Faahfaahin ku saabsan dil degmada Caabudwaaq loogu gaystay haweeneey ganacsato ah

Xigashada Sawirka, Handout/Siciid
Magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu aasay Foos Aadan Nuur oo xalay ay halkaas ku dileen dabley hubaysan .
Foos oo 54 jir ahayd ayaa magaalada ka ahayd haweenay ganacsato ah oo si fiican looga yaqaan magaalada.
Haweeneyda, ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ilaa iyo hadda, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dilka kadib sida uu BBC-da u sheegay taliyaha ciidanka booliska degmada Caabduwaaq Bilaal Xassan Cali.
“Dhacdadii foosha xumeeyd ee xalay ka dhacday magaaladda Caabduwaaq waxaa ay ahyed mid ku cusub Caabduwaaq iyo deegaanada ku xeeran,waxaa ay qalqal galisay shacabka iyo amniga magaaladda” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska degmada Caabduwaaq Bilaal Xassan Cali.
Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ubax ee degmadaasi, waxaana uu sheegay taliyuhu in xilliga la dilayay marxuumadda ay kusii jeedday gurigeeda oo aan sidaa uga fogayna halka lagu dilay.
inkasta oo Magaalada Caabduwaaq ay ka dhacaan dilal la xariira aano qabiil, haddana waxa ay dhacdadani noqonaysa mid ku cusub magalaada.
Sidee dilka u dhacay

Xigashada Sawirka, Handout/Siciid
Siciid Farxaan Cartan oo ay dhashay marxuumad Foos Aadan Nuur lana socday markii la dilayay ayaa BBC-da u sheegay in dableyda dishay hooyaddi ay u galeen meel u dhaw gurigooda oo ay rasaas kala dhaceen qaybaha sare jirka.
“Aniga iyo hooyo magaalada ayaan iska soo raacnay, labo meel ayaan ka kala shaqeynaa marka waa kasoo hormaray xoogga, inta isoo wacday ayay tiri I suga waan baqayaaye hooyo” ayuu BBC-da u sheegay Siciid Farxaan Cartan oo ay marxuumadda dhashhay .
“Markii aan muddo soconnay oo aan marayno meel mugdi ah ayay nimanku naga hor yimaadeen, aniga ayaa toosh ku ifiyay markaas ayay rasaas nagu fureen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .
Waxaa uu tilmaamay in uusan garayn ilaa iyo hadda sababta kooxda ay hooyadiisa u dileen.
“Hadii ay yihiin dadka hooyaday dilay tuugo taleefoonkii ayay qaadan lahyeen, marka ma garanayo sababta ay u dileen iyo wax ay ahaayeen ” ayuu yiri Siciid Farxaan Cartan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliyaha ciidanka booliska degmada Caabduwaaq Bilaal Xassan Cali ayaa sheegay in dilka kadib ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ay gaareen goobta isla markaan ay sameeyeen baritaan hordhac ah.
“ Markii uu dilka dhacay waxaan tagnay goobtii dilku ka dhacay, baritaan ayaan sameynay, waxaan halkaasi ka helnay kabo iyo cimaamad laga cararay” ayuu yiri taliye Bilaal oo BBC-da la hadlay.
Dhawr qof ayuu sheegay in ilaa iyo hadda dhacdadaan loo soo qabtay, ayna wadaan baritaan, kaas oo marka ay soo gabgabeeyaan bulshada lala wadaagi doono.
Waxaa uu sheegay in ay rumeeysan yihiin in kooxda dilka gaystay ay aahayeen burcad reer miyi ah, kuwaas oo rabay in ay dhacaan Mobeylka ay wadatay.
“Dadka falkaan gaystay waxaa aan rumeysanahay in ay yihiin burcad reer miyi ah oo rabay in taleefoonka ay ka qataan marxuumadda , balse aan aqoon sida wax loo dhaco”.
Dadka ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa maanta si weyn u hadal haya dhacdadaan ay kooxaha hubeysan xalay ku dileen haweeneeydaan lagu magacaabo Foos Aadan Nuur oo si weyn looga garanaayay Caabudwaaq.
Caabudwaaq ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan, kuwaas oo inta badan salka ku haya dhacdooyin aano qabiil ah oo ka jira halkaasi si la mid ah deegaanada kale e Soomaalida.
Dilka haweeneydan ayaa kusoo aadayo, xilli magaalooyin kale oo ku yaalla dalka lagu dilay dumar Soomaaliyeed, falkan soo badanayey toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa walaac guud ku abuuray bulshada Soomaalida oo dhaqan ahaan aan dumarka si gaar ah loo bartilmaameedsan.















