Nin xaaskiisa oo uur lahayd "gowracay"

Xigashada Sawirka, Facebook
- Author, Abdi abdullahi Muhumed
- Role, Wariye
Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa xalay ka dhacay dhacdo argagax leh ka dib markii nin uu mindi "ku gowracay xaaskiisa".
Allah u raxmadee gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Foos Maxfuud Maxamed xaaji, waxaana ay ahayd hooyo leh saddex carruur ah halka mid afraadna ay caloosha ku sidday sida BBC-da uu u shegay aabaha dhalay gabadhaas.
Sida uu BBC-da u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cusmaan falkan ayaa shalay maqribkii ka dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi.
Guddoomiye Maxamed Xaaji Cusmaan waxaa uu sheegay in ninkan uu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, "isaga oo gowracay ka dibna jarjaray".
“Ilaa iyo hadda ma garan karno sababta uu ninkan u dilay xaaskiisa oo saddex carruur ah u dhashay” ayuu yir Maxamed Xaaji Cusmaan gudoomiyaha degmada Qoryooley.
“Dilalka aragagaxa leh waxa ku kalifay ma garan karno in uu darooga cunay, iyo in uu maseyr dartiis u sameeyay, laakin marka aan baaritaanka dhameeyno ayaan soo saari doonnaa xog dhamaystiran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Laamaha amaanka degmada ayuu tilmaamay in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha oo isku dayay inuu goobta ka baxsado kadib markii uu dilka gaystay.
“Tooreey ayuu uga dhuftay saddex meelood gabadha, isbitaal ayaa loola cararay, balse dhex ayay ku geeriyootay” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Qoryooley.
Saraakiisha ammaanka ee degmada ayuu sheegay in ay hadda baaritaan dheeri ah ay ku wadaan eedeysanaha, 24-ka saaca ee socdana ay u gudbin doonan ha’yadda garsoorka.
“Marka aan baaritaanka sameeyno waxaan u gudbin doonnaa ha’yadaha garsoorka iyo cadaaladda ayaga ayaa go,aan ka gaari doona” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Cusmaan.

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxfuud Maxamed xaaji oo ah aabaha dhalay gabdha la dilay oo BBC-da u warramay xilli uu safar u sii ahaa halka dhacdada argagax leh ay ka dhacday ayaa sheegay in dilka gabdhiisa uu maqlay shalay maqribkii, balse uusan rumeysan ilaa uu xalay ku arkay baraha bulshada.
Aabaha oo ku nool tuulo aan sidaan uga fogayna Degmada Qoryooley oo ah halka gabdha lagu dilay ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan garanayn sababta uu ninkaan gabadha u dilay, balse waxaa uu xaqiijiyey in mar uu soo kala dhex galay khilaaf balse uu xaliyay.
“Dad badan ayaa shalay maqribkii i soo wacay oo geerida gabadha ii sheegay aniga oo shaqo ku jira balse ma rumeeysan, ilaa xalay aan ka arkay baraha bulshada ay ku xariirto” ayuu yiri Maxfuud Maxamed xaaji oo aad uga murugaysan dilka gabdhiisa .
“ Ma garan karo sababta uu u dilay laakin horey khilaaf yar ayaa uga dhaxeeyay, balse aniga ayaa dhameeyay, ayaga oo heshiisa ah ayaana iigu danbeeysay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .
In uusan arkin gabadhiisa aaskeedana uu ka baqayo in uu ka gaari waayo ayuu sheegay Maxfuud Maxamed Xaaji in ay tahay mid uu si gaar ah ugu Welwelayo maadaama xilliga uu BBC la hadlayey uu safar u sii ahaa halka lagu aasayo gabadhiisa .
Waxaa uu sheegay in Foos Maxfuud Maxamed xaaji ahayd gabar yar oo 22 sano jir ah, muddo todobo sano ahna ay is qabeen ninka hadda dilay.
Eedeysanaha dilay gabadhaas oo lagu magacaabo Saleeman xaaji Cabdi ayaa hadda, sida maamulku sheegay, ku jira gacanta laamaha amaanka, waxaana aabaha gabadha dhalay uu dalbay in cadaalad uu u helo gabadhiisa.
“Sharciga waxa uu i siinayo ayaan codsanayaa oo kaliya, wax kale ma rabo, dadka ehel iyo qaraabo ayaan nahay “ ayuu BBC-da u sheegay.
Dilkaan naxdinta leh ee ka dhacay degmada Qoryooleey ayaa ku soo beegmaya, iyadoo si weyn loo hadal hayo geerida hooyo korsaneysay lix carruur ah oo agoon ah, taasoo Shalay Muqdisho ugu geeriyootay dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray maalmo ka hor dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay, kaasoo aan weli gacanta lagu soo dhigin.
Masuuliyiin iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa codsay in qoyska hooyadaas oo xaamilo ahayd ay cadaalad helaan, gacantana lagu soo dhigo eedeysanaha.













