Maxay tahay saameynta ka dhalatay dilkii argagaxa lahaa ee Dhuusamareeb ka dhacay

Labada ganacsato ee la dilay
Qoraalka sawirka, Labada ganacsato ee la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saaka uu yar yahay dhaqdhaqaaqa magaalada dadkuna ay qorsheynayaan oo isku diyaarinayaan dibadbax looga soo horjeedo falkii dilka ahaa ee xalay magaaladaas loogu gaystay, Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde Iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato.

Labada Marxuum ayaa sidoo kale ahaa culimo, waxaana loo maleynayaa in dilkoodu uu salka ku hayo aano qabiil.

Guddi ganacsato oo magaaladu leedahay ayaa xalay ku war geliyay ganacsatada in maanta aan la furi doonin xarumaha ganacsiga si loo muujiyo in falkii xalay dhacay uu ahaa wax laga xumaado oo dadka magaaladuna aaney aqbali karin.

Siyaasiin iyo dad kale oo intooda badan deegaannadaas ka soo jeeda ayaa cambaareeyay dhacdadaas iyadoo loogu baaqay laamaha ammaanka iyo guud ahaan maamulka Galmudug in arrintaa ay tillaabo ka qaadaan sharcigana la horkeeno kuwii dilka gaystay.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka labada marxuum lagu aasi doono magaalada Cadaado oo ay ka soo jeedaan.

Booliska magaalada ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii dilka gaystay isla markaana ay ku rajo weynyihiin in gacanta lagu soo dhigo.

Waxaa labada nin lagu dilay bartamaha magaalada, xilli roob da'yay iyadoo arrintaasi ay cabsi iyo argagax ka dhalisay Dhuusamareeb.

Xiriir aan la sameynay laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay noo sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan sida ay wax u dheceen.

Dhusamareb

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Taliyaha saldhigga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Nuur Cilmi ayaa BBC-da uga war bixiyay sida ay wax u dheceen isagoo yiri “Walaalaheen ayey gacan ka xaqdaran caawa ku dishay Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta falkan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni".

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo la kala okoranayay, marka loo fiiriyo xilligaanna waxa ay ahayd waqti is baddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la’is dhaafsanayay”. ayuu yiri Nuur Cilmi .

Saamayn culus ayaa ka dhalatay dilka raggaas, ayadoo maanta goobaha ganacsiga ee Dhuusamareeb irdaha loo laabay, taaso ah cabasho laga muujinayo dilka.

Waxay arrintan saamaysay dadkii ku tiirsanaa meheradaha ganacsiga ee xiran ee ka adeegan jiray, iyo kuwii ka xoogsan jiray.

Waxa la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kabaxsan goobaha ganacsiga ee ragga la dilay, gaar ahaan xilli ay masaajid ka soo baxeen, iyadoo isla markaana ay isla socdeen xilliga labadoodaba la dilayay.

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa yiri, “dilku waxa uu u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, waxaa lagu dilay meelo kabaxsan shaqdooda balse aan ka fogeyn, waxaana uu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada”.

Booliska ayaa si horu dhac ah u sheegay in dad lagu tuhmayo in dilkaan ay ku lug leeyihiin la soo qabtay.

Nuur Cilmi, oo ka hadlay baaritaannada ay sameeyeen iyo sababta ka dambeys dilka ayaa yiri, “baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil”.

Labada ganacsatada ahaa ee la dilay ayaa la sheegayaa in ka mid ahaayeen dadka ugu magaca dheer ee magaalada.

Dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ku badan deegaannada Soomaalida. waxaana la sheegaa in soo noqnoqashada dhacdooyinkaan ay sabab u tahay iyadoon tillaabooyin adag laga qaadin dadka gaysta dilalka.