Markab basaas oo uu Ruushka leeyahay oo soo galay biyaha UK markii labaad iyo dowladda oo digniin dirtay

Sawirka markabka Yantar ee la qaaday bishii Janaayo. Markab ay leeyihiin ciidamada badda Ingiriiska ayaa daba-galay Yantar.

Xigashada Sawirka, British Royal Navy

Xoghayaha difaaca Britain John Healey ayaa ku dhawaaqay in markab basaas ah oo laga leeyahay dalka Ruushka uu soo galay biyaha UK markii labaad muddo todobaadyo ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in markabka Ruushka oo lagu arkay waqooyiga Scotland, uu isticmaalay laysarka si uu uga hortago duuliyayaasha ciidamada cirka ee Royal Air Force (RAF).

Markabkan oo lagu magacaabo Yantar ayaa looga shakisan yahay in uu si qarsoodi ah u sawiray fiilooyinka xawila xogta ee badda ee Britain.

Xoghayaha difaaca Britain Healey ayaa sheegay in dowladdu ay si dhab ah u qaadaneyso oo aysan dhayalsan doonin joogitaanka markabka Ruushka.

"Fariinta aan u dirayo Ruushka iyo Putin waa tan: Waan ku aragnaa, waan ognahay waxaad samaynayso. Haddii Yantar uu u socdo koonfurta, diyaar ayaan u nahay," ayuu yiri wasiir Healey.

"Waxaan noo diyaarsan kiyaaro milatari oo diyaar ah haddii Yantar uu beddelo jahadiisa, ma shaacin doono sababtoo ah taasi waxay kaliya siinaysaa macluumaadka Putin," ayuu yiri.

Xoghayaha Difaaca Britain John Healey ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arrimaha ku saabsan markabka basaaska ee Ruushka.

Xigashada Sawirka, Stefan Rousseau - WPA Pool/Getty Images

BBC-da ayaa ogaatay in shilkan uu dhacay labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiska ra'iisul wasaaraha UK, wasiirka gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada badda boqortooyada ay baddaleen shuruucdooda shaqo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa imika daba-gal lagu sameyn karaa , markabka la yiraahdo Yantar sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga UK.

Waxa kale oo la xusay in Yantar uu Ruushku u nashqadeeyey "kormeer inuu sameeyo wakhtiga nabadda iyo wax-ka-qabashada colaadaha."

Mar wax laga waydiiyay halista ay leeseradu keeni karaan, Healey waxa uu ku jawaabay: "Wax kasta oo carqaladaynaya, khalkhal gelinaya ama khatar gelinaya duuliyayaasha dayuuradaha milatariga Ingiriiska waa khatar aad u weyn."

Safaaradda Ruushka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay "inaysan danaynaynin isgaarsiinta biyaha hoostooda ee Britain."

"Falalka wadankeenu maaha kuwo dhaawacaya danaha UK ama ujeedadu ma ahan in lagu wiiqo amnigeeda" ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka Ruushka waxaa ka mid ahaa weerahan, "Si kastaba ha ahaatee, London, oo leh dabeecaddeeda Ruush nacaybka iyo sii kordhinta jahwareerka militariga, waxay keenaysaa sii xumaanshaha amniga Yurub waxayna u gogol xaareysaa xaalado cusub oo khatar ah".

"Waxaan ugu baaqaynaa dhinaca Ingiriiska inay ka fogaadaan inay qaadaan tillaabooyin wax burburin kara oo sii murjin kara xaaladda qalalaasaha ee qaaradda Yurub."

Wasaaradda difaaca ee Britain ayaa la wadaagtay sawirada markabka Yantar oo ay ku daba jiraan ciidamada badda ee boqortooyada.

Xigashada Sawirka, British Ministry of Defence

Xildhibaanka xisbiga shaqaalaha Matt Western, oo madax u ah guddiga wadajirka ah ee istaraatiijiyadda amniga qaranka, ayaa yiri:"Warka maanta wuxuu muujinayaa mar kale in Ruushku uu khatar dhab ah oo degdeg ah ku hayo ammaanka UK."

"Waan soo dhaweynayaa in Xoghayaha Difaaca uu si dhab ah u tixgeliyo arrintan, laakiin waxaa jira wax badan oo aan sameyn karno. Aargoosi badan ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto," ayuu yiri Western.

Xoghayaha Difaaca ayaa horay digniin uga soo saaray markabka sirdoon ee Yantar ka dib markii lagu arkay biyaha UK bishii Janaayo, isagoo ku tilmaamay "tusaale kale oo sii kordhinaya gardarrada Ruushka".

Markabku ma baahin goobta uu ku sugan yahay tan iyo 2-dii bishii November, waxaana markii ugu dambeysay lagu arkay badda Baltic ee xeebta Latvia, sida laga soo xigtay goobta la socodka maraakiibta ee Traffic Marine.

6-dii November, laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Nederland ayaa Yantar ka soo galbiyay badda dalka.

Ruushku waxa uu markabka Yantar, oo ay maamusho wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ku tilmaamay, markab cilmi-baadhiseed oo badweynta dhex mushaaraxaya.

Dalalka reer galbeedka ayaa markabkan ku raad jooga markii uu soo galay biyaha Yurub, waxaana ay tuhunsan yihiin in qeyb ka mid ah howshiisa ay tahay in ay khariidadda xarkaha badda hoosteeda maraan uu wax ka ogaado.

Britain iyo xulafadeeda NATO ayaa ka walaacsan halista Ruushka uu ku leeyahay fiilooyinka xeebaha, dhuumaha iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah isku xirka internetka.