Maxay yihiin ciidamada Danab ee Mareykanka u tababaro Soomaaliya?

Ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka

Xigashada Sawirka, AFRICOM

Cutubyo ka mid ah ciidamada Mareykanka ayaa dabayaaqadii sanadkii 2020 qalabkooda ka xirxirtay Soomaaliya, waxayna billaabeen in ay dalka ka baxaan ka dib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu arrintaas ku dhawaaqay.

Warar cusub oo xilligaas ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in askartooda ka baxay Soomaaliya ay ku sii sugnaan doonaan qaaradda.

Warbixin uu qoray wargeyska Amytimes wuxuu ku soo xigtay Taliyaha AFRICOM, Stephen Townsend, oo sheegay in ciidamada Mareykanka ay tagi doonaa Jabuuti ama Manda Bay ee Kenya.

Ciidamo kooban oo Mareykan ah ayaa la qorsheeyay inay Soomaaliya ku sii sugnaadaan, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Cirka Col. Chris Karns. Wuxuu ka gaabsaday faafaahinta goobta iyo tirada ciidamadaas, sida uu qoray wargeyskaas.

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa 4-tii bishiiDecember 2020 ku dhawaaqay in Trump uu AFRICOM ku amray in ay u aag beddelaan qalabka iyo askarta ka jooga Soomaliya, illaa ugu dambeyn sanadkii hore ee 2021.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu isugu jiraa duqeynta diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn, xoojinta ciidanka Soomaliya - gaar ahaan Danab oo ah ciidamada dhulka ee Mareykanka uu tababaray - iyo ka caawinta weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadaba, maxay yihiin ciidamada Danab?

Ciidanka Komandoska Danab

Xigashada Sawirka, Danab Media

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

"Waa ciidanka loogu baahi badan yahay in dalka uu yeesho, sababtoo ah dagaalka aan ku jirno oo ah ku dhufoo ka dhaqaaq ama waxa Soomaalida u taqaano dagaal jabhadeed; Danab kaalinta ay ka qaadan karto waxaa weeye in ay yihiin ciidan tababar heer sare leh, awoodna u leh in ay baacsadaan Al-Shabaab, wiiqaanna awooddooda," ayuu yiri Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenka ciidanka milateriga ee dowladda Federaalka.

Sida ay BBC Somali u sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa.

Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka.

Sida ay BBC u sheegeen saraakiil hore uga tirsanayd Danab; saraakiisha hoggaamisa ciidankan ayaa marka hore lagu tababaraa mac-hadka barashada luuqadda ee Defence Language Institute (DLI) ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku soo qaataan aqoon durugsan oo dhanka luuqadda ingiriiska ah.

Saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka Danab, aqoon durugsanna u leh arrimaha ciidamadaas ayaa BBC-da u sheegay in Danab ay ka kooban yihiin guuto afar urur ah.

Taliska ciidamada Danab ee uu tababaray Mareykanka ayaa ku sugan saldhigga Balidogle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo xarun u ah taliska ciidamadaas. Askarta halkaas ku sugan waxaa tiradoodu lagu qiyaasay 600.

Sidoo kale magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo waxaa ku sugan min hal urur. Urur walba oo Danab ah waxaa uu ka kooban yahay boqol askari, sida saraakiishaas ay sheegeen.

Maxay tahay shaqadooda?

DANAB

Xigashada Sawirka, AFRICOM

Si ka duwan ciidamada kale ee militariga Dowladda Federaalka, gaar ahaan kumaandooska Gorogor, Danab waxay howshoodu tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana mar walba la arkaa iyagoo hawlgallo ka fulinaya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Soomaaliya ku sugan.

Ujeeddada ciidanka ayaa ah burburinta xarumaha ururka Al Shabaab ee tababarka ay ku qaataan. Waxaa u dheer tababar gaar ah oo ay ka mid tahay in diyaaradaha laga boodo; in jid gooyooyin ay dhigan karaan; iyo in ay fulin karaan hawlgal qorsheysan.

Inta badan ma ahan ciidan hal meel loogu yimaado marka laga soo tago halka ay saldhigyada ku leeyihiin, waana ciidan guur-guura, weerarna qaada.

Ciidamada kale ee aan Danab ahayn ayuu Janaraal Bariise sheegay inay wanaagsan tahay in siyaasaddooda tababarka lagu daro tababar gaar ah oo lamid ah kan ay qaataan ciidanka Danab.

Ciidamadan waa kuwo si dhaw ula shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qeyb qaataan weerarrda qorsheysan ee loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo duqeymaha Mareykanka uu ka fulliyo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tababarka ciidanka Danab ay sii wadi doonto ilaa iyo shan sano oo dambe.

Ciidamadan ayey khubarrada qaar aaminsan yihiin in markii hore ujeeddo kale loo sameeyay.

Cabdisalaam Guuleeed, oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii hey'adda nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa yiri: "Danab inkastoo ay ka mid yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, haddana waxaa aas aasay Mareykanka, gaar ahaan AFRICOM, ujeedka ugu weyn ee ay ka lahaayeen wuxuu ahaa difaacidda danahooda Iyo isku ilaalinta xarumaha ay Soomaaliya ka deggan yihiin".

Wuxuu intaa ku daray: "Kadib waxay fahmeen in looga faa'iideysan karo waxyaabo badan, sidaasna waxaa lagu ballaariyey tirada ciidankaas iyo waajibaadkooda."

"Waxay fuliyeen Boqollaal howlgal oo isugu jiray kuwo ay ku wehliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay keligood ku ahaayeen".

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale Soomaaliya u tababarta ciidamo kumaandoos ah, kuwaas oo dad badan ay ku khaldaan ciidamada Danab.

Saraakiil militari hore ah waxay BBC-da u sheegeen in ciidanka dowladda Turkiga ay tababarto ay yihiin kumaandoos lagu magacaabo Gorgor, balse aanay ahayn Danab. Kuwa Mareykanka uu tababaro oo keliya ayaa loogu yeeraa Danab.

Yaa gacanta ku haya ciidanka Danab?

Militariga komandoska ah ee Danab

Xigashada Sawirka, Danab Media

Ciidanka Danab waxay si toos ah u hoos tagaan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya, waxayna si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Hubka ay hesytaan waxaa siiya dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale mushaarkooda bixiya Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, inkastoo khubarro arrimaha militariga ku xeel dheer oo aan la hadalnay ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalka ay wax ku biiriso daryeelkooda.

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa ciidankan siisay tababar militeri oo ka sarreeya kan ay qaataan askarta caadiga ah, haddii ay ahaan lahayd xagga jir-dhiska, u fikirka xeeladda dagaalka, isticmaalka hubka kala duwan, farsamada dagaalka, fulinta hawgallada xilliyada habeenkii, sancada, furfuridda miinada, fulinta hawlo gaar ah - sida in guriyo loo dhaco ama diyaarad ay ka daataan- hawgal gaar ahna soo fuliyaan.

Ciiidamo la mid ah Danab ayuu Mareykanka u dhisay dalalka Afrika ee ay ka jiraan kooxaha Islaamiyiinta sida Nigeria, Mali, Cameroon iyo kuwo kale balse Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada militeriga ee Soomaaliya wuxuu sheegayaa in Mareykanka uu aaminsan yahay waxtarka ciidanka Danab.

"Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRIKOM, Jeneraal Townsend, waxaa uu hadda kahor inoo sheegay in 'ciidamo lamid ah Danab ay u tababareen dalal badan oo Afrikaan ah balse kuwa Soomaalida ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee dhanka tababarka, kartida, geesinimada iyo xirfadda dagaalka'," ayuu yiri Jeneraal Bariise.

Walow aanay jirin caqabado rasmi ah oo heysta ciidankan, mushaarkooduna ay bixiso dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalkana ay wax ku biiriso, haddana saraakiishii horay uga soo shaqeysay waxay aaminsan yihiin inay jirto xasilooni darri dhanka hoggaanka ciidankan ah.

Magaca Danab muxuu yahay, maxaase loogu bixiyay?

Somalia

Xigashada Sawirka, AFRICOM

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidanka sita magacan laga asaaso Soomaaliya, waxay ahaayeen ciidankii kumaandooska ee jiray xilligii dowladii militariga ee Maxamed Siyaad Barre, balse waxay burbureen kaddib markii ay dhacday dowladdii dhexe. Ciidanka ayaa xilligaas lagu magacaabi jiray Danab.

Taliye Axmed Danab ayaa BBC-da u sheegay in sababta ciidankan markiisii horeba loogu bixiyay Danab ay tahay in ay yihiin ciidan il-biriqsi walba, meel walba si fudud oo sahlan ku geli karaan, hawlgalkii loo dirayana si dhakhsa ah ku soo fullin kara.