Daawo: Wadaad Iiraani ah oo af Shiineys ku addimay oo baraha bulshada qabsaday

Qoraalka Muuqaalka, Wadaad Iiraani ah oo af shiineys ku adimay
Daawo: Wadaad Iiraani ah oo af Shiineys ku addimay oo baraha bulshada qabsaday

Muuqaal uu Amirhossein Javaheri ku akhrinayo aadaanka salaadda luuqadda Shiinaha islamarkaana dad badan qosol geliyay, ayaa si weyn ugu faafay Iran.

Javaheri wuxuu ku baahiyaa diinta Islaamka luuqadda Shiinaha, wuxuuna si joogto ah ugu soo bandhigaa hawlihiisa barta Instagram.

Muslimiinta Shiinaha, si lamid ah Muslimiinta caalamka, waxay aadaanka iyo salaadaha ku tukadaan Carabi, inkasta oo khutbadaha jimcaha qaar lagu jeediyo afka Mandarin ama Uyghur, iyadoo ay ku xiran tahay hadba deegaanka la joogo.

Lifaaqa kore ka daawo muuqaalka: