye siyaasadee Kenya u dhasahy ayaa sidaasi u sheegay BBC.
Mudaaharaadyadan oo ay soo qabanqaabiyeen dhallinyaradu, waxa ay si cad u barbar-dhigeen abaabulladii caalamiga ahaa ee Gen Z ay hoggaaminayeen ee lagaga soo horjeeday hoggaaminta xididaysan iyo dawladaha aan dheg jalaq u siin.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iyada oo qalalaasaha aan horey loogu arag Tansaaniya, waxa ka horreeyay jawi siyaasadeed oo kacsan - oo ay ka muuqatay isbedello hakad galay, sannado badan oo ay dhallinyaradu careysneyd, loolan awoodeed oo ka dhex jiray xisbiga talada haya iyo cadaadis joogta ah oo lagu hayo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
"Mudaaharaadyadu waxay ka dhasheen sannado badan oo caro iyo cabashooyin ay Tansaaniya kasoo jireen," sda uu sheegvay Godfrey Mwampembwa, oo ah sawir-qaade siyaasadeed oo u dhashay Tansaaniya.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay sawir gacmeedka Gado ee uu ku muujinayo madaxweyne Samia in ay tahay kali talis aan u dulqaadan karin tartanka siyaasadeed.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saxafiga ruug caddaaga ah ee reer Tansaaniya Jenerali Ulimwengu waxa uu taleefoon ku sheegay sida ay ahay doorashadii dhawaan dhacday "kuleylku halka uu gaaray iyo maraqii bulshadu karinayeen muddo tobanaan sano ah ee ay ku karinayeeen dab naxuus ah ayaa keentay in aan la dareemin maqnaashaha maamul wanaagsan kaas oo oo gebi ahaanba ka faa'ideeysanaya kheyraadka".
Dareen kaasi la mid ah ayaa waxa baahiyay Gado, oo ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi (CCM) "in uu madaxiisii ciidda ku aasay" oo uu "dhagaha ka fureystay" baaqyada isa soo taraya ee dadka reer Tanzania ee isbedel doonka ah.
Charles Onyango-Obbo, oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Bariga Afrika, waxa uu qabaa in CCM "uu muddo dheer si khalad ah u fahmay xasillooni qaan-gaarnimo ah, laakiin ay ahayd isla weyni iyo inay ku dhuumanayaan taariikh sharaf leh".
"Waxay ku wareereen aamusnaanta dadka iyo nabadda, iyagoo aan xaqiiqsan inay tahay aamusnaan uu keenay daalku," ayuu qoray.
Labada hogaamiye ee ugu waaweyn mucaaradka ayaa laga hor istaagay inay ka qeyb galaan doorashada – Tundu Lissu waxa uu u xiran yahay eedeymo khiyaano qaran ah, taas oo uu diiday, halka Luhaga Mpina musharaxnimadiisa loo diiday sababo farsamo.
Sida laga soo xigtay Prof Kagwanja, falkaas oo kali ah ayaa meesha ka saaray waxa ay Tansaaniya iyo madaxwaynihii asaasay ee Julius Nyerere ay u taagnaayeen.
"Mark aaad xirtid dadka kaasoo horjeeda, waxaad raadinaysaan inaad taageero ka hesho dadka mucaaradka ah," ayuu yiri Prof Kagwanja.
Mama Samia, madaxweynaha 65-jirka ah ayaa hadda wajahaysa eedeymo isa soo taraya oo ku saabsan in ay hoggaamiso dowlad dadka caburisa oo mas'uul ka ah inay si xooggan u burburiso mudaaharaadyo taariikhi ah.
Qaabka ay u wajahday hogaaminta ayaa markii hore gudaha iyo dibadaba lagasoo dhaweeyay iyadoo xisbiyada mucaaridka ah u ogolaatay inay abaabulaan isu soo baxyo iyo dhaliilo ay xukuumada ay ku dhaliilaan iyadoo aan laga baqayn cawaaqib xumo.
Waxay ballan qaaday inay Tansaaniya dib ugu furto adduunka iyada oo adeegsanaysa caqiidadeeda "4R" - dib-u-heshiisiinta, adkaysiga, dib-u-dhiska iyo dib-u-habaynta.
Iyadoo ku dhalatay kuna soo barbaartay Zanzibar, oo ah jasiirad haysata madaxbannaani goboleed oo caan ku ah matigelinta iyo soo dhawaynta, ma ahayn wax lala yaabo in Samia ay dhiirrigelisay dareen nafis, markii ay xukunka la wareegtay 2021.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in markii Samia ay go'aansatay in ay xukunka u tartanto mar labaad in cadaadiska kaga imaanaya gudaha xisbiga iyo CCM iyo dib u soo kabashada mucaaradka in ay u aragtay mid khatar ku ah hamigeeda.
Saddexdii sano ee u dambeeyay, waxa ay dhawr jeer isku shaandhayn ku samaysay golaha wasiirrada, waxaanay beddeshay taliyeyaasha ciidammada iyo sirdoonka, tallaabadaas oo loo arkay inay meesha ka saarayso kuwii daacadda u ahaa madaxweynihii iyada ka horreeyay.
Muddo bilooyin ah markii ay ka dhinneyd doorashada mowjado afduub, xarig iyo dilal arxan darro ah oo loo geystay xubnaha mucaaradka ayaa dalka qabsaday, taas oo meesha ka saartay rajadii laga qabay isbeddel iyo dib u heshiisiin.
Fagaarayaasha siyaasadeed ayaa si weyn hoos ugu dhacay doorashadii dhawaan dhacday, taasi oo ay hareeyasay internet-ka oo maqan iyo bandow.
Boqolaal qof ayaa laga yaabaa inay ku dhinteen rabshado ka dhashay doorashada sida ay sheegeen mucaaradka. Maamulka ayaan wali soo saarin tirada rasmiga ah ee dhimashada.
Rabshadu waxay aragagax ku rideen ummad ku kortay jawi degganaansho, is-afgarad, iyo kala dambayn ku dhawaad muddo lixdan sano ah.
Khudbadii caleema saarka, Samia waxay sheegtay in doorashadu u dhacday si cadaalad ah oo daah-furan balse waxay qiratay in dad ay ku dhinteen mudaaharaadyada. Waxay ku eedaysay jilayaal shisheeye inay ka dambeeyaan mudaaharaadyada dhimashada badan.













