Wareysi: Madaxweyne Caalin

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo intii muddo ah xanuunsanaa ayaa waxa uu BBC u sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Madaxweynaha oo xanuun dhinaca wadnaha ah la soo gudboonaaday ayaa waxa uu sheegay in hadda uu ka baxayo isbitaalka magaalada Nairobi.
Caali waxa uu ka hadlay khilaaf ka taagan maamulka Galmudug oo la xiriira xilliga doorashada madaxtinimada.
Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa telefonka magaalada Nairobi ku warreystay Madaxweyne Caalin.