Wax ka ogow qaabka uu u safro Trump iyo xogta booqashadiisa UK

Xigashada Sawirka, ISABEL INFANTES/AFP via Getty Images
Donald Trump ayaa booqashadiisa labaad oo rasmi ah ay uga bilaabantay waddanka UK. Booqashadan oo ay xaaskiisu ku weheliso waxa la socda shaqaale badan iyo qalab culus oo qayb ka ah howlgal amni oo ballaadhan.
Tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka madaxweynaha inta uu joogo UK waxay ku kacayaan malaayiin gini, waxaana u xil saaran ilaaladiisa gaarka ah iyo kumannaan askari oo booliis ah oo maxalli ah. Booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ahayd bishii Juun 2019 waxaa la hawlgeliyay in ka badan 6,000 oo askari oo ka tirsan Metropolitan Police, iyadoo qiimaha ay ku kacday lagu qiyaasay £3.4 milyan.
Ammaanka madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyay maalmahii la soo dhaafay kadib dilkii lagu khaarajiyay Charlie Kirk, oo ahaa u ololeeye dhiaca midigta ah oo lagu dilay gudaha jaamacad ku taalla gobolka Utah.

Xigashada Sawirka, Toby Melville - WPA Pool/Getty Images
Ronald Kessler oo ah qoraa khabiir ku ah arrimaha Ciidammada Gaarka ah ayaa sheegay in diyaarinta booqashadan rasmiga ah ay bilaabanto "toddobaadyo badan" ka hor inta aanu madaxweynuhu iman, iyada oo la sameeyo wadahadallo lala yeelanayo booliiska maxalliga ah iyo sidoo kale kormeer lagu sameeyo khataraha suurtagalka ah.
Qiyaastii 60 wakiil oo ka tirsan ciidanka la yidhaahdo Secret Service-ka ayaa sida caadiga ah loo xilsaaraa in ay si toos ah u ilaaliyaan madaxweynaha, iyaga oo la kaashanaya booliis maxalli ah oo sameeya xayndaabyo oo sugaya waddooyinka iyo xitaa hawada.
Dadka madaxweynaha la socda waxaa la filayaa in ay ka koobnaadaan boqolaal shaqaale iyo taageerayaal ah.

Aqalka Cad oo cirka maraya
Trump oo ay la socoto xaaskiisa Melania ayaa ku tagay dalka Ingiirska diyaaraddiisa gaarka ah ee Boeing 747-200B oo leh qalab casri ah, taas oo loo yaqaan Air Force One.
Air Force One, dhab ahaantii ma aha diyaarad gaar ah, balse waxaa loola jeedaa mid ka mid ah labada diyaaradood ee Boeing 747-200B ah oo si gaar ah loogu habeeyey, kuwaasi oo ku duula lanbarrada xagga dambe kaga dhegsan oo ah 28000 iyo 29000.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo marka bannaanka laga fiiriyo ay u eeg tahay diyaarad ganacsi ama mid rakaabka qaadda, Air Force One waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay diyaarad millitari sababtoo ah waxa ku rikiban qalabka korontada oo horumarsan iyo nidaamyada difaaca.
Diyaaraddan waxaa loo naqshadeeyay in ay iska caabbiso weerar cirka ah iyadoo carqaladeynaysa raadaarka cadowga sidoo kalana awood u leh in ay shiddo iftiin iyo qaac kulul oo jihada ka luminaya gantaallada. Sidoo kale, waxay awood u leedahay in ay shidaal qaadato iyada oo maraysa hawada sare, taasoo u oggolaanaysa in ay si aan xad lahayn u duusho.
Gudaha diyaaradda waa mid baaxad weyn. Madaxweynaha iyo dadka la socdaa waxay ku raaxaystaan 4,000 fiit laba jibaaran oo ku fidsan. Waa saddex dabaq uu ku jiro qol ballaadhan oo loogu talagalay madaxweynaha, xarun caafimaad oo leh qalliin iyo meelo gaar ah oo loogu talagalay saxaafadda, martida heerkeedu sarreeyo, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha xafiiska.
Gawaadhida aan xabbadu karin
Markii ay diyaaraddu soo cago dhigato, madaxweynuhu waxa uu ku safraa gawaadhi aad u adag oo xitaa gawaadhidu ay ku dul socdaan.
Gawaadhidaas waxa ku jira kuwo ay wataan ilaalda gaarka ah iyo qaar kale oo lagu gealbiyo marka uu dhulka ku safrayo.

Xigashada Sawirka, US Secret Service via X

Xigashada Sawirka, US Secret Service via
Inkasta oo madaxweynuhu uu ku safro hal nooc oo ka mid ah gawaadhida xajmigoodu adag yahay, haddana waxa jira noocyo kale oo aad mooddo in khiyaano ahaan loo wato oo ku diwaangashan diiwaangelinta lanbarka Washington DC - 800-002.
Gaadhigu wuxuu leeyahay qaro adag oo bir ah oo aanay rasaastu karin iyo daaqado aan xabbaddu ka gudbi karin, taasoo ka dhigaysa miisaankiisa mid aad u culus – qiyaastii sagaal tan (20,000lb).
Wararka kale ee la helay waxay sheegayaan in uu sidoo kale leeyahay qalab tuura sunta indhaha ilmada ka keenta, kamarado habeen arag ah, iyo taleefan satellite-ka ku xidhan ah oo gudaha gaadhigaasi ku rakiban.

Noocyadii ugu dambeeyay ee gaadhigan ayaa la sheegay in ay sidoo kale ku jiraan haamaha ogsijiinta iyo qaboojiye iyo weliba goobo lagu kaydiyo dhiig ku habboon nooca dhiigga madaxweynaha, si loogu isticmaalo xaaladaha degdeg ah.
Socdaalka hawada
Inkasta oo Trump uu safarro gaagaaban ku galo gawaadhida noocan ah, haddana waxaa la filayaa in inta badan socdaalkiisu uu u badnaan doono dhinaca hawada — sidii dhacday markii uu booqday Scotland bishii July ee sanadkan.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu UK la yimaado tiro diyaarado qummaatiga u kaca ah, waxaana ka mid noqon doona Marine One oo iyadu ah nooc diyaaradeed oo had iyo goor ay Ciidanka Badda Mareykanku adeegsadaan.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo si gaar ah loo habeeyey ayaa loo yaqaannaa "white tops" iyada oo loo sababaynayo midabkooda caddaanka ah. Waxay ku qalabaysan yihiin nidaamyo difaac oo ka hortaga gantaallada, qalab carqaladeeya raadaarrada iyo kuwo casri ah oo gaar ah oo loogu talagalay in ay u adkaystaan haddii ay waxyaabo culus oo qarax sababi kara ku dhacaan.
Arrintan oo qayb ka ah tallaabooyinka amniga, ayaa diyaaradda la yidhaahdo Marine One waxay badanaa la duushaa koox diyaarado kale ah oo iyada la jaad ah, si ay yoolka u lumiso oo aan si dhib yar loogu garan midda uu madaxweynuhu saaran yahay.
Booqashada Qasriga Windsor

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla ayaa martigelin doona Trump iyo xaaskiisa Melania iyaga oo ku qaabili doona Qasriga Windsor inta ay uu socoto booqashada madaxweynuhu. Qasriga la yidhaahdo Buckingham Palace oo ay ahayd in lagu qaabilo ayaa haatan dib-u-dhis lagu samaynayaa.
Booliiska la yidhaahdo Thames Valley ayaa sheegay in diyaaradaha oo ay ku jiraan kuwa aan duuliyaha lahaynay ay ka kulmi doonaan "xannibaado weyn oo cirka ah" iyada oo aan loo oggolaan doonin agagaarka Qasriga Windsor inta lagu guda jiro booqashadan rasmiga ah.
Sida uu sheegay Mr. Kessler, hanjabaadda ka ka dhanka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa timid kaddib markii ay soo baxday nuglaansho ka jirta awoodda ay ciidammada ilaalada gaarka ah u yeelan karaan ka hortagga iskudayada loo adeegsado diyaaradaha bilaa duuliyaha ah. Arrintan waxay si dhab ah u soo baxday wixii ka dambeeyay iskudaygii dil ee madaxweynaha lagu beegsaday bishii July 2024.

Madaxweynaha Mareykanku wuxuu joogi doonaa UK muddo laba maalmood ah, balse looma qorsheynin in uu ka qayb qaato kulammo ay dadweynuhu si toos ah uga qaybqaadan karaan inta uu halkaas joogo.
Qoyska Boqortooyada ayaa si rasmi ah u soo dhaweynaya Trump iyo xaaskiisa Melania maalinta Arbacada ah, iyaga oo u fidinaya soo dhoweyn heer sare ah oo ka dhici doonta Windsor, taasi oo ay ka mid yihiin duullimaadyo dhoolla-tus ah oo ay sameynayaan diyaaradaha millatariga UK iyo Maraykanka iyo kooxda Red Arrows, iyo sidoo kale casho sharaf qaran oo rasmi ah.
Waxaa la filayaa in kumannaan qof ay ka qayb qaataan bannaanbaxyo ka dhan ah Trump, oo ay ku jiraan mudaharaadyo ka dhici doona Windsor iyo sidoo kale badhtamaha magaalada London.













