Hay'ad samafal oo "qarsoon" oo tiro Falastiiniyiin ah u wareejisay Afrika

Xigashada Sawirka, Reuters
Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Koonfur Afrika iyo warbaahinta Bariga Dhexe ayaa sheegay, in "ururka samafalka ee dahsoon" uu mas'uul ka yahay imaanshaha in ka badan 150 falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza, kuwaas oo gudaha u galay dalka Koonfur Afrika.
Qoysaskan dhalinyarada ah ayaa Khamiistii ku yimid diyaarad ugu kireysnayd magaalada Johannesburg. Waxay sheegeen in maamulka Israa'iil ay u oggolaadeen inay si toos ah uga soo gudbaan koonfurta Qaza, una gudbaan garoonka diyaaradaha ee Israa'iil
Saraakiisha Israa'iil kama aysan hadlin eedeymaha ah, in ay gacan saar la yeesheen hay'adda madax banaan ee Al Majd si ay Falastiiniyiinta uga daadgureeyaan Gaza, laakiin warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay, in dowladdu ay tix gelineyso in qofka "si iskiisa ah" uga baxo Gaza.
Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in baaritaan la sameyn doono, kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan imaatinka diyaarado la soo kireeyay oo siday 153 falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza
Falastiiniyiinta ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Tambo, laakiin markii hore waa loo diiday in ay soo galaan waxayna ku sii jireen diyaaradda in ka badan 10 saacadood sababtoo ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxalliga ah, "Baasaboorradoodu ma tusineyn halka ay ka soo baxeen."
Mr Ramaphosa waxa uu sheegay, in ugu dambayntii loo ogolaaday intooda badan in ay soo galaan, ka dib markii ay soo farageliyeen hay'ado samafal oo maxalli ah iyo "dareenka iyo naxariista". ay dowladda u muujisay dadkaas.
Xaaladda ka bixitaankooda Qaza iyo safarkooda Koonfur Afrika ma cadda.
Koonfur Afrika ayaa si weyn u taageerta Falastiiniyiinta.

Xigashada Sawirka, getty
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mr Ramaphosa ayaa sheegay in raggan ay si qarsoodi ah u soo raaceen diyaarad ka soo duushay Nairobi kuna sii jeeday Koonfur Afrika.
Xafiiska Isuduwidda Dawladda Israa'iil, oo ah hay'ad hoos timaada Wasaaradda Difaaca ee maamusha marinnada Qaza, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "ay oggolaansho ka heshay waddan saddexaad si uu u aqbalo iyaga" ila markaana ay ka tageen Gaza. Dalka saddexaad lama magacaabin.
Sida laga soo xigtay safaaradda Falastiin ee Koonfur Afrika, kooxdan ayaa baxay garoonka diyaaradaha ee Ramon ee Israel waxayna u duuleen Koonfur Afrika iyaga oo sii maray caasimadda Kenya ee Nairobi, "iyadoon aan horey loo bixin wax ogeysiin ah ama isku-dubbarid ah."
Qoraalka safaaradda ayaa lagu yiri: "Urur aan diwaan gashaneyn oo marin habaabin ah ayaa ka faa'ideystay masiibada bini'aadantinimo ee dadkeena Gaza ku sugan, waxay qiyaameeyeen qoysas, lacago baad ah ka qaateen, una fududeysay socdaalkooda sharci darrada ah iyo mas'uuliyad darro".
Sida laga soo xigtay maamulka Koonfur Afrika, 153 qof, 23 ka mid ah waxay u suurtagashay inay u duulaan meelo kale, 130 kalena waxay galeen waddanka.
Mr Ramaphosa waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ku wargeliyay xiisadda taagan.
Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa la sheegay in uu yiri, "Ma celin karno," "Xitaa haddii aysan haysan dukumentiyada lagama maarmaanka ah, kuwani waa dad ka yimid waddan ay ka jiraan colaado iyo dagaallo."
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay in dowladda Koonfur Afrika ay qiimeyn buuxda ku sameyn doonto arrintan, islamarkaana ay shacabka la socodsiin doonto "waxa dhacaya iyo sida ay halkan ku timid













