Daawo: Waxa aad u baahan tahay in aad ka ogaato Shirka Kismaayo ka dhici doona
Daawo: Waxa aad u baahan tahay in aad ka ogaato Shirka Kismaayo ka dhici doona
Warrarka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku jira Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa yeelan doona kulan ay kaga arinsanayaan sidii ay u mideyn lahaayeen mowqifkooda ku aadan qaabka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya sannadka 2026.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa eegaya kulankaas iyo waxyaabaha ay suurtogal tahay in lagu soo qaado.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka






