Taangiyada Israa'iil oo ku qulqulaya Qasa iyo mowjado barakacayaal ah oo bilowday

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Rushdi Abualouf
- Role, Gaza correspondent
- Reporting from, Istanbul
Dadka deegaanka iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in tobannaan taangiyo iyo gaadiid milatari oo Israa'iil ay leedahay ay gudaha u galeen xaafad weyn oo la deggan yahay oo ku taalla magaalada Qasa, maalintii labaad ee duullaanka dhinaca dhulka ee Israa'iil ay ku doonayso in lagu qabsado aaggaas.
Muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya taangiyo, cagaf-cagafyo iyo gaadiid ciidan oo gaashaaman oo ku qulqulaya dhinaca xaafadda la yidhaahdo Sheekh Radwaan ee waqooyiga magaalada Qasa. Uuro ka cirka isku shareertay ayaa la arkay, xilli ay ciidammada Israa'iil ridayeen madaafiic culus iyo bambooyin loogu talo galay in ay yoolkooda ku lumiyaan.
Xaafadda Sheekh Radwaan waxay ahayd hoy ay ku noolaayeen tobannaan kun oo qof ka hor inta aanu dagaalku bilaaban, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah meelaha ugu cidhiidhisan ee dadku ku badan yahay magaalada Qasa.
Israa'iil ayaa sheegtay in ujeeddada weerarkeeda magaalada Qasa ay tahay in lagu badbaadiyo la haystayaal ay hayso Xamaas iyo in la soo afjaro ilaa 3,000 oo dagaalyahan ah, iyadoo ku tilmaantay aaggaas in uu yahay "xaruntii ugu dambaysay" ee kooxdaasi — hase yeeshee hawlgalkaas ayaa si ballaadhan cambaarayn uga la kulmay caalamka.
Hoggaamiyayaasha in ka badan 20 hay'adood oo dhinav gargaar oo waaweyn, oo ay ku jiraan Save the Children iyo Oxfam ayaa ka digay in "xaalladda bani'aadamnimada ee ka jirta Qasa ay tahay mid aan la aqbali karin."
Dadka deegaanka ee Sheekh Radwaan ayaa sheegay in duullaanka Arbacadii uu daba socday mowjado culus oo weerarro dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday dhismayaal iyo waddooyinka waaweyn ee xaafaddaasi ku yaalla. Arrintan ayaa lagu sifeeyay in ay u muuqato diyaar-garow loogu jiro weerar dhinaca dhulka ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sacad Xamaada oo ku nool deegaankaasi oo qoyskiisa ula cararay dhinaca koonfureed, maalintii Arbacada ayaa BBC-da u sheegay: "in diyaaradaha aan cidi wadin aanay waxba dhaafayn. Waxay garaaceen soollarrada qorraxda, matoorrada korontada, taangiyada biyaha, xitaa shabakadda internet-ka.
"Noloshu waxay noqotay mid aan suurtagal ahayn, taasina waa waxa dadka badankood ku qasbay in ay baxsadaan inkasta oo ay halistu jirto."
Xaafadda Sheekh Radwaan ayaa ka kooban deegaanno ay ka mid yihiin Abu Iskandar, al-Tawam, iyo al-Saftawi, waxaana dhex marta waddada al-Jalaa, taasi oo ah jid muhiim ah oo isku xidha bartamaha magaalada Qasa iyo xaafadaha waqooyi.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xakamaynta Israa'iil ee xaafaddaasi ay ciidammada u furi karto waddo ay ugu sii gudbaan magaalada una gaadhaan aagagga dhexe.
Sawirrada taangiyada ee waddooyinka magaalada Qasa ayaa cabsi weyn ka dhex abuuray dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa weli ku nool qaybaha galbeed iyo badhtamaha magaaladaasi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in aragtida taangiyada oo ku soo dhowaanaya guryahooda ay dib u soo celisay xusuusihii duullaannadii hore, kuwaas oo ku keenay in xaafado dhan la burburiyo.
Duullaanka lagu qaaday Sheekh Radwaan ayaa kiciyay mowjado cusub oo barakac ah, iyadoo kumanaan qoys ay u carareen dhinaca koonfureed.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay aroortii Arbacada in ay duqeeyeen in ka badan 150 bartilmaameed oo ku yaalla magaalada Qasa labo maalmood gudahood, si ay u taageeraan ciidanka lugta.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sidoo kale sheegtay in IDF ay adeegsanayso gaadiid ciidan oo duug ah oo laga buuxiyay walxo qarxa, kuwaas oo meel foog laga hagayo. Waxaa la sheegay in gaadiidkan loo dhaqaajiyo dhinaca fariisimada Xamaas, kadibna lagu qarxiyo halkaas.
Nidal al-Sherbi, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay barnaamijka BBC Arabic ee Middle East Daily: "Habeenkii xalay waxa uu ahaa mid adag. Qaraxyo iyo madaafiic aan kala go' lahayn ayaa socday laga bilaabo fiidkii ilaa waaberigii."
"Gaadiidka Israa'iil waxay ka soo ruqaansadeen Sheekh Radwaan, Tal al-Hawa, iyo sidoo kale Shejaiya. Wuxuu ahaa habeen cabsi badan, aad u cabsi badan."
Israa'iil ayaa billowday dagaalka Qasa kadib weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof, halka 251 kalena la afduubtay.
Tan iyo markaas, ugu yaraan 65,062 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil, iyadoo ku dhowaad kala badh ay yihiin haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas.













