Ugu yaraan 94 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay xabsiyada Israa'iil labadii sano ee la soo dhaafay

Xigashada Sawirka, getty
Ugu yaraan 94 maxbuus oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay xabsiga Israa'iil in ka yar laba sano, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqul insaanka ee Israa'iil oo si weyn loo tixgaliyo.
Warbixintu waxay daboolaysaa muddadii u dhaxaysay 7-dii Oktoobar 2023-kii, markaasoo Xamaas ay weerarradeeda halista ah ku qaadday Israa'iil, taasoo dhalisay iskahorimaadkii ugu dambeeyay ee Gaza, iyo ilaa 31-dii Agoosto 2025-ka.
Waxay sheegtay in in ka yar 30 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen gacanta Israa'iil 10 sano ka hor.
Adeegga xabsiga Israa'iil (IPS) ayaa BBC-da u sheegay in "ay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciga iyo kormeerka hay'adaha ee rasmiga ah".
Waxay sheegtay in aysan ka hadlin tirooyinka ama eedeymaha uga yimid hay'adaha dibadda.
"Dhammaan maxaabiista waxaa loo haystaa si waafaqsan nidaamka sharciga ah, xuquuqdooda oo ay ku jiraan helitaanka daryeel caafimaad, nadaafad, iyo xaalado nololeed oo ku filan waxaa ilaaliya shaqaale si xirfad leh u tababaran," IPS ayaa intaas raacisay.
Tan iyo 7dii Oktoobar 2023-kii, kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa lagu xiray guud ahaan Gaza iyo Daanta Galbeed, kuwaas oo intooda badan aan wax dambi ah lagu soo oogin.
PHRI waxa ay sheegtay in ay si qooto dheer uga hadashay qaabka xadgudubyada xuquuqul insaanka ee nidaamsan ee lagula kaco falastiiniyiinta ay Israa'iil xirto oo lagu tilmaamay "maxaabiista ammaanka".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa ay sheegtay in tan la fuliyay iyada oo qayb ka ah siyaasad rasmi ah oo ay hirgeliyeen mas'uuliyiinta Israa'iil tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Maamulka Israa'iil ayaa joojiyey in ay laanqeyrta cas siiso macluumaadka ku saabsan falastiiniyiinta ku jira xabsiga, waxayna mamnuuceen in la galo xarumaha dadka lagu hayo.
PHRI waxa ay sheegtay in warbixinteedu ay ku salaysan tahay diiwaan-gelin rasmiga ah iyo xogta oo lagu saleeyay warbixino baaris ah, xog laga helay kooxaha kale ee xuquuqul insaanka iyo dadaalada lagu raadinayo dad gaar ah, iyo sidoo kale marag furka maxaabiista, qoysaskooda iyo qareenada.
Qorayaashu waxay sheegeen in 52 ka mid ah dadka dhintay ay ku jireen xabsiyo militari halka 42 ay ku dhinteen xabsiyo rayid ah oo ay maamusho IPS.
PHRI waxay sheegtay in dhimashadu ay ka dhalatay rabshado jireed, dayacaad caafimaad, ama labadaba.
Waxay si gaar ah u tilmaameysaa siyaasadaha Itamar Ben-Gvir, wasiirka amniga qaranka ee garabka midig ee Israa'iil, isla markaana xubin muhiim ah ka ah xukuumadda isbahaysiga ee raysal wasaare Benjamin Netanyahu.
PHRI waxay sheegtay, in intii uu xukunka hayay Ben-Gvir, xarumaha maxaabiista ee Israa'iil ee lagu hayo Falastiiniyiinta "loo beddelay goobo jirdil iyo xadgudubyo".
Waxay intaas ku dartay in rabshadaha jireed ee maalinlaha ahi, ay ahaayeen kuwo baahsan, iyo in ka-hortagga xuquuqda aadanaha iyo jirdilka joogtada ah, ay sababtay dhimashada tobanaan Falastiiniyiin ah.
Tirada ugu badan ee dhimashada, oo ah 29, ayaa ka dhacday xabsiga militariga ee Sde Teiman ee Koonfurta Israel, una dhow Gaza.
Shan askari oo ka tirsan ciidamada kaydka Israa'iil, ayaa lagu soo oogay dacwado ay ku kaceen xadgudubyo daran oo ay u geysteen dhaawac halis ah oo jireed, ka dib markii maxbuus falastiiniyiin ah la sheegay in la garaacay oo la tooriyeeyay bishii Luulyo 2024.
Muuqaal ayaa soo baxay oo muujinaya askarta kaydka ah oo maxbuus oo ku hareeraysan oo weeraraya maxaabiista Shanta askari ee ka tirsan kuwa keydka ayaa diiday eedaha.
Warbixinta PHRI ayaa ku eedaysay maamulka Israa'iil, inay isku dayayaan inay "qarinayaan" oo ay xakameeyaan baaritaannada dhimashada Falastiiniyiinta iyo xadgudubyada la sheegay in lagu hayo xabsiga.
Waxa uu sheegay in, marar badan, xubnaha qoyska maxaabiista aan la ogeysiin in qaraabadooda ay dhinteen.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in lagu guul dareystay in maxkamad la soo taago shaqaalaha iyo askarta xabsiyada Israa'iil.
Kooxda ayaa ku qiyaastay in tirada dhabta ah ee Falastiiniyiinta la dilay ay ka badnaan karto tirada ay awoodeen in ay diiwaangeliyaan.
IDF waxa ay sheegtay in ay ka war hayeen dhacdooyinka maxaabiista ku dhimanaya xabsiga, balse ay ku jiraan dad la soo xiray iyagoo xanuunsan ama dhawac ah, iyaga oo intaa ku daray in dhimasho kasta ay baarayaan militariga.













