Muxuu siday Markabka Iraan ay qabsatay ee hadda la sii daayay?

Iran

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Iran

Iran ayaa sii daysay markab shidaal oo ay ku qabatay gacanga Badda Faaris shan maalmood ka dib markii ay qabsadeen.

Shirkadda maamusha markabka shidaalka ee Talara ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Iran ay sii daysay markabka Arbacadii, isla markaana dhammaan 21-k shaqaale ay badqabaan.

Bayaanka shirkadda maamusha markabka, Columbia, ayaa lagu sheegay in qoysaska shaqaalaha lagu wargeliyey sii deyntooda, ayna tahay in markabka calanka Jasiiradaha Marshall sita uu "hadda xor u yahay inuu howlihiisa caadiga ah dib u bilaabo."

Iraa'n Ciiddanka Ilaalada Kacaanka ayaa xaqiijiyey wararkii hore ee ku saabsanaa qabashada markabka Sabtidii, iyagoo sheegay in cutubyada falcelinta degdegga ah ee ciidamadoodu ay "qabteen markab siday 30,000 oo tan oo kiimikooyin petro ah oo ku sii jeeday Singapore, ammar ka yimid hay'ad garsoor."

Hay'addu waxay sheegtay in sababta loo qabtay markabka ay ahayd "gaadiid rarka qaada oo aan la oggolayn" isla markaana ay ahayd "jabin sharci oo cad."

Maamulka markabka Columbia ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen Isniintii (Nofeembar 17) ku sheegay in kabtanka markabka shidaalka qaada uu la xiriiray agaasimaha farsamada ee markabka, una sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka ay badqabaan, iyo in markabku hadda si nabad ah loogu xiray xeebta Bandar Abbas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in "shirkaddu ay la shaqeyneyso la-hawlgalayaasha gobolka si ay si dhakhso ah u xalliyaan arrinta una hubiyaan sii deynta shaqaalaha."

Sida laga soo xigtay shirkadda, isgaarsiinta markabka saliidda qaada ee Talara ayaa lumay Noofambar 14-keedii intii markabku uu ku safrayay biyaha caalamiga ah isagoo sii maraya Sharjah, Imaaraadka Carabta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shirkaddu waxay sheegtay in markabka Talara ee saliidda qaada laga qabtay meel qiyaastii 37 kiiloomitir u jirta dekedda Khor Fakkan ee Imaaraadka Carabta, jidkiisana loo weeciyay Bandar Abbas oo Iiraan ah.

Kani waa qabashadii ugu horreysay ee markab ay Iiraan qabsato bilihii la soo dhaafay. Sannadihii la soo dhaafay, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si isdaba joog ah u qabtay maraakiibta ganacsiga ee Gacanka Faaris, iyagoo inta badan soo hadal qaada xadgudubyada badda iyo eedeymo ay ka mid yihiin tahriibinta, xadgudubyada farsamada iyo xitaa khilaafaadka sharciga.

Iiraan ayaa si isdaba joog ah ugu hanjabtay inay xiri doonto Marinka Hormuz sannadihii la soo dhaafay, taasoo ah khatar sii xoogeysatay intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israa'iil.

Marinka Hormuz waa marinka ugu muhiimsan ee gaadiidka saliidda adduunka.

Qiyaastii shan meelood meel meel ka mid ah saliidda ceeriin ee dunida ayaa mara marin-biyoodkan, kaas oo ballaciisu yahay kaliya 40 kiiloomitir meelaha ugu ciriirsan..

Sida laga soo xigtay Maamulka Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka, qeybtii hore ee 2023, qiyaastii 20 milyan oo fuusto oo saliid ah maalintii (qiyaastii 20 boqolkiiba isticmaalka saliidda adduunka) ayaa loo dhoofiyay suuqyada adduunka iyada oo loo marayo marinkan; taas oo ah, qiyaastii $600 bilyan oo ganacsiga tamarta ah sannadkii oo ay ka sameeyaan badda.