Abiy Axmed 'Badda Cas annaga ayaa iska leh waana in aan qaybtayada helno

Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal in ay isu diyaariyaan, isagoo sheegay in "helitaanka badda ee Itoobiya uu yahay mid aan laga maarmi karin."
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay "ku ducaysanaysay" in ay hesho marin badeed tan iyo shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana ay sii wadi doonto in ay ku dalbato waddo nabadeed oo arrintaasi lagu gaadhayo.
Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay Talaadadii, isagoo ku sugnaa xafladda daah-furka buuggiisa cusub ee la yiraahdo "Dowladda Midnimada ah", halkaas oo uu ka jeediyay hadal socday ku dhawaad saacad.
"Ma aha dhaqan sax ah in la aamino in waddan heerkan oo kale gaadhay uu halkiisa ku negaado oo aan caruurtayadana aan sidaasi ugu wareejinno."
"Annagu ma rumaysnin in dagaal ama iskahor-imaad uu lagama maarmaan u yahay in tan lagu gaadho. Taasi waa sababta aan shan sano ugu ducaysanaynay," ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa imanaya xilli muran iyo walaac laga muujinayo damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, gaar ahaan marka la fiiriyo itoobiya ioo aan lahayn marin badeed tan iyo markii ay Eritrea ka go'day sannadkii 1993.
Raysalwasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horraysay adeegsaday erayga "kaayaga/annaga" oo ka turjumaya ama u dhigma lahaansho markii uu ka hadlayay marin-biyoodka Badda Cas.
Hadalkaas ayaa loo arkay in uu muujinayo sheegasho sii xoogeysanaysa oo ku aaddan damaca Itoobiya ee badda, inkasta oo uu hore u sheegay in waddada loo marayo ay noqon doonto mid nabadeed.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda Eritrea ayaa si joogto ah u soo saaraysay bayaanno ay ku sheegtay in saraakiisha Itoobiya "ay weli wadaan hanjabaado millatari," taasi oo walaac ka dhalisay gobolka, maaddaama xidhiidhka labada dal uu yahay mid xasaasi ahaa muddo dheer.
'Waa in ay diyaargaroobaan'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raysalwsaaraha Itoobiya ayaa khudbaddiisa ku sheegay in cid kasta — dal ama dhinac kale — oo aan magacooda la sheegin, ay tahay in ay isu diyaariyaan wadahadal.
Wuxuu yidhi: "[Itoobiya] waxay mudnaanta siisaa nabadda. Waxay la daalaa-dhacaysaa saboolnimo iyo caqabado badan. Laakiin waxay raadineysaa waddo ay taasi uga gudubto."
Wuxuu intaas ku daray: "Iyadoo la og yahay in arrintani ay dhab tahay, waxaan rajeynaynaa in walaalaheen ay si degdeg ah isugu diyaariyaan si wadahadal loo bilaabo," ayuu yidhi.
Isagoo si toos ah uga hadlayay rabitaanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, ayaa Abiy wuxuu muujiyay in xalka nabadeed uu yahay dariiqa ay tahay in la doorbido.
Inkasta oo hadalkiisa aanay si cad ugu jirin in uu soo hadal qaaday magaca waddan gaar ah, haddana waxaa jira tilmaamo muujinaya in uu ula jeedo Eritrea.
Markii uu soo laabtay xidhiidhka Itoobiya ya la leedahay Eritrea kaddib muddo 20 sano ah oo gebi ahaanba aanu jirin wax cilaaqaad ah, mid ka mid ah waxyaabihii laga filaayay waxay ahayd in Itoobiya ay isticmaasho dekedda Casab.
Waxaa la sheegay in dhismaha waddada u socota dekeddaas la bilaabay, sidoo kalena Itoobiya ay bilowday tababarka ciidammada badda — markii ugu horreysay muddo dheer kaddib.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya iyo Eritrea xidhiidhkoodu waxa uu noqday mid daciifay tan iyo markii Raysalwsaare Abiy Axmed uu xukunka la wareegay, iyadoo uu xiriirkoodu hadda gaadhay heer hoose.
In kasta oo Itoobiya aanay weli lahayn marin badeed oo rasmi ah, haddana dhawaan waxaa la furay xafiiska Taliska Ciidanka Badda Itoobiya, taasi oo muujinaysa tallaabo ay u qaadayso dhanka badda.
Raysalwsaare Abiy Axmed ayaa labo sano ka hor markii uu sheegay in arrinta marin badeedku tahay "mid la xidhiidha jiritaan ama jiritaan la'aanta", waxaa tan iyo markaas Geeska Afrika ka taagnaa xiisad siyaasadeed.
Gaar ahaan, Eritrea waxay si isdaba joog ah u dhalleecaysay hadallada kasoo yeedhaya mas'uuliyiinta Itoobiya, iyadoo ay aad uga cabanyeen.
Raysalwsaare Abiy wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay sida geesinimada leh ee marinka Suez Canal loo dhisay, isagoo yidhi kuwii waqtigaas dhintay weli taariikhda waa lagu xasuustaa, annaguna waa in aan sidaas oo kale noqonnaa.
Wuxuu yidhi: "155 sano ka hor, dadkii geesiyaasha ahaa ee carruurtooda u dhisay marinkaas maanta way nasanayaan, laakiin sanad walba marinkaasi wuxuu soo xeraynayaa ugu yaraan $10 bilyan."
"Aniga iyo idinkaba, ma jiro qof waaraya oo helaya nolol aan dhammaad lahayn."
"Laakiin qofkii ka taga taariikh aan la tirtiri karin oo shaqo weyn qabta kaddibna dhinta — magacaas wuu noolaanayaa weligiis, jiilba jiil ayuu gudbi doonaa."
'Waxa laga gudbay xilligii cabsida'

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Hadalkan uu jeediyay Raysalwasaare Abiy, waxa uu ku sheegay in ay muhiim tahay in laga takhaluso aragtida ah "ma awoodno" ee ka dhex jirta bulshada.
Waxa uu intaa ku daray in caqabadda ugu weyn ee horumarka Itoobiya ho rtaagan ay tahay "ajandaha cadowgeenna. Taas oo ah, in loo kala qaybiyo qowmiyad, diin, jinsi… Daawadeeduna waa midniada."
"Marka aan nidhaahno isku-dar ama midnimo, cadowgeennu way argagaxayaan. Sababta oo ah marka aan midownno, waxay og yihiin taariikhda nooca aan samayn karno, iyadoo la eegayo taariikhda qadiimiga ah ee Itoobiya," ayuu yidhi.
"Maanta, dhallinyarada ka baqaya oo ka shakisan in ay dalbadaan soo celinta Badda Cas oo ah mid ay iyagu leeyihiin, waa qayb ka mid ah hanjabka maskaxeed."
"Fikradda ah 'ma awoodno'. Waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo, Itoobiya way awoodaa," ayuu yidhi.
Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in marka ay dhamaystiraan oo ay xidhigga ka jaraan Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya oo dhawaan la daahfuray in ay xallin doonaan dhibaato kale oo weyn.
Isa oo ka hadlaya dhammaystirka biyo-xidheenka waxa uu yidhi"...waxa uu soo afjarayaa xaaladda taariikhiga ah ee juquraafi ahaaneed ee liidatay Itoobiya, waxaana ay ka dhigan tahay in mawqifka juquraafiyeed ee Itoobiya uu hagaagay."
Tani waa "xaqiiqo muuqata," ayuu yidhi, isaga oo tilmaamay in dhibaatooyinka kale ee Itoobiya uu xalkoodu ka fudud yahay midda webiga Niilka.
Intaa waxaa dheer, "Badda Cas waxaan gacanta ku haynay 30 sano ka hor. BWaa taariikh aan fogayn oo shaay ah."
Ahmiyadda Badda Cas
Badda Cas ayaa door muhiim ah ku leh ganacsiga iyo siyaasadda adduunka, iyadoo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Badda Mediterranean-ka, gaar ahaan marin gaaban oo loo maro shidaalka oo si weyn looga baahan yahay adduunka oo dhan, kana imaanaya Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka.
Taasi waxay keentay in marka laga reebo Masar, Sacuudiga, Eritera, Yemen, Jabuuti iyo Soomaaliya oo ay baddu marto, waddamo badan oo ku yaalla meel aad uga fog deegaanka iyo qaaradaha kaleba ay si toos ah iyo si dadbanba u joogaan dhulkaas si ay danahooda u fushadaan.
Badda Cas ayaa soo gaabinaysa safarka dheer ee badda ee laga soo bilaabo Badweynta Hindiya ilaa Badweynta Atlaantigga, taasoo u oggolaanaysa waddammada inay si hufan u helaan sahaydooda saliidda iyo gaaska.
Sidoo kale waa marin-badeed muhiim ah oo ay maraan maraakiibta waaweyn ee sida alaabada teknoolojiyadda muhiimka ah iyo badeecadaha ka yimid Australia, Japan, China, Hindiya, iyo waddamo kale.
Intaa waxaa dheer, fiilooyinka gudbinta xogta oo aad u weyn ayaa hadda la dhigay Badda Cas, taas oo noo oggolaanaysa in aan ku xirnaanno dadka adduunka ilbiriqsiyo gudahood macluumaadkana ku beddelanno.
Badda Cas ayaa ah marin istaraatiiji ah oo ay u maraan howlgallada milateri ee ay fuliyaan dalalka daneeya Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Khaliijka, halkaasoo khilaafyo iyo xasilooni darro ay inta badan ka dhacaan.













