'Ganacsigii waa xiran yahay iskuulana ma aadi karno inta ninkaasi banaanka joogo'

Xigashada Sawirka, AP
- Author, Jamal Ahmed Abdurahman
- Role, Digital Producer
Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toogasho uu nin hubeysan ka gaystay Magaalada Lewiston ee Gobolka Maine ee dalka Mareykanka.
Taliska Booliska Qaybta Gobolka Maine ayaa sheegay in toogashada oo ka dhacday dhowr goobood ay sidoo kale ku dhaawacmeen 13 qof.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu weli baxsad yahay.
Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dadka degan gobolka, gaar ahaan Magaalooyinka Lewiston iyo Lisbon looga baahan yahay in ay guryahooda joogaan, albaabadana ay soo xirtaan.
Hay’adda Fulinta Sharciga ayaa ku warameysa in ciidamada ammaanka ay ku daba joogaan dembiilaha.
Booliska ayaa mar dambe sheegay in ninka toogasho wadareedka geystay uu yahay Robert Card, kaas oo ku hubeysan qori nooca daran-dooriga u dhaca.
Booliska ayaa sheegay in Robert Card uu yahay nin si wanaagsan hubka u yaqaana, horeyna uu u soo maray tababar boolis.
Sida ay dareemeen Soomaalida ku nool halka ay toogasho wadareedka ka dhacday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fatima Maxmed Xasan oo madax ka ah Urur Arimaha Socdaalka iyo Qoxootiga ka Shaqeeya oo ku nool gobolkaas oo BBC Somali la hadashay ayaa sheegtay in hadda magaalooyinka Lewiston iyo Auburn lagu soo rogay xayiraado, taa oo ka dhigan inaysan shaqo iyo waxbarasho aadi karin dadka halkaa ku nool.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iskuulada iyo sidoo kale badi meheradaha maxalliga ah ayaa xirnaan doona Jimcaha iyadoo magaalada Lewiston ay wali ku sii jirto xannibaadda.
Fatima oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in iyada iyo dadkii kale ee halkaa ka ag dhawaa ay dareemeen argagax iyo cabsi, maadamaa xiligaas u ahaa xilli mashquul badan oo dadweynahu shaqoyinka ka soo laabanayeen.
“Wiil aan dhalay waxa uu dhigtaa jaamaacadaBates, Maraan ku celiyay Bates , oo aan soo hoyanayo, baa waxaan arkay gawaari badan oo boolis ah oo isoo abaartay," ayay tiri Fatima oo ka sheekeyneysay sida wax u dhaceen.
"Waan yara shakiyay oo waxaan is iri emergency ama dab baa dhacay. Guriga marka aan saa u tagayba buuqii baan dareenay, markaa ninka booliska Cheifka ka ah [ninka madax ka ah booliska magaalada] ayaan la hadlay oo wuxuu igu yiri 'Wakhti mahayo hal minute bas baan hayaa, waa in dukaamada Soomaalida dhan la wado xiro oo dadka meesha aad ka soo saartaan'. Soomaalida ganacsi badan ayay magaalada kuleeyihiin,marka argagax badan ayaan dareenay”.
Fatima ayaa sidoo kale BBC u sheegtay in maadaama ay magaalada Soomaali badan ku nool yihiin uu welwelkeedu ahaa in qofka dhibaatada sameynayo uusan Somaali noqon.
Goobta uu tuhumanaha marka hore ka gesytay toogasho wadareedka iyo dukaamada Soomaalida ayaa aad isugu dhaw sida ay noo sheegtay Fatima.
Waa side maanta xaaladda magaalooyinka ay wax ka dhaceen?

Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyaha bilayska Lewiston, David St Pierre oo maanta warbahinta shir jaraa'id ku la hadlay aaa waxa uu carrabka ku adkeeyay dadaalka saraakiisha Booliska ee Maine iyo "ciidamada qaranka" ay sameeyeen, iyadoo saraakiishu ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa ninka hubeysan.
Dhammaan ganacsiyada magaalooyinka looga shakisan yahay in uu tuhumanaha khatar ku yahay ayaa xayiraad saarantahay ganacsiyo badan oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida ayaa weli Xiran.
St Pierre wuxuu yiri: "Awood aad u badan oo sharci fulinta ah, waqti iyo dadaal ayaa lagu bixinayaa saacad walba", isagoo ka codsaday bulshada inay dulqaad muujiyaan inta ay socoto howsha.
Guddoomiyaha Badbaadada Dadweynaha ee Maine Sauschuck waxa uu sheegay in xayiiradaha ah in guriga lagu jiro ee jiray ilaa Khamiistii ay sii jiri doonaan iyada oo aan si cad loo ogayn goorta ay dhamaanayaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Waxa muhiimka noo ah waa badbaadada bulshadeena, iyo badqabka dadka deegaanka," ayuu raaciyay.
Magaalooyinka ay hadda xayiraadaha saaranyihiin ayaa waxaa kamid ah: Lisbon, Lewiston, Auburn iyo Bowdoin; Dhammaan meelaha lagu arkay "dhaqdhaqaaq " tuhmanaha.
Ugu dambeyntii, Sauschuck ayaa xiqiijiyay in siddeed ka mid ah 18 dhibbanayaasha ah ee lagu dilay toogasho wadareedka la aqoonsaday.
Baabur ninkan lala xiriiriyay ayaa laga helay goob cidlo ah oo doonyaha la dhigo oo ku taalla magaalada Lisbon.
Guddoomiyaha Badbaadada Dadweynaha ee Maine, Mike Sauschuck ayaa u sheegay warfidiyeenka in "dhaqdhaqaaq badan" oo laamaha ammaaanka ah lagu arki doono Wabiga Androscoggin oo u dhow meel ay ku xirtaan doomaha, halkaas oo uu yaallo gaariga laga shakisan yahay.













