Afartan iyo kow sano kadib: Halkee bay ku socotaa jabhada faca weyn ee ONLF

Ilmo ka yimid tuulo oo waqti la qaadanaya cutub ka tirsan Jabhadda ONLF oo dhowaan u soo guurtay aaggaas, sawir la qaaday 23-kii Febraayo, 2009

Xigashada Sawirka, Jonathan Alpeyrie/Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilmo ka yimid tuulo oo waqti la qaadanaya cutub ka tirsan Jabhadda ONLF oo dhowaan u soo guurtay aaggaas, sawir la qaaday 23-kii Febraayo, 2009
    • Author, Abdishukri Haybe
    • Role, BBC Somali

Kow iyo afartan sano oo ay dagaal xornimo doon ah kula jirtay dowladda Itoobiya kadib, mustaqbalka Jabhadda Wadaniga Xorreynta Ogaadeeniya ee loo garan og yahay ONLF ayaa waxaa ku gadaaman weydiimo weyn.

Wax ka badan soddon sano ayay dagaallo xooggan kula jirtay dowladahii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray.

Gobolka Soomaalida oo ay saameyn weyn iyo taageero baaxad leh ku yeelatay, iyo is-hor-istaaggii shidaal baadhista gobolka kadib, Isbeddelkii xukun ee Itoobiya ka dhacay ee uu horseedka u ahaa Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa horseeday in ONLF heshiis siyaasadeed lala galo.

Taas oo sababtay in jabhadii hubeysnayd ay soo xarooto, noqota na urur siyaasadeed oo dalka ka jira, doonistiisana ku raadinaya wadiiqo nabdoon oo siyaasadeed.

Haddaba, afartan sano ka dib, miyuu guuleystay mise guuldareystay? Maxaa se isbedelay?

Koox rag ah oo ka tirsan ONLF oo dhigtay qoryahoodii dhulka qaarkoodna taaganyahiin kuwana madaxa biyo ku dhaqanayaan sawirkan waxaa la qaaday Oktoobar 9, 2006

Xigashada Sawirka, Jonathan Alpeyrie/Getty Images

Qoraalka sawirka, Koox rag ah oo ka tirsan ONLF oo dhigtay qoryahoodii dhulka qaarkoodna taaganyahiin kuwana madaxa biyo ku dhaqanayaan sawirkan waxaa la qaaday Oktoobar 9, 2006

Arrintaasi waxay soo afjartay halgankii hubeysnaa oo ahaa mid ka mida dhaqdhaaqyada gobonimo doon ee ugu cimriga dheeraa guud ahaanba Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaana ka saartay ururka ONLF diiwaanka argagaxisonimo ee ay ku jireen muddo badan una aqoonsatay xisbi siyaasadeed oo si xor ah uga qeybgela siyaasaddaha iyo doorashooyinka heer gobol iyo heer qaran.

Gobolka Soomaalida ayaana noqday tan iyo heshiiskaas midka ugu xasilloon, uguna nabdoon Itoobiya oo dhan.

Waxayna yididiilo weyn ku abuuray bulshada iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo jabhadda ONLF ay dib u noqotay xisbi siyaasadeed oo la aqoonsan yahay tan iyo markii dowladda Itoobiya ee Meles Zenawi hogaaminaayay xukunka ka tuurtay jabhadda oo ahayd xisbi siyasaadeed islamarkaasna ku guuleystay cododka ugu badan ee doorasho dadweyne oo ka gobolka Soomaalida 1994, markaas oo ay dib ugu noqdeen duurka iyo jabhadeyn iyaga oo qoriga qaatay.

Guddoomiyaha Ururka ONLF, Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Mahdi (Maadey), oo qayb ururka kamida ayna ayidsanayn waxaa uu BBC u sheegay inay ku guuleysteen inay qadiyaddii gobolka Soomaalida ay ka ka dhigeen mid aan ahayn xad labo waddan isku hayaan.

"ONLF waxay xaqiijisay in shacabka Soomaalida Ogaadeeniya qadiyadiisu ayna ahayn qadiyad labo dowladood isku haysato sida lixdameeyadii, todobaatameeyadii iyo sideed-tameeyadii looga dhigay ee adduunka loogu fidiyay."

''Laakiin ay tahay qadiyad dal iyo dad soomaaliyeed oo ay Itoobiya haysato oo xaqoodda u halgamaya," isaga oo hadalka sii wata.

"Waxay qirtay in shacabkani xaqiisa u istaagi karo, dagaalami karo mintidna yahay." Ayuu raaciyay isoo tilmaamaya in halgankoodu yahay mid shacab.

Sawirka Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maadey) guddoomiyaha ONLF oo xidhan suudh iyo taay buluug ah iyo ookiyaale madoow.
Qoraalka sawirka, Sawirka Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maadey) guddoomiyaha ONLF xilli uu warraysi ku siinaayay BBC, magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ururkii hubeysnaa ee xisbiga u digo-rogtay markuu heshiiska qaatay khilaafaad siyaasadeed ayaa dhexdiisa hadheeyay hadeerna waxaa jira garab kale oo sheegta iyaguna in ay yahiin ONLF-ta saxda ah.

Waxaana garabkaa dhawaan guddoomiye loogu doortay magaalada Jigjiga, Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo muddo dheer ka mid ahaa madaxda ururka.

Maadey iyo Qalbi-dhagax waxay labadaba hoos u dhigayaan saameynta mustaqbal ee khilaafka dhexdooda ah ku yeelan karo Ururka ONLF.

Laakiin Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah cilmibaadheyaasha daraaseeya jabhaddaha hubeysan ee Afrika waxa uu BBC u sheegay in khilaafka ONLF dhexdooda ah uu saameyn taban ku yeelan karo mustaqbalka jiritaan, hiigsiga himiladooda iyo aayo-ka-telinka gobolka Soomaalida.

Waxa uu ku baaqayaa inay tahay inay gaadhaan xal dhexdooda ah, oo ay markale mid ku noqon karaan si ay u gaadhaan hiigsigooda xornimo doonnimo.

"ONLF waxay ka mid ahayd jabhaddii dhashay xilligii ka dambeeyay gumeysiga, waxayna dhalatay iyadoo lagu dhex-jiro kuleylka wixii loo qiyiinnay dagaalka qabow. Waxay caawimaad ka heli jirtay dowladdii kacaanka Soomaaliya, kaalmadaas oo istaagay 1988kii. Laakiin kaalmadaas joogsatay iyo xitaa burburkii dowladda Soomaaliya wax saameyn ah kuma yeelan jabhadda," ayuu yidhi Maxamed Xaaji Ingiriis, oo mar la taliye arrimaha dibeda u ahaa Ururka.

Waxa uu intaa ku daray waxa qaabeeya ee saameya ONLF ma ahan wax ka yimaadda arrimaha dibedda iyo gobolka ba, laakiin waa waxa ka socda gudaha Itoobiya iyo iyaga dhexdooda.

Laakiin Janaraal Ibraahin Aaadan Xaalxaali (Doolaal) oo ka mid ah indheergaradka deegaanka waxa uu sheegay in uusan jirin walaac weyn oo laga qabo mustaqbalka ONLF.

"Waa laga yaabaa in shaqsiyaad meesha ka tagaan, laakiin ururku ma baaba'ayo. Kuwa kale ayaa beddeli kara, jiil kale ayaana dhallan kara, marka ururkaan mustabal ahaan ma baaba'ayo," Ayuu Ibraahim sheegay BBC-da.

''Marxalad adag baan maraynaa, Itoobiyaana si guud ahaan marxaladaas bay maraysa; waxaan hadda socdana waa iska kumeel gaadh.''

Laakiin Maxamed Xaaji Ingiriis waxa uu ka digayaa in khilaafka iyo kala-tega dhexdooda ah, in uu soo dedejin karo "sooyaalkooda iyo raadka halgankoodii gobonimo oo waxyeelooba".

ONLF iyo suurtagalnimada inay dib isu-hubeyso

Si la mid ah jabhadda ONLF, Itoobiya waxay hadda mareysaa mar xalad xasaasi ah, iyada oo uu sii xoogeysano xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyo xitaa Masar oo ay Addis Ababa isku-hayaan biyo-xireenka laga dhisay webiga Nile, kaas oo saameyn weyn ku yeelan karo nolosha bulshada Masar ee ku tiirsan biyaha webigaas.

Eritrea iyo Masar ba waxaa muddo dheer la la xiriirinayay inay taageero siiyaan jabhaddaha Itoobiya oo ay ka mid tahay ONLF, Iyada oo ay dowladda Eritrea kaalin weyn ku laheyd heshiiskii horey u dhexmaray ONLF iyo dowladda Raysal Wasaare Abiy Axmed.

Dhanka kale isla gudaha Itoobiya waxaa wali ka socdo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka jira gobolada Amxaarada, Oromada iyo Tigreyga.

Sanadihii dambe na, dowladda Itoobiya waxay ku eedeysan dowladda shisheeye oo la tuhumayo inay Masar iyo Eritrea ula jeedo inay taageeraan

Sawir muujinaya jabhadda ONLF xilligii ay kusoo noqonaysay dalka Itoobiya iyaga oo kasoo kicitamayay Asmara 2018-kii.

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya jabhadda ONLF xilligii ay kusoo noqonaysay dalka Itoobiya iyaga oo kasoo kicitamayay Asmara 2018-kii.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maadey) waxuu sheegay in haddeer ayku halgamayaan wadiiqo nabad ah.

"Adduunka halgamada nabadda siday u halgamaan ayaanu u halgamaynaa, halgankuna wuu soconayaa, shucuubta itoobiyana xidhiidh baan la yeelaynaynaa" ayuu yidhi isaga oo qeexaya qorshaha ururka ee haddeer.

"oo siyaasad furan oo dastuurka itoobiya ku qorana la hirgeliyo. Itoobiyana dastuurkeeda ayaan kula dagaalamynaa." Ayuu yidhi.

Waxse xusid mudan, Guddoomiye Cabdiraxman Mahdi waxuu horey BBC ugu sheegay in garabkoodu diyaar yihiin inay hubka qaadaan islamarkaasna ay weli diyaar yihiin shan kun oo ciidan iyo wiilal hubeysan ah, haddii lagu qasbo.

Laakiin Garabka ONLF ee Cabdikariim Qalbi-dhagax waxay sheegeen in iyagu weli ku taagan yihiin heshiiskii ay horey ula galeen dowladda Itoobiya, iyaga oo isku arka garabka sharciga ah ee ONLF.

Maxamed Xaaji Ingiriis, oo mar la-taliye u ahaa Jabhadda Wadaniga Xorreynta Ogaadeeniya Waxuu qabaa in Masar iyo Eritrea ay marwalba taageeri doonaan ONLF kasoo horjeedda dowladda Itoobiya.

Itoobiya iyo Eritrea oo bilowgii xukunka Abiy Axmed loo arkayay inay isu-soodhawaanayaan, waxaa xiisadooda cusbooneysiiyay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey iyo sida loo maareeyay, iyo tuhunka laga qaaday Raysal wasaare Abiy Axmed oo ku celceliyay in dalkiisu u baahan yahay marin badeed toos ah, taas oo cabsi ku abuurtay Eritrea.

"Shaki la'aan, Masar iyo Eritrea waxay mar walba taageeri doonaan garabka ka hor yimaadda dowladda Itoobiya," ayuu yidhi Maxamed Xaaji Ingiriis.

Xuska ururka oo 41 sano jirsaday, warsaxaafadeed ay baahiyeen garabka guddoomiye Maadey ururka ONLF boggooda X waxay ku eedeeyeen dowladda Itoobiya, in xafiisyadooda siyaasadeed la xidhay. ''Xafiisyadii waaweynaa ciidamo ayay geeyeen" ayuu Cabdiraxmaan Mahdi u sheegay BBC-da.

''Xafiis caadi ah waala xidhi karaa laakiin qalbiga xubnaheenna ayaa xafiis ah qalbiga shacabkeenna ayaana xafiis ah'' ayuuna sheegay isaga oo xusaya taageerada ururku haysto.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo garab kamida ay dhawaan guddoomiye ugu doorteen magaaladda Jigjiga ayaa warraysi uu BBC-da horey u siiyay ku sheegay in ururka ONLF wax weyn oo caqabad ah aysan ka haysan deegaanka.

''Caqabad uu guddiga fulintu ka wada hadlay ma jirin, saaxiibkayo waxuu ka calaacalayo ama uu ku diidanyahay in uu yimaado deegaankii ayaan fahmi la'anahay" ayuu yidhi.