Toogasho wadareedyada ka dhaca Mareykanka oo aad usii kordhay

Xigashada Sawirka, Reuters
Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Deg-dega ah.
Boqolaal qof ayaa laga daad gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen, sida goob joogayaal ay sheegeen kadib markii si aan kala sooc lahayn nin uu u rasaaseeyay dad dukaameysanayay.
Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa ayna rumeysan yihiin in uu kaligiis falka geystay.
Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa isbitaallada, kuwaas oo saddex ka mid ah ay dhaawacyo halis ah soo gareen.
Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen goobta halka labada kalana ay ku geeriyoodeen isbitaalka markii loola cararay kadib.
Dhibanayaasha da'doodu waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 51, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.
Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la soo koobi karin waxa uuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay inuu wax kasta oo caawimaad ah u fidiyo dad uu weerarku saameeyay.
Booliska Mareykanka ayaa ka codsaday dadweynihii muuqaallada duubay ee goobta ku sugnaa inay la xiriiraan FBI-da, maadaama ay uruurinayaan caddeymaha.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa ku tilmaamay ninka hubeysan inuu xirnaa dhammaan dhar madow ah isla markaana uu watay qalabka dagaalka.
"Waxaan maqlay in ku dhow 10 xabbadood, ka dib toban ilaa shan iyo toban xabbadood oo kale hadana, waxaan aragnay ninkan oo ku labisan dhar madow, iyo isagoo dadka tooganaya," ayuu yiri mid ka mid ah goob joogayaasha, isagoo raaciyay "markaa kadibna waxaan galnay dukaanka gadaashiisa".

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad u ordayay meel gees ah oo baabuurta la dhigto iyadoo rasaas is daba joog ah ay dhacaysay.
Suuqa Allen waxa uu 20 mayl (32km) waqooyi ka xigaa bartamaha Dallas.
Inta badan dadka qaangaarka ah ee da'doodu tahay 21 ama ka weyn isla gudaha Texas waa loo oggol yahay inay qaataan bastoolad diiwaan gelin la'aan, haddii aysan gelin dambiyo hore.
waxaa Intaa dheer, in ay jirto xaddidaadyo aan badneyn oo ku saabsan haysashada qoryaha iyo iyo qaar kamida hubka fudud.
Dalka Mareykanka ilaa iyo hadda sanadkan gudihiisa waxaa ka dhacay ugu yaraan 198 toogasho wadareed oo afar ama in ka badan lagu dilay ama lagu dhaawacay, sida uu qabo Kaydka Rabshadaha.
Taasi waa tii ugu badnayd ee xilligan la joogo marka loo eego illaa sanadkii 2016-kii.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha ku sugan suuqaas oo lagu magacaabo Fontayne Payton, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta inkastoo dhagaha ay ugu jireen kuwa wax lagu dhageysto.
Markii dadka loo oggolaaday inay ka baxaan suuqa, wuxuu ka sheekeeyay meydadka bannaanka lagu arkay.
"Waxaan ku duceysanayay in aanay carruur ahayn, laakiin waxa ay u muuqdeen in ay carruur ku jireen," ayuu yiri. "waan ka naxay markii aan soo baxay oo aan arkayo."
Duqa magaalada Allen Ken Fulk ayaa ku tilmaamay "maalin naxdin leh" oo ay u tahay magaalada. "Allen waa magaalo lagu faano oo ammaan ah, taasoo ka dhigaysa fal-dambiyeedka micnaha la'aanta ah ee maanta mid aad u naxdin badan," ayuu ku yiri warbaahinta magaalada. "Si kastaba ha ahaatee, waxaan rabaa in aan ku ammaano booliiska iyo waaxyaha dab-damiska sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen.
Horaantii todobaadkan booliiska Texas ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay shan qof oo deris ah, oo uu ku jiro wiil sagaal jir ah.
Francisco Oropesa ayaa la helay isagoo ku dhex dhuumanaya armaajo kadib afar maalmood oo baadi goob kiisa lagu jiray.











