Faahfaahin ka soo baxaysa toogasho ka dhacday Mareykanka

Ninka looga shakiyay weerarka

Xigashada Sawirka, ILLINOIS GOVERNMENT HANDOUT VIA REUTERS

Booliska Mareykanka ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu dilay lix qof xilli uu socday dabbaaldegga maalinta madaxbannaanida Mareykanka ee 4-ta bisha Luulyo.

Booliska ayaa sheegay in Robert E Crimo III, oo 22 jir ah la xiray wax yar kaddib markii uu falku dhacay .

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Highland Park, kaddib markii ninka hubeysan uu u isticmaalay qori awood badan si uu u beegsado dad saarnaa qaybta sare ee dabaq ku yaalla goobta ay wax ka dhaceen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbad uu ka jeediyay bannaanka Aqalka Cad kaddib toogashada ku sheegay in Afarta JulayLuulyo ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah. Wuxuu yiri, “Waan ogahay in falkaan uu abuuri karo walaac, laakiin waan ka gudbi doonnaa dhammaan,”.

"Ka hor inta aan Yurub u bixin waxaan saxiixay sharcigii ugu horreeyay oo muddo 30 sano ah si dhab ah wax uga qabanaya hubka, dhamaantiin waad maqasheen waxa maanta dhacay. Maalin kasta waxaa nala xasuusiyaa sida ay waajib noogu tahay inaan difaacno oo aan u dagaallanno dimuquraadiyadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Halka weerarku ka dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Robert E Crimo ayay boolisku eryadeen oo ugu dambeyn ay qabteen. Xiristiisa kaddib wuxuu boolisku shaaciyay inuu mas’uul ka ahaa toogashada dhacday.

Ninkan hubeysan ayaa rasaas ku furay halka ay ka socotay xafladda dabbaaldegga. Waxaa la filayay inay xafladdu noqoto mid ka mid ah maalmaha ugu farxadda badan sanadka, balse waxay isku beddeshay argagax iyo kala carar.

Eedaysanaha ayaa la rumaysan yahay inuu ka soo toogtay dadka saqafka sare ee dukaan u dhow halka uu dabbaaldaggu ka dhacayay, iyadoo boolisku ay sheegeen inay halkaa ka heleen waxyaabo caddeynaya arrintaa.

Dadka dhintay shan qof oo ka tirsanaa waxay ahaayeen dad waaweyn iyadoo qofka kalena la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaal ku dhow goobta ay wax ka dhacen.

Booliska ayaa xiray ninka la tuhmayo

Xigashada Sawirka, WLS-TV/ABC7

"Waxaan u tagnay inaan helno maalin wanaagsan kaddibna si lama-filaan ah ayay rasaastan oo dhan u dhacday," ayuu yiri Anand P, oo halkaas ku sugnaa intii ay socotay xafladdu.

Wuxuu intaa ku daray "Waqtigaas shaqsi ahaan waxaan rabay inaan rumaysto inuu ahaa baabuur waxa qarxay. Kaddibna dadku waxay billaabeen inay ordaan - markaa waxaan billownay orod."

Weerarkaan ayaa noqonaya toogashadii ugu dambeysay ee ka dhacda Mareykanka, iyadoo tirakoob la sameeyay uu tilmaamayo inay jirto hal dhacdo toddobaadkiiba sanadka 2022-ka.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay bil un kaddib toogashooyin dhimasho sababay oo ka dhacay Ovaldi, Texas, Buffalo iyo New York, iyo toddobaad kaddib markii Congress-ka Mareykanka uu meel mariyay sharci labo-geesood ah oo ku saabsan xakameynta hubka ee Mareykanka.