Maxay yihiin ciidamada cusub ee amniga Muqdisho sugaya?

Ciidamada Cusub

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho la keenay ciidamo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tababar ugu soo xiray dalka Uganda, kuwaas oo qayb ka noqonaya cutubyada qaybaha kala duwan ee sugaya ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Isla markii la keenayba waxaa baraha bulshada qabsaday hadal haynta ciidamadan cusub, iyada oo siyaabo kala duwan dadku uga hadlayeen.

Hase ahaatee su’aasha ugu weyn waxay ahayd, waxa ay yihiin ciidamadani iyo waxa ay uga duwan yihiin noocyada ciidamada Soomaaliya ee la yiqiin sida kuwa booliska iyo Milatariga.

Maxay Yihiin Ciidamadani?

Xasan Sh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u Khudbeynaya ciidamada mar uu xaruntoodu ku booqday

Su’aashan iyo kuwa kale oo ku saabsan askartan waxaa ka jawaabaya Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jenaraal Cabdullahi Cali Caanood oo BBC-da uga warramay arrimahan.

Jeneraalku wuxuu ciidamadan ku tilmaamay kuwo gaar ah ama hawl gaar ah qabanaya, balse haddii aad maqashay magacyada sida, Danab, Gaashaan, Gorgor iyo Haramcad dhammaan waa ciidamo gaar ah ama si gaar ah u taba baran, waxaana tababara dawlado kala duwan meelo kala duwanna waa lagu tababaraa, aalaana waxaa ka caawiya dawladda Soomaaliya carbinta iyo qalabeynta ciidamadan dawladaha ay saaxiibbaha yihiin.

“Ciidankani wuxuu ka mid yahay ciidamada xoogga Soomaaliyeed, tababar buuna ku soo qaatay dalka Uganda, waxaana loo diyaariyey fulinta waajibaad gaar ah” ayuu yiri Afhayeen Caanood.

Inkasta oo aanay lahayn magac u gaar ah ciidamadani sida Danab iyo kuwa kale, sida uu sheegay Afhayeen Cabdullahi Cali caanood, ciidamada noocan ah waxaa loo yaqaan ‘Bolisia Militaare’, waxa uuna ku sheegay in ay qaab ahaan yihiin ciidammo milatari ah balse haysta layli dheeraad ah maadaama ay leeyihiin “shaqo ka duwan” tan milatariga caadiga ahi qabto, waxayna u shaqeynayaan “sida booliska”.

Afhayeen Cabdullaahi ayaa ka gaabsaday in uu nala wadaago tirada guud ee ciidamadani inta ay la egtahay balse waxuu sheegay in ay jiraan kuwa kale oo dawladda tababarro ugu maqan meelo kale. Waxa uu sidoo kale ka gaabsaday in uu nala wadaago cidda maal gelisay ciidamadan balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkan mar uu ka hadalyey xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka sheegay in “ciidamadan la amaanayey maanta oo dhan ayadaa noo dhistay noona qalabeysay, hubka ay wataan iyo gaadiidka dowladda Imaaraatka Carabta ayaa na siisay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Maxay qabtaan? Xagay ka hawlgalaan?

Gaadiidka Ciidanka

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Gaadiika ay ku qalabeysan yihiin ciidamadani ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in ay Imaaraatku bixiyeen
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida aan kor ku soo xusnay, inkasta oo ay ciidamadani yihiin kuwa milatari ah, lana siiyo tababar la mid ah kan ciidamada dhulka, waxay leeyihiin tababar kale oo la mid ah kan la siiyo booliska, saas darteed waxay ka hawlgali karaan gudaha iyo agagaarka caasimadaha, sida uu Afhayeenku sheegayna, waxay fulinayaan “amarkii madaxweynaha” ee ahaa in aan la arkin ciidamo hub ku dhex sita caasimadda iyo “baabuurta dagaalka” ee hubku saaran yahay, “waxaa lagu xiray gobolka Benaadir jidadkiisa, markasta cadowgu inuusan iska soo gelin, in ay xakameeyaan ciidamada iyo gaadiidkooda soo galaya magaala madaxda” ayuu yiri Afhayeen Cabdullaahi Cali Caanood oo sharraxayey shaqada ay qabanayaan ciidankani.

Waxaa sidoo kale ka mid ah shaqada ciidankan, “inay qabtaan askarta hubka iyo tuutaha ku dhex wata magaalada dhexdeeda, xerooyinkoodana lagu celiyo oo sharciga ciidamada la marsiiyo” ayuu sii raaciyey Afhayeenku.

Si guud Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidankan ay ilaalinayaan “anshaxa ciidanka sida aan fiicnayn u socda magaalada” si ay u “kala hubiyaan” in ciidamada soo galaya magaalada ay yihiin cadawga oo uu sheegay Afhayeenku inay gawaadhidooda rinjiga ciidanka ku buufsadaan mararka qaar iyo in kale.

Waxa uu Afhayeen Caanood sheegay in ciidamadan la geeyay dugsiga Hiil-weyne ka dib markii ay ka yimaadeen dalka Uganda, “dugsiga Hiilweynaa la geeyay, siminaar baana lagu siiyey muddo kooban oo soddon cisho ah,” ayuu Afhayeenku sii raaciyey hadalkiisa.

Sida uu sheegay Afhayeenku, waxa ay sidoo kale gacan ka siinayaan ciidamada nabadgelyada, la dagaalanka ciyaal weerada,”haddii gurmad ay uga baahdaan ciidamada booliska iyo nabad-sugidduna inay siiyaan”.

Mar aan weydiinay Afhayeenka, sida noocyada ciidamada faraha badan ee ka hawlgala caasimadda gudaheeda loo kala soocayo shaqooyinkooda wuxuu ku jawaabay, “shaqooyinku way kala soocan yihiin, ciidankani waxay leeyihiin baabuur gaar ah oo ay ku buufsan tahay ‘Military Police’, magaalada gudaheedana kama shaqaynayaan. Unugyo yar yar baa ka shaqeynaya oo ilaalinaya baabuurta waaweyn ee ciidamada ee magaalada dhex mareysa, carruurta iyo haweenka iyo shacabka iyagu shuqul kuma leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali caanood, Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Ma markii ugu horeysabaa ee Soomaaliya yeelanayso ciidamada noocan ah?

Ciidamada Military Police

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Ciidamada noocan ah ee leh tababarka milatariga iyo kan booliska labudaba, ayey Soomaaliya lahaan jirtay xilligii dawladdi kacaanka iyo dawladii ka horreysay tan hadda jirta.

Afhayeenka waxaan wax ka weydiinay waxa ay ku kala duwan yihiin kuwa hadda iyo kuwii hore sida Haramcad oo kale, waxaa uuna yiri “waxay ku ekaayeen oo kaliya ilaalinta madaxtooyada iyo ilaalinta xarunta gaashaandhigga”, halka kuwani sida uu sheegay ay ka shaqeynayaan daafaha magaalada.

"ciidanku baro ilaalo ayuu leeyahay, bara hoggaaminna wuu leeyahay laakin taliskiisa weyn hadda waa Hiil-weyne, magaalada geesaheeda ayuu baro gaar ah ku leeyahay oo fara badan oo ay horin-horin iyo koox-koox iyo urur-urur u degaan oo ay waajibaadka ku kala qaataan oo taliyeyaal iyo saraakiil u fadhiyaan.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood -Afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya.