Maamulka Trump oo dib u cusbooneysiiyay xaalada degdegga ee saaran Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa go'aansaday in ay sii wadaan qodob muhiim ah oo siyaasadeed kaas oo markii ugu horeysay la dhaqangeliyay mudo xileedkii madaxweynihii hore Joe Biden. Amarka madaxweyne ayaa la xiriira dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Amarka madaxweyne oo uu saxiixay madaxweyne Trump Arbacadii ayaa waxa uu muujinaya welwelka joogtada ah ay Washington ka qabto qalalaasaha siyaasadeed ee Itoobiya iyo khatarta tooska ah ay ku leedahay ammaanka Qaranka Mareykanka iyo danaha siyaasada dibada.
Amarka madaxweyne ee lagu sii kordhinayo waqtiga ayaa ku soo rogay cunaqabateyno kala duwan shaqsiyaad iyo hay'ado lagu eedeeyay in ay galeen xadgudubyo lala xiriirinayo dagaalka dhiigga ku daatay ee waqooyiga Itoobiya.
Madaxweyne Trump ayaa go'aansaday in uu sii kordhiyo amarkan uu hore u soo saaray madaxweynihii ka horeeyay Joe Biden oo dhawaan dhacayay, waxaana lagu kordhiyay sanad kale.
Wargelin rasmi ah oo soo baxday Arbacadii ayuu madaxweyne Donald Trump ku xaqiijiyay in xaalada degdegga oo markii hore lagu dhawaaqay 17-kii Sabtambar sanadkii 2021-kii ay sii socoto. Amarka ayaa markii hore loo soo saaray dagaalka sokeeye ee Itoobiya ee ka qarxay gobolada Tigray, Axmaara iyo Cafarta. Dagaalka ayaa ahaa kii ugu xumaa ee tobannaan sano ka qarxa dalka.
Amarkan ayaa ogolaanaya in cunaqabateyn la saaro kuwa sida tooska ah mas'uulka uga ah ama lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin dagaalka mudada dheer socday kaas oo lagu hor joogsaday in la gaarsiiyo kaalamada bani'aadannimo. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay kooxaha cunaqabateynta la saaray in hor istaageen xabadjoojinta.
Amarka uu madaxweynaha saxiixay ayaa markii hore loogu talogalay madaxda dowladaha Itoobiya iyo Ertirea iyo sidoo kale maamulka gobolka Axmaarada iyo xubno ka tirsan TPLF.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Kaddib markii la soo saaray amarka, Waaxda Maaliyada Mareykanka oo hirgalisay amarka ayaa cunaqabteynta ku soo rogtay saraakiisha militeri ee Itoobiya iyo Eretria kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka qeybgaleen dagaalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Amarka madaxweynaha ayaa shaqeynaya hal sano sidaa darteed waxaa la cusbooneysiiyaa amarka sanadka kasta laga bilaabo bishii Sabtambar xiligaas oo aheyd markii go'aanka u soo baxay.
Madaxweyne Trump ayaa saxiixay Arbacadii si go'aanka uu u sii shaqeeyo sababtoo ah sida uu dhigayo qeynuunka Mareykanka amarada "xaaladaha degdegga" way dhacaan hadii aan la sameyn 90 maalmood ka hor codsi lagu sii kordhinayo inta uusan amarka dhicin.
Amarka madaxweyne ayaa quseeya dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Waqooyiga Itoobiya, waxa uuna siinayaa Waaxda Maaliyada Mareykanka in ay la xisaabtamaan kuwa gala xadgudubyo kala duwan, kana hor yimaada nabadda.
Waxaa xusid mudan in markii ugu horeeyay uu amarkan soo baxay ay dowladda Itoobiya qortay warqad cabasho ah oo ay ku muujineyso sida aysan uga qanacsaneyn mowqifka Mareykanka.
Mareykanka waxay ku adkeysteen go'aankooda inkastoo saddex sano ay ka soo wareegatay ilaa markii la gaaray heshiiska nabadda ee lagu soo afjarayay dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Go'aanka Mareykanka ee sii socda iyadoo maamulada ay isbaddeleen waxa uu ka dhigan yahay in Aqalka Cad uu ka welwelsan yahay xasilooni darada gobolka.
In Mareykanka ay cunaqabteyn saaraan oo kaliya madaxda Itoobiyo iyo Eritrea ee lagu eedeeyay in ay ka qeybgaleen dagaalka waqooyiga kuma joojin ee sidoo kale waxay Itoobiya ka saaraan barnaamijka beecmushtarka Mareykanka ee AGOA kaas oo sanado ay ka faa'idayeen.













