Trump oo doonaya hadda inuu joojiyo colaadda Sudan

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inuu ka shaqayn doono sidii loo joojin lahaa "xasuuqyada argagaxa leh" ee Suudaan ka dhacaya, kaddib marka uu codsi u soo jeediyay Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, si dagaalka loo hakiyo.
Intii uu ka qayb-galayay madal ganacsi oo Maraykan iyo Sacuudiga ah, Trump wuxuu yiri: "Amiirku wuxuu rabaa inaan tallaabo go'aan leh ka qaado arrinta Suudaan," isaga oo sharxay in "Suudaan aysan ka mid ahayn faylasha aan qorshaha ku lahaa inaan ku lug yeesho, aanna u maleynayay in xaaladdu aad u qasan tahay oo aan la xakameyn karin."
Trump wuxuu xusay in "xasuuq baaxad weyn leh laga geysanayo Suudaan. Waxay noqotay meesha ugu rabshadaha badan dunida, isla markaana ah musiibada bani'aadantinimo ee ugu weyn ay ka jirto. Waxaa jirta baahi aad u daran oo loo qabo cunto, dhakhaatiir iyo wax walba oo kale."
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray inuu adeegsan doono "saameynta madaxtinimada si uu dagaalka isla markiiba uu u joojiyo," isagoo sharxay in "Suudaan ay tahay dal leh ilbaxnimo iyo dhaqan suuban, balse nasiib darro hoos u dhac weyn uu ku yimid arrintaa, hase yeeshee la sixi karo haddii ay iska kaashadaan dalal badan oo gobolka ku yaal oo doonaya in arrintani hirgasho."
Trump sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu la shaqayn doono Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar si loo joojiyo xasuuqyadaas, iyadoo isla waqtigaas la soo celinayo xasilloonida Suudaan.
Horraantii bishan, Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa soo xigatay wakiilka madaxweynaha Mareykanka ee Afrika, Massad Boulos, oo sheegay in dagaalka Suudaan uu yahay "dhibaatada bani'aadamnimada ee ugu weyn adduunka."
Washington waxay ku boorrisay labada dhinac ee isku haya Suudaan inay gaaraan heshiis xabad joojin ah, laakiin Trump laftiisa si dhif ah ayuu uga hadlay khilaafka ka jira dalka.
Dhinacyada Sudan oo soo dhaweyay dadaallada Mareykanka iyo sacuudiga
Suudaan gudaheeda, dhinacyada Suudaanta ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku sheegay inuu ka qaybgalayo dadaallada lagu joojinayo dagaalka ka socda dalkaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Golaha Sare ee Dowladda Suudaan ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inuu soo dhoweynayo dadaallada Maraykanka iyo Sucuudiga ee lagu "dhisayo nabad iyo caddaalad sinnaansho ku dhisan," iyaga oo muujiyey diyaar u ahaanshahooda inay si dhab ah ula falgalaan labada dal si arrintaas loo gaaro.
Taliyaha ciidamada Suudaan, Cabdul Fatax al-Burhan, ayaa isna xaqiijiyey diyaar u ahaanshihiisa inuu la shaqeeyo Maraykanka iyo Sucuudiga si loo gaaro nabad, loona "joojiyo dhiigga daadanaya," sida lagu sheegay bayaan.
Dhankiisa, la-taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) Basha Taabik ayaa soo dhoweeyay hadalladii madaxweynaha Maraykanka.
Taabik ayaa farriin uu ku qoray madasha X ku sheegay in Ciidamada Taageerada Degdegga ahi ay rajaynayaan nabad wax ka qabata sababaha asaasiga ah ee mushkiladda Suudaan.
Dhinacyo badan iyo jabhado hubaysan, oo ay ku jiraan Xisbiga Umadda Qaranka iyo Isbahaysiga Samuud ee uu hoggaamiyo ra'iisul-wasaarihii hore Cabdalla Xamduuk, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dadaallada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Sucuudiga ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Suudaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani'aadannimada, Tom Fletcher, ayaa sheegay – sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP – in xadgudubyada ka dhacay deegaanka El Fasher ee gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan lagu wajahay "axmaqnimo" isla markaana la geystay "iyadoo aan laga baqayn wax ciqaab ah."
Fletcher wuxuu sheegay in intii uu booqashada ku joogay Darfur uu dhagaystay "markhaatiyaal badan, dad ka badbaaday xasuuq oo ka soo qaxay rabshadahan naxdinta leh," isagoo sharxay in "warbixinahaasi ahaayeen kuwo argagax leh. Waxaa ka muuqday in dambiilayaashu ay ku dhaqmayeen si ayfilashoodu tahay in aanay jirin wax ciqaab ah oo ay la kulmi karaan."
Markhaatiyada ay soo gudbiyeen dadka ka badbaaday rabshadaha, ayuu mas'uulka Qaramada Midoobay sheegay, waxaa ka mid ahaa sheekooyin ku saabsan "dilal-dhac, kufsi baahsan, iyo jirdil," waxaana intaas dheer in "dad badan oo isku dayay inay ka cararaan lagu weeraray jidka intay baxsanayeen," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska.













