Maxay yihiin arrimaha ay badda iyo difaaca ka mid yihiin ee ay warka ka soo saareen ciidamada Itoobiya?

Xigashada Sawirka, PMO/FB
Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan "dhibaato kasta oo la xiriirta amniga" iyagoo ilaalinaya danaha qaranka.
Afhayeenka ciidamada difaaca, Sareeye Guuto Getnet Aadan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay sidaas isagoo soo qaaatay tusaalooyinka danaha qaranka ah oo ay ka mid yihiin: "xuquuqda isticmaalka biyaha" iyo "arrinta ku saabsan badda."
Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaaddii dhawaan la siiyay saraakiil sare oo ciidamada ka mid ah ay ahayd mid laga fiirsaday oo lagu eegay howlaha iyo waajibaadka dheeraadka ah ee ay qaadayaan.
Labada jeneraal ayaa warbixintan siiyey Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Waxaa xusid mudan in toddobaadkii hore, lixdan iyo lix sarkaal la dallacsiiyay, taasoo uu dalacsiiyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed.
Afar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee dalacsiinta ka helay madaxweynah Tayaa loo dalacsiiyay darajada janeraalnimo. Kuwaas waxaa ka mid ah darajada jeneraalnimada ee buuxda loo dalacsiiyey Alemshet Degfe, oo ah lataliyaha taliyaha guud ee ciidamada, kaas oo horrey u haystay darakada iyo Lieutenant General iyo Desta Abche,madaxda qeybta guud ee difaaca Injineerinka.
Yimer Mekonnen, madaxa hoggaanka waxbarashada iyo tababarada difaaca, iyo Driba Mekonnen, mkdaxa Kormeerka difaaca, ayaa sidoo kale loo dalacsiiyay Jeneraalo buuxa.
Sarreeye Guuto Achelu, oo ah madaxa hogaanka shaqaalaha ee ciidanka xoogga Dalka, ayaa sheegay in dalacsiintan loo sameeyay si waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka Difaaca.
Waxa uu taxay shuruudaha la tixgelinayo marka la bixinayo horumarinta darajada kuwaas oo ay ka mid yhiin "waxqabadka waajibka milatari," "karti hoggaamineed," "karti iyo anshaxa."
Sarreeye Guud Achelu ayaa yiri, "Magacaabidu waa arrin ah in la aqbalo mas'uuliyadda iyo ka shaqeynta si ay u awoodaan in ay gutaan waajibaadka ka iman kara."
Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha milatariga loo magacaabo jagooyin milatari "iyagoo la fahamsan yahay inay qaadaan waajibaad iyo howlo dheeraad ah."
Agaasimaha xirirka dadweynaha ee ciidanka difaaca Itoobiya, Getnet Adane, oo Sabtidii loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Guuto, ayaa sheegay in dalacsiintan ay xoojin doonto "diyaargarowga ciidanka" ayna "saamayn wanaagsan ku yeelan doonto hawlaha mustaqbalka."
Wuxuu intaa ku daray in dalacaadan sidoo kale laga eegay dhinacyada "danaha Qaranka" iyo "xoojinta madaxbannaanida."

Xigashada Sawirka, THIS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afhayeenku waxa uu xusay in waqtigan dowladda ay horyaalaan arrimo ay ka mid yihiin "danta qaranka" oo ay ku jiraan "xaquuqda helida biyo " iyo "arrimo dekad"
Afhayeenka ciidamada difaacada Itoobiya Sarreeye Guuto Getnet, wuxuu sheegay in dowladda ay shacabku soo doorteen ay ka go'an tahay ka mira dhaliyaan danaha qaranka iyo in sidoo kale ciidanka la diyaariyaa ayuu intaas raaciye isagoo xusay in "Gaaska, warshadaha tamarta nukliyeerka, iyo samaynta warshadaha bacriminta"
Waxa uu sheegay in diyaar garowga horudhaca ah ee ay sameynayaan ciidanka ay la xiriirto "isbadal ku yimaada awoodda" oo ay abuuri karto hay'ad kale oo ku guda jirta fulinta ajandayaasheeda.
"Marka dowladda iyo shacabka Itoobiya ay arrintan soo bandhigaan, waxay leeyihiin, 'Waxaan ku xallin doonaa si nabad ah.' Laakiin sidoo kale waxaa jira dhibaato amni oo arrintan ku lug leh," ayuu yiri, isagoo tilmaamaya in dhibaato amni ay ka dhalan karto geeddi-socodka.
"Haddii ay timaado ikhtiyaarka xoogga. Haddii Itoobiya arrintan kor u qaaddo, tani waa waxa dhici doona,' markaas ciidamada waa inay diyaar ahaadaan," ayuu intaas ku daray.
Waxa uu intaa ku daray in diyaar garowga ay sameynayaan ciidamada uu noqon doono mid la jaanqaadi kara hadafka iyo amarada dowladda.
War-saxaafadeedka afhayeenka wasaaarada difaaca uu sii daayey ayaa imaanaya xilli arrinta gaaritaanka badda ee dowladda Itoobiya ay labadii sano ee la soo dhaafay ay si joohto ah u soo hadal qaadaysay ay noqotay mid si weyn u muuqata.
Waxaa xusid mudan in ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu khudbaddiisii usbuucii hore ee ku sheegay in Itoobiya aysan ahaan doonin "maxbuus juquraafi weligeed".
Abiy, oo ku nuux-nuuxsaday in arrinta ku saabsan gelitaanka badda Itoobiya ay tahay "mid lama huraan ah", waxa uu ku booriyay waddamada inay sida ugu dhaqsaha badan isu diyaariyaan wada xaajoodyada.













