Nin ceynkee ayuu ahaa Danijre Yuusuf Dheeg oo ku geeriyooday magaalaada Hargeysa?

Xigashada Sawirka, UN
Tacsida geerida shaqsiyad ku wayn saaxada siyaasadda iyo ciidanka Soomaaliya ayaa ku baahday baraha bulshada ee Soomaalida maanta, kadib markii la shaaciyay in uu ifka ka tagay Yuusuf Xasan Faarax oo ku magacdheeraa Dheeg, kaas oo ahaa danjira iyo khabiir ciidan oo qaybka ah tariikkhda siyaasadda siyaasadda Soomaaliya.
Dadka yaqaanna oo qaarkood la hadlay BBC da ayaa waxay ku timaameen shaqsi heer sare ka gaaray arimaha diblumaasiyadda iyo iyo tan ciidanka intaba, maadaama uu soo noqday Wasiirkii Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo taliyahii Ciidanka Cirka Soomaaliya - Xilliyo Soomaaliya ku jirtay waqti adag.
Waxa uu la soo shaqeeyay dowladihii iskaga danbeeyay xukunka Soomaaliya sida dowladdii rayidka ahayd, tii Kacaanka iyo dowladihii ka danbeeyay markii ay dhacday dolwadii milateriga ahayd.
Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee madaxweynaha uu ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Danijre Yuusuf Dheeg waxaa loo magacaabay wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya iyadoo markii danbe laga dhigay safiirka Soomaaliya ee China halkaas oo uu ka ahaa safiir ilaa sanadkii 2018 kii.
Waayihii danbe ayaa waxa uu deganaa magaalada Hargeysa halkaas oo uu ku xanuunsanayney. Waxaa la sheegay inuu qabay cudurka macaanka oo uu maalintii shalay ahayd ugu dambeyn u geeriyooday.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Sooaamliya ayaa ka tacsiyeeysay geeridiisa, waxaana ay ku tilmaameen hugaamiyaheedii hore "khabiir ciidan oo qiimo leh iyo diblumaasi sare".

Xigashada Sawirka, Social Media
Taariikhda Dheeg
Danijre Yuusuf Dheeg oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii Soomaaliya ayaa waxa uu dhashay sanadkii 1940 kii.
Janaraal Maxamuud Sheekh Cali oo loo garan ogyahay (Dable Baylood) oo hadda ah Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, oo ay muddo 60 sano ka badan is yaqaaneen kana soo wada shaqeeyeen Ciidanka Cirka Soomaaliya, ayaa waxa uu BBC da u sheegay in uu ahaa nin aqoon iyo khibrad u leh xagga ciidanka, oo ahayd halkii uu ka soo bilaabay xirfada uu mudada dheer ku jiray ee ciidanimada. Laakiin waxa uu sidoo kale sheegay in markii dambe u diga rogtay dhanka siyaasadda iyo diblumaasiyadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isaga oo dib u xasuusanaya waxa uu ka yaqaanay shaqsiyadiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa "nin dadnimda iyo isku wadidda dadka iyo ixtiraamka uu ku yaqiin".
Yaraantiisii ayaa waxa uu fursad u helay Dheeg in dalka bannaankiisa uu ka helo wax barasho ciidannimo.
“Waxa uu wax ku soo bartay waddanka Ciraaq, gaar ahaanna duuliye kaxeeya diyaardaha, waxaana uu ciidanka cirka kusuoo biiray horaantii 1960-meeyadii, waxaana sidoo kale uu aqoonta ciidanka cirka kusoo bartay dalka Ruushka” ayuu BBC da u sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Dable Baylood.
Janaraal, Dable Baylood oo sii amabaqaadaya taariikda Danjire Yuusuf Dheeg waxa uu sheegay in markii Kacaankii milaterigu uu xukunka qabsaday uu ahaa Madaxa Howlgelinta Ciidanka Cirka, xilligaas ayaa Soomaaliya waxay gashay waa cusub oo siyaasadeed, oo ay 21 sanadood xilka dalka hayeen maamulka milatariga ahaa.
Balse waqtigaas kadib, waxaa uu fursad ka dhex helay Dheeg dowladdii acaanka, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya intii u dhaxeeysay sanadihii 1972 dii ilaa 1976 dii.
Waqtigaas kadib ayaa waxaa laga beddelay Ciidanka Cirka, waxaana laga dhigay safiirkii Soomaaliya ee dalka Cuba. Waxa uu noqoday safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u disrsato dalka Cuba hasa yeeshee markii Soomaaliya iyo Cuba ay kala goosteen xiriirka diblumaasiyadeed waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan, halkaas oo uu muddo dheer uu ka ahaa safiir.
Dadka yaqaana ayaa waxa ay sheegeen in waqtigaas uu xushmad wayn uu ka kasbaday.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal Tacsi ah oo uu kaga hadlaya geerida danjire Yuusuf Dheeg ayaa waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, in ay ka wada tirsanaayeen isbaheysigii dib u xorreynta Soomaaliya (ARS).
“Waagii aan Casmara ku sugneyn dowladda Eriteria waxa ay siin irtay qaddarin gaar ah", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Waqtigii uu Danjire Yuusuf Dheeg uu safiirka ka ahaa Suudaan waxa uu bixiyay baasabaroodii ugu badnaa isagoo siiyay saraakiishii mucaardaka ah ee ee Eretria oo ay ku dhoofi jireen".
Danjire Yuusuf Dheeg Waxa kale uu soo nqoday safiirkii Soomaaliya u fadhin jiray dalka Mozambique, halkaas oo markii danbe laga soo beddelay lagana dhigay safiirka Soomaaliya ee China. Xilkaas ayuu hayay ilaa ay ka dhacday dowladdii Milateriga ahayd.













