Cabdiqaadir Aroma: 10 sano ka dib geerida ninkii lagu tilmaamay cabqariga umadeed

Xigashada Sawirka, Google
- Author, Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’
- Role, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye
Cabdiqaadir Cismaan Maxamuud ‘Cabdiqaadir Aroma' waxa uu ku dhashay magaalada Dusmo reeb, gobolka Galguduud.
Waxa uu dhashay 1953. Hooyadii oo eeddo u ahayd danjire Axmad Cabdisalaan waxa ay geeriyootay asaga oo yar, markaa ka dib ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, isaga oo 11 gu' jir ah.
Imaatinkiisa Muqdisho ka dib, wuxuu galay iskorisnimo nololeed, maadaama uusan ku haysan xigto. Tabargal ka dib, wuxuu ku dedaalay, in uu iskiis wax isu baro, wuxuuna dhigan jiray iskuulka dadka waaweyn (independent learning) ilaa uu ka gaaray dugsiga sare.
Ka gadaal wuxuu noqday shaqaale dowladeed; xisaabiye ayuu ka ahaa Wakaaladda Ganacsiga Ummadda 'INJI' muddo ku dhow 20 gu’, heer uu agaasimaha Waaxda Ganacsiga Dibadda ka noqday. Muqdisho ka sokow, waxa uu ka soo shaqeeyey gobollada Bakool iyo Sanaag.
1980 -1985 ayuu mar kale aqoon barasho galay, oo uu markan heer fiican ka gaaray, wuxuuna ka ruqsaystay shaqaalenimadii dawladeed, oo wuxuu dhammaadkii siddeetamaadkii galay ganacsi, isaga oo agagaarka Shabeelle ka furtay xafiis, uu ka noqday qandaraasle.
Sida uu noo sheegay, ururinta aqoon dhaqameedka bulsho ee Soomaalida wuxuu billaabay horraantii siddeetameeyadii, oo caddayn ku filan ah sida uu u dhiifoonaa, una dhugdheeraa.
1990 dawladdii markii ay dhacday, ayuu wuxuu tagay London iyo Washington, sida uu Canada u booqday, muddo kooban ka dibna wuxuu gadaal ugu laabtay Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Google
Cabdiqaadir 'Aroma' qoraalladiisii u horreeyey waxay shaacbaxeen billowgii sagaashamaadkii, oo qof dhigaal u jeedana uuba iska yaraa. Qoraallada ugu xiisaha badnaa wuxuu u ku faafin jiray Wargeysyada Xog-ogaal, Ayaamaha, Qaran iqk, oo Muqdisho ka soo bixi jiray, sheekooyinkaa waxaa ka midka ahaa:
• Salaamullaahi Calal Xajaaj: sheeko taxane ahayd
• Ilmo Dahabo Toolmoon
• Xaaji Dhagaxkariye: sheeko taxane ahayd
• Beesha Toban Kunley: sheeko taxane ahayd
Sheekooyinka waxaa u dheeraa qormooyin iyo faalloyin kale, oo uu uga faalloon jiray hadba heerka siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee lagu jiro, oo laga wada dheehan karo indheergaradnimadiisa fog weliba fiirodheerka leh.
Dhanka kale, Cabdiqaadir 'Aroma' waxa uu qoray buugaagta kala ah:
1. Sababihii Burburka Soomaaliya (1999)
2. Sooyaalka Soomaaliya (1999)
3. Tiirka Colaadda (2002)
4. Hadimadii Gumeysiga iyo Halgankii Ummadda (2005)
5. Taangiga Tigreega (2008)

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa jira buug uu qaybyo uga tagay, oo runtii uu aad u jeclaa, oo la yiraa: ‘Al Amru Bil Macruuf Wanahyu Canin Munkar’ oo sawirro iyo murtiyo kookooban isugu jiray, kuna qornaa afafka Soomaaiga, Carabiga iyo Ingiriiska.
Cabduqaadir 'Aroma' wuxuu waqti badan geliyey, uruurinta iyo raadraaca Sooyaalka Umadda Soomaaliyeed dhinac walba; isir, dhaqan, hidde, siyaasad, sooyaal iyo diin, wuxuuna dhabbagal badan ka dib qoraalka billaabay sagaashameeyadii. Sida ku cad buugta uu qorey, wuxuu sameeyey raadraac dal iyo dibad ah; waxay Umadda Soomaaliyeed tahay, ahayd iyo halkay taagan tahayba, oo sooyaal kasta ee uu wariyo iyo dhacdo walba ee uu sheego uu u keenayey marag qoran iyo magac qofeed, oo aan malo iyo meehannow geli karin
Xigashada marageed iyo tireynta keyd ee uu soo qaato, si uu u xoojiyo aragtiyihiisa ugubka ku ahaa, malahana weli ku yar waxsoosaarka qoraal, waxaa u dheeraa; geesinimo iyo dhiirranaan. Qodobka kale, ee hubaal Cabduqaadir 'Aroma' loo wada qirsan yahay waa WADDANIYADDIISA uu dhagar walba oo sokeeye ama shisheeye dalkan iyo dadkan u maleego ama la maaggan yahay uu bannaanka keeni jiray, isaga oo si gaar ah fartana u fiiqi jiray damaca Xabashida.
Dhanka kale, qoraa Cabduqaadir Aroma dadka qaar ayaa dhaliila buugaagtiisa iyo qaabka uu u falanqeeyey waxa Soomaalada ka dhexdhacay, haddana aqoontaa uu baaridda iyo buugeynta geliyey la ma arag, maqal iskaba daaye, hal qof oo ku dhiirraday in uu kala dooday intii na dhexjoogay, oo uu afkiisa iyo aqoontiisa ku doodbixi lahaa, si la mid ah ma jiro, hal qof, oo qormo ama buug -baaris warkeed xagga dhige- ka qoray, ee ku yiri: aragtidaada, xogtaada ama tebintaadu halkaa iyo qodobkaa ayey ku/ka qaldan tahay.

Xigashada Sawirka, Google
Koofaartiisii hore waxay ahayd ‘Oromo’; magaca qawmiyadda Oromada, si uu u muujiyo isu dhawaanta iyo wada dhalashada Soomaalida iyo Oromada, kuna nacaynaya Xabashida iyo qawmiyadaheeda kale. Sida uu caddeeyey Cabduqaadir, ka dib markii uu arkay, in Oromadii uu soo dhaweysanayey, ayba qayb ka noqdeen dhibaateynta Soomaalida, siiba dilka iyo qaarijinta saraakiisha aqoonta iyo ciidanka, ayuu wuxuu iska baddalay naynaastii ahayd ‘Oromo’ wuxuuna ka dhigtay ‘Aroma’ oo aan wax weyn uga baddalnayn tii hore xagga tirada shibbane iyo ekaanta qaab, is la halbeeggii ah, ujeedkusana yahay udug; geed ama caraf.
Dhanka kale, Cabdulqadir ‘Aroma’ magaalada London ee dalka UK, wuxuu ka aasaasay Charity uu ugu magacdaray ‘GARGAAR TRUST’ oo lagu wacyigelinayey dhallinyarada dalkaas ee daroogada iyo isdilku ku batay, waxa kale oo uu ugu talagalay inuu ugu kaalmeyo danyarta Soomaaliya ku nool, Charity-gaas oo weli shaqeeya.
Cabduqaadir ‘Aroma’ wuxuu ahaa qof tawaaduc badan, dadkiisa ku dhexjira, gacan furan oo deeqin badan, waxsiintana aan ku xirin aqoon ama ehelnimo. Wuxuu ahaa RUN socoto, oon reedmar lagu aqoon.
Qoraa sare C.Qaadir 'Aroma' Alle ha u naxariistee wuxuu ku geeriyoodey London, Ingiriiska, luulyo 16, 2014, qalliin beerka looga sameeyey ka dib, oo uu muddo la xanuunsanaa. Ifka wuxuu uga tagay hal xaas iyo 13 ubad ah.
Ugu dambayn, Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, ayaa hawada soo gelisay mareeg wata magaca qoraa C.Qaadir ‘Aroma’ http://cabdulqaadiraroma.com Agaasimaha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye qoraa Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ ayaa sheegay, in mareegta lagu kaydinayo waxsoosaarka C.Qaadir Aroma ay qayb ka tahay waxqabadka Xarunta.
Tixtaac:
Buugaagtiisii iyo sheekooyinkiisii
Qormo ku soo baxday wargeyska Gobollada Dhexe tirsigii bishii agoosto, 2014.
Wada sheekaysi goosgoos ah, oo aan la yeeshay qoraagu intii uu noolaa.













