"Idaacada ayaan ka maqlay in wasiir layga dhigay" - Prof. Maxamed Siciid Gees ay ku geeriyooday Maraykanka

Xigashada Sawirka, .
Alle ha u naxariisto Prof. Maxamed Siciid Gees oo 23-kii Agoosto, sabtigii geeriyooday ayaa lagu aasay gobolka Virginia dalka Mareykanka. Prof. Maxamed waxa uu muddo ka shaqeeyay waxbarashada Soomaaliya ka hor inta uusan howlaha nabadeynta iyo siyaasada soo galin.
Bishii Nofember 11-keedi sanadkii 1946-kii ayuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo, isagoo labo jir ah ayaa laga soo qaaday Ceerigaabo oo la keenay magaalada Hargeysa halkaas oo aabihii oo ahaa dhakhtar ka shaqeynayay isbitaalka Hargeysa.
Prof. Maxamed Siciid Gees waxa uu ku garaadsaday magaalada Hargeysa halkaas uu ka galay malcaamada Qur'aanka iyo dugsiga hoose. Kaddib wuxuu waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay dugsigii Sheekh isagoo ka baxay sanadkii 1968-kii.
Waxbarashada jaamacada waxa uu Prof. Maxamed ka galay kulliyadii ugu horeysay Soomaaliya ee waxbarashada Lafoole halkaas uu ka bartay cilmiga Fisikiska. Waxa uu ka qalinjabiyay Lafoole sanadkii 1973-kii.
Kaddib dibadda ayuu waxbarasho u aaday gaar ahaan dalka UK uu ka qaatay darajada labaad ee jamacada cilmiga Fiskiska.
Markii uu soo dhameystay waxbarashadiisa waxa uu ku soo laabtay dalka isagoo macallin ka noqoday kulliyadii waxbarashada Lafoole ee uu hore uga baxay. Lix sano ayuu ka shaqeynayay.
Sidoo kale wuxuu ku biiray wasaarada waxbarashada xarunta manaahijta. Markii uu ku biiray wasaarada waxay aheyd xiligii la qoray Af-soomaaliga oo la turjumayay buugaagta cilmiga. Qeyb ayuu ka ahaa turjumaada buugaagta xisaabta iyo seysniska.
Wariye Axmed Siciid Cige oo ka mid ahaa ardaydii kulliyada Lafoole sidoo kalena Prof. Maxamed yaqaanay ayaa sheegay in xiligii ay joogeen jaamacada uu ahaa nin aad u dabacsan oo dadka soo dhaweeya.
"Markii 1981kii aan anigu ardayga ka noqoday Jamacada Lafoole kulliyada saxaafada ilaa iyo 1983-kii, waan garanayaa, wuu iska lugeyn jiray, wuxuu ahaa nin ardayda la sheekeysta oo wax u qabta".
Axmed Siciid oo BBC-da magaalada Hargeysa muddo dheer uga soo warrami jiray ayaa sheegay in markii uu siyaasada soo galay uu ahaa nin naxariis badan.
Prof. Maxamed siciid Gees waxa uu sidoo kale qoray buugaag uu ku jiro buugga Dharaar Xusoostooda oo uu ka qoray wixii uu soo maray.
Noloshiisa Siyaasada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Prof. Maxamed Siciid Gees waxa uu isaga tagay waxbarashadii uu ku shaqeynayay sanadkii 1982-dii kaddib markii dowladdii militeriga ee Soomaaliya sida uu sheegay ay bilwoday in dadka ay xirto.
Wuxuu aaday miyiga isagoo markaa kaddib bilaabay in uu ka shaqeysto xoolaha gaar ahaan ariga.
Muddo toddobo sano ah ayuu ka shaqeynayay ganacsiga xoolaha. Ariga iyo lo'da ayuu miyiga ka soo iibsan jiray kaddibna waa uu sii dhoofin jiray.
Sanadkii 1990-kii bishii Feberaayo isagoo joogo tuulo lagu magacaabo Biyo-cado oo ku taal gobolka Shabeelaha Dhexe, kana iibsanaya lo' uu doonayay in uu ka beecmushtaro ayuu ka maqlay idaacadii Soomaaliya in loo magacaabay jago wasiir. Waxaa laga dhigay wasiirka Kalluumeysiga ee Soomaaliya.
"Anigu waa fadhiyay, 30 dibi ayaa halkaas iigu xirneyd oo aan ka iibsaday meesha, waxaan rabay in aan Laasqoray ka dhoofiyo, dabadeed idaacadii baa soo gashay, meesha waxaa joogay USC qoladii jabhada, hareeraha ayaan eegay, waxaan is iri cidi kuma garaneyso, dowladaas ayaan ka qeybgalay".
Prof. Maxamed wuxuu sheegay in nolosha dadka Soomaaliyeed uu wax badan ka bartay mudadii uu xoolaha ka shaqeynayay. Wuxuu sheegay in uusan wax badan nolosha dadka Soomaaliyeed ka aqoon qofka ku eg waxbarashada iyo xafiisyada dowladda.
Prof. Maxamed oo shaqadiisa wixii ka horeeyay 1990-kii ay aheyd macallinimo ayaa halkaas ka bilaabay siyaasada.
Kaddib dowladii uu mudda yar wasiirka ka ahaa ayaa dhacday, waxa uu ka qaxay magaalada Muqdisho isagoo sii maray Kenya iyo Itoobiya kaddibna waxa uu sii aaday dalka Yemen.
Dowladii laga dhisay Somaliland ayuu kaddib ka qabatay xilal wasiir. Dowladii madaxweyne Cigaal ayuu sanadihii1997-kii ilaa iyo 1999-kii ka noqday wasiirka qorsheynta. 1999-kii ilaa iyo 2001-dii wuxuu noqday wasiirka maaliyada kaddibna wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Prof. Maxamed waxa uu qeyb weyn ka qaatay nabadeynta gobolada Somaliland kaddib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay qabteen 35 shir si ay Somaliland nabad u hesho.
"2014-kii wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa oday, buugaag ayuu qoray. Labo buug ayuu ku qoray, Somaliland wixii uu u soo joogay" ayuu yiri Axmed Siciid Cige oo aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxariisto Prof. Maxamed Siciid Gees.













