Gabdhihii Haramcad ee Turkiga lagu soo tababaray oo Soomaaliya dib ugu soo laabtay

Xigashada Sawirka, Sonna
Waxaa shalay dib ugu soo laabtay Soomaaliya gabdha ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad oo ka soo noqday Turkiga oo tabara loogu qaaday bishii July ee sannadkan.
Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiir Dowlaha Amniga XFS iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Waa markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato koox wada gabdha ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad.
Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen oo markii tabarka loo qaadayay sagootineysay gabhaha ayaa waxay ugu baaqday inay ilaaliyaan mas'uuliyada ah inay yihiin ciidan qaran isla markaana ay isku duubnaadaan.
Janaraal Zakiya Xuseyn waxay markaasi uga digtay gabdhahan tababarka ku soo dhameystay Turkiga isticmaalka barta TikTok ama baraha bulshada taa baddalkeedana ay diiradda saaraan ka miro dhalinta tababarka waxaana haatan muuqata inay ka dhabeeyeen hadafkoodii.
"Qoftii maanta u niyeysato inay TikTik kasoo muuqato ama baraha bulshada ay ku booteyso ajarkeeda waa halkaa, weyna naga hari doontaa haddan idiin sheegayaa, wixii hadda doonaya xayeysiin TikTok ah haddaba diyaaradda ha iiga harto" ayay xilligaasi ku tiri gabdhaha.

Xigashada Sawirka, Zakia Hussein
Ciidamada Haramcad ee ay ka midka yihiin gabdhaan ayaa ah kuwa muddoyinkii dambe aad uga dhex-muuqday shaqooyinka amniga la xiriira ee Soomaaliya iyadoo dadka qaar ay cabsi ka muujiyeen dhaq-dhaqaaqooda xitaa waxaa dadkaasi ka mid ah siyaasyiin caan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Dani ayaa mar sii horreeysay sheegay in ciidamadaan khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.
"Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira, marka wax naxariis ah oo ay leeyihiina ma jirto, dadka waxa xun looma sheego laakin waan qarsan waynay," ayuu yiri isaga oo markaasi ka hadlayay ciidamadaas sida gaarka ah u tababaran.

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE
Maxay yihiin ciidamada Haramcad ee sida gaarka u tabaran?
Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.
Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.
Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.
Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.
Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xigashada Sawirka, BOOLISKA SOOMAALIYEED

Xigashada Sawirka, Sonna










