Kumuu ahaa sarkaalkii sirdoonka ahaa ee noqday madaxweynaha Galmudug

MAXAMED AXMED CAALIN

Xigashada Sawirka, MUQDISHO TIMES

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Maxamed Axmed Caalin

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku geeriyooday habeenimadii salaasada cisbitaal ku yaal magaalada London.

Madaxweyne Caalin wuxuu ka mid ahaa madaxdii mudada dheer ka shaqaynayey sidii Soomaaliya looga saari lahaa hanaankii KMG ahaa kaas oo ay ku xirnayd in madaxda hogaaminaysay dalka waqtigaasi wadar ogol ku gaaraan heshiisyo masiiri ah oo ugu horeeyey dastuurka iyo hanaanka doorashooyinkii xiligaasi oo shirarka lagaga arinsanayey ay ka dhaceen magaalada Garoowe kuwaas oo loo bixiyey shirarkii Garoowe -1 iyo Garoowe-2.

Alah u raxmadee wuxuu mudo dheer ku noq noqday Garoowe oo ka socday shirarkii lagaga arinsanayey heshiisyadii dalka lagu gaarsiinayey dowlad dhamasytiran.

Caalin waxaa lagu xasuustaa inuu door odaynimo iyo tanaasulaad sal u noqday in la gaaro hadafyadaasi ku lahaa shirarkaas isagoo kaalin isku soo dhaweyn ah ka ciyaaray dhowr jeer oo ay Madaxdii dowladii kumeel gaarka iyo saamilaydii kale is qoomeen.

Madaxweyne Caalin ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii heshiiskii masiiriga ahaa ee 2012-kii lagu gaaray shirkii Garoowe-2 oo kaas oo dalku kaga baxay hubanti la,aantii mudada dheerayd laguna heshiiyey waqtiga doorashada iyo meelmarinta dastuurka qaybada ee Soomaaliya.

Doorkiisii Aasaaskii Galmudug

GALMUDUG

Xigashada Sawirka, WIKIPEDIA

Qoraalka sawirka, Galmudug

Maxamed Axmed Caalin wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii maamul goboleedka Galmudug sanadkii 2006-dii lagu yagleelay koonfurta magaalada Gaalkacyo isagoo ka mid ahaa odayaashii doorka weyn ka qaatay.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Caalin wuxuu xukunka qabtay 14 Agoosto 2009-kii isagoo hayey ilaa bilowgii Agoosto 2012-kii.

Wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Galmudug isagoo kaalin muuqtaa ku lahaa doorkii dibu dhiska maamulkaas iyo in Galmudug hesho aqoonsiga wada shaqayneed ee dowladii kumeel gaarka ahayd.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Alaha u naxariistee Caalin wuxuu sanadkii ugu danbeeyey ahaa bukaan socod hase ahaatee bishii ugu danbaysay ayuu haleelay xanuunka faaligga kaas oo ka dhigay qof sariir saaran.

Bishii October 20-kedii 1951 ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisii hoose dhexe wxuu ku qaatay Muqdisho, dugsigii sarana wuxuu kaga baxay magaalada Baydhabo.

Wuxuu ka mid ahaa saarakiishii waxbarashada u aaday dalka Talyaaniga.Ciidamadii xooga ayuu ku biiray isagoo ka gaaray darajada col .

Marxuunka ayaa noqday taliye xigeenka nabad sugida qaranka ee gobolka Mudug ka dibna noqday taliyaha nabad sugida ee gobolkaasi.

Madaxweyne Caalin wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qab galay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethopia isagoo ahaa Sarkaalka dhanka nabad sugida u qaabilsanaa dagaladaas.

Taliyaashii ciidamada ee ugu sareeyey gobolada waqooyi ayuu ka mid ahaa alaha u raxmadee Col.Maxamed Axmed Caalim markii danbana wuxuu u noqday u qaabilsanaha qaybta Socdaalka ee safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Buburkii dowladii dhaxe ee Soomaaliya Marxuunku waxaa ka mid ahaa dadkii qurbaha aaday isagoo ku noolaa dalka Ingriiska.

Shaqsiyadiisii iyo dad la dhaqankiisii

Dadka la soo shaqeeyey ayaa ku tilmaama Caalin inuu shaqsi dabeecad dad wad leh lahaa oo an jeclayn khilaafka iyo kala taga.

Caydiid Maxamed Colow oo mudo ka badan toban sano la soo shaqeeyey Madaxweyne Maxamed Ahmed Caalin, la taliyena u soo noqday ayaa BBC-da u sheegay inuu ahaa shaqasi dabeecad wanaag iyo dhibrin ku suntanaa.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inuu ahaa shaqsi afgaaban oo dadka ixtiraama, aadna u sadaqa badnaa aadna u cibaado badnaa.

Madax kala duwan oo soo maamulay dalka ayaa ka tacsiyey geerida Marxuuunka oo ku sifeeyeyinuu kaalin weyn ku lahaa dib u dhiska dalka iyo xaalada Soomaaliya laga soo saaray marxalado adkaa.

Alaha u naxariistee Madaxweyne Caalin ayaa xilka Galmudug kala wareegay Madaxweyne Maxamed Warsame Cali "Kiimiko" oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug, kaas oo isna geeriyooday 06-May- 2019.