Sida loo soo qabtay ninka ku eedeysan in uu xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
- Author, Jamal Ahamed Abdurahman
- Role, Digital content Producer, Nairobi
Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa gacanta waxaa lagu soo dhigay isagoo dhuumaaleysanaya.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Doodishe oo BBC la hadlay ayaa yiri "Sayid Cali ayaa cadaaladda ka baxsaday oo ehelkiisa dad ka mid ah ay u fududeeyeen in uu cadaaladda ka baxsado. Hogaanka baarista dambiyadda ee CID iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed oo in dhawaale isha ku hayay oo ku howlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Cadaadley ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan".
Taliyaha ayaa faafaahiyay sida ay ugu suuragashay inay ninkan gacanta ugu soo dhigaan iyagoo sheegay inay qabteen labo nin oo ninkan ka caawineysay dhaawac ka soo gaaray dabka uu ku eedeysan yahay in uu xaaskiisa ku gubay, sidaasina ay ugu suuragashay inay eedeysane Sayid cali gacanta booliska ku soo dhigaan.
"Labo eedeysane oo ninkaas gacanta ku hayay oo gargaarayay bacdamaa uu dab ka soo gaaray gacanta maalintii uu marwadiisa gubayay, ayaa u doonay adeeg caafimaad, waxayna aadeen deegaanka Gawaan oo hoostaaga degmada Wisil. Ciidamadu ammaanka ayaa ka war helay. Gacanta ayaa lagu dhigay labadii eedeysane, dabadeedna waxaa fududaatay eedeysanihii bartii uu ku dhuumaaleysanayay in loogu tago." ayuu yiri Gaashaanle Saadaq.
Booliska ayaa sheegay in ninkan eedeysanaha ah sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo hadda ku xiran mid kamid ah saldhigyada booliska ee Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sidoo kale BBC u sheegay in meesha eedeysane Sayid Cali laga soo qabtay ay aheyd meel furin ah oo uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabaab, taasina ay keentay in ciidamada iyo Booliska Galmudug ay iska kaashadaan soo qabashada eedeysanaha.
Xaaskii ninkaan la soo qabtay ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dabka, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska.
Raggaas ayaa ala filayaa in dhawaan sharciga la hor keeno.

Xigashada Sawirka, GOLAHA SHACABKA BJFS
Sidee looga falceliyay dhacdada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhacdadan ayaa hadal hayn weyn ka abuurtay gudaha Muqdisho, iyadoo gaaratay heer baarlamanka uga doodaan gudaha baarlamaanka xildhibaanada qaar. Intooda badan ayaa waxay markaas dalbadeen in si deg dega loo soo qabto ninkan hadda la soo qabtay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo horay uga hadlay ka hadlay falkaan ayaa yiri"geerideeda waxay ka nixisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waa wax laga naxo oo ka baxsan bani'aadannimada in ninkeedii uu gubay" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Haweenka ku jira golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya oo qaarkood warbaahinta kula hadlay banaanka barlamaanka xiliga ay dhacda soo shaac baxday ayaa maarkas ka dalbaday haya’addaha ammaanka in la soo qabto cadaaladana la geeyo shaqsiga lagu tuhmayo falkaan.
Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhacdada ku tilmaamay "mid bahalnima ah" oo shacabka Soomaaliyeed ku riday argagax.
"naad dab qabadsiiso xaaskaada oo xaamilo ah oo shan caruur oo agoon ah u xoojisa waa faldanbi ka baxsan xayndaabka bani’aadannimada," ayuu ku qoray bogiisa Facebook.

Xigashada Sawirka, Booliska Soomaaliya
"Ehelka Haweeneyda la gubay"
Qaar ka mida ehelka marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo dhowr jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa dalbaday cadaalad iyo in la soo qabto ninka ku eedeysan gubida xaaskiisa oo geeriyootay.
Waxay xiligaas sheegeen in aysan aasi doonin meydka gabadhooda inta ay ka helayaan cadaalad.
Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.
Falkan oo dad badani ku tilmaameen mid aragagax leh ayaa wali si weyn Soomaalidu ugu hadlayaan Baraha Bulshada.













