Maxaad ka taqaan gabadhii ugu horreysay ee xubin ka noqota golaha wasiirrada ee Soomaaliya

Cureeji
Qoraalka sawirka, Faadumo Axmed Caalin (Cureeji)

Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) waxa ay ku dhalatay magaalada Galkacyo. Waa gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee inta la ogyahay taariikhda ka qalin jabisay jaamacad, sidoo kale waxa ay ka mid tahay gabdhihii ugu horreeyay ee ka soo muuqday gole wasiirro oo qabtay xil wasaaradeed markii ugu horreysay.

Cureeji waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee noqotay wasiir ku xigeenkii wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare, sidaa si la mid ah waxa ay noqotay agaasime guud iyo guddoomiye kuxigeenkii jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay ka mid ahayd macallimiintii ugu horreeyey ee Soomaaliya ay yeelato.

Waxa ay siyaasadda Soomaaliya ku soo jirtay in ka badan 40 sano iyada oo sanadihii dambe aan ka soo muuqan siyaasadda dalka, ka dib markii ay dalka isaga baxday wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye.

Waxa ay BBC-da uga sheekeysay sidii ay ugu suura gashay in ay noqoto gabadhii ugu horreysay ee ka qalin jabisa waxbarasho jaamacadeed iyadoo xilligaas aysan badneyn gabdhaha wax barta walibana ka gaara heer sare.

Waxa ay sheegtay in dalku uu gacanta ugu jiray gumeystihii Ingiriiska iyo leegada xilligaasna ay goobaha waxbarashadu koobnaayeen, kuwaasoo waliba la geyn jiray wiilasha oo kaliya.

Cureeji oo u warramaysa BBC
Qoraalka sawirka, Cureeji oo u warramaysa BBC

“Waxa isoo barbaarisay hooyo kaligeed ah oo aabbahay wey kala tageen, hooyadey ayaa malaha u sabab ahayd kaalintayda waxbarasho, hase yeeshee waxaa iskuulka i geeyay abtigey”.

“Abtigey leegadu wey ixtiraami jireen, waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee gabdhihiisa geeya iskuulka, markaas waxaa jiray iskuul Xamar Jadiid oo macalimiinta lagu tabababari jiray ardayda ay ahaayeen wiilal kaliya”.

Waxa ay sheegtay in qiyaastii ay markaas ahayd 1947-dii, hase yeeshee waxaa caqabad kale noqotay sidii leegada ay u ogolaan lahaayeen waxbarashada gabdhaha maadaama aysan horay dalka uga jirin.

Ingiriiskii dalka heystay waxa ay ogolaadeen in labo gabdhood oo uu abtiga dhalay wax loo baro, waxa ayse ku xireen in uu oggolaansho ka soo helo leegada.

“Abtigey waxa uu tagay leegadii, waxa uuna ka codsaday in gabdhaha ay wax u bartaan, wey u ogolaadeen iyadoo markii dambana gabdhihii aan ku biiray oo la’igu daray sidaas ayaana wax barasho ku sii watay ilaa aan heer sare ka gaaro”, ayey tiri wasiir Faadumo Caalin.

Waxa ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay dalalka Masar iyo Talyaaniga. Waxay waxbarashadeeda jaamacadeed dhamaysatay 1962kii, sida ay BBC u sheegeen ilo madax banaan.

Cureeji

Xigashada Sawirka, Facebook

Buuggii ‘Saa waxay i tiri’

Wasiir Cureeji sanado badan ayey ku qaadatay dalka Canada oo ay ku nooleyd muddadii ay dalka dibadda uga soo baxday.

Waxa ay qortay buug uu halku dhiggiisu yahay ‘Saa waxay i tiri’, iyada oo ka qortay maansooyin iyo waliba qisooyin la xiriira hooyadeed oo ay sheegtay in ay qayb weyn ku lahayd horumarinta nolosheeda.

Buugga ayaa ku qoran afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga, waxaana ku xusnaa maansooyin caan ah, waxyaabaha ugu badan ee looga hadlayay waxaa ka mid ahaa noloshii dalka xilligii leegada iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo mara.

“Buuggan waxaa ku xusan sheekooyin badan oo taariikhi ah, dadka ajaanibta ahaa ee akhristay waxa ay ku taliyeen in lagu daro buugaagta waxbarashada ee dalka si ubadku ay wax uga ogaadaan taariikhihii hore ee dalka balse weli ma aysan suura gelin oo waan ku tala jiraa” ayey tiri wasiir Cureeji.

Markii ay is khilaafeen ayada iyo Siyaad Barre, maxayse ku hilmaami doonin Cabdirashiid Cali Sharma'arke

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Faadumo Axmed Caali (Cureeji) waxa ay sheegtay in dhammaan madaxdii dalka soo maray, laga soo bilaabo Aadan Cadde ilaa Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad ku soo noqday ay wada taageersaneyd oo ay mar waliba dooneysay dal iyo dad mideysan, hase yeeshee hoggaamiyihii ay ku aragto wax dhaliil ah ay si toos ah ugu sheegto.

Waxa ay waqtigeedii la soo shaqeysay madaxweyneyaal ay ka mid yihiin Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay labaduba sheegtay in ay ku leeyihiin taariikho aysan hilmaami doonin.

“Haweenku in ay gaaraan darajada la yiraahdo ‘A’ ee shaqada waxaa i gaarsiiyay madaxweyne Cabdirashiid, mar ayaa hoos la’ii dhigay waan u dacwooday aniga oo wata shahaadadeydii, wuu ii hiilliyay, waxaana uu amray in rag iyo dumarba shaqada loo siman yahay marba hadii shahaado sare la haysto”.

Sidoo kale waxa ay xustay Cureeji xilli ay is khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Waxa ay sheegtay in uu ahaa nin aad u taageera dumarka isla markaana jecel horumarkooda, balse ay ka war heshay maalin uu si deg deg ah ugu yeeray.

“Waxaa jiray urur haween oo aan guddoomiye ka ahaa kana mid ahaa aas aasayaashiisa, mar ayaa la’ is qabtay oo la go’aansaday in qayb naga mida ururka laga saaro, Maxamed Siyaad xilligaas ayuu maqlay arrinta ka dhex taagan ururka, wuu ii yeeray waxaana uu igu yiri ‘Waan kaa xishooneynaa ee naga xishoo’ isaga oo kala jeeda kala qaybinta haweenka joojiya”.

Wasiir Faadumo Axmed Caalin hadda weli waa qurba joog, hase yeeshee ma dhamaanin hammigeedii hoggaamineed, waxana ayna qorsheyneysaa in ay dalka dib ugu noqoto wallow ay marar kala duwan tagtay.

Waxa ay ka mid ahayd guddi uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay dib u heshiisiinta beelaha Galmudug xilligaas oo la soo dhisay maamulka uu hadda madaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).