Wax ka ogoow fargalka caaqilka ah iyo waxa uu kuu qaban karo

Shirkadda Samsung oo soo saartay Fargal caaqil ah

Xigashada Sawirka, Samsung

Qoraalka sawirka, Fargalkaan caaqilka ah ayaa raad raaci kara tilmaamaha caafimaadka sida garaaca wadnaha, hurdada, qulqulka dhiiga iyo caadada.

Shirkadda Samsung ayaa rajeeneysa in ay soo saarto fargal casri ah oo soo jiidasho leh kaas oo la shaqeynaya caafimaadka jirka waana mid ku cusub qalabka tiknoolajiyadda ee shirkadda.

Fargalkaan ayay shirkaddu ku bilowday munaasabadda ‘Galaxy Unpacked’ talaadadii hore waana mid ku cusub hanaanka aaladaha loo isticmaalo mashiinka "supercharging" sameyntiisa Ayaana loo maray aaladda garaadka macmalka ah ee (AI).

Faraantigaan garaadka leh ayaa isticmaalaya dareemayaal yaryar si uu ula socdo caafimaadka jirka qofka, marka ay shirkadda soo saartay ayaana lagu tijaabiyay qeyb kamid ah shaqaalaha.

Faraantigaan ayaa aad looga hadal hayay dalka Ingiriiska waxaana dhawaan isticmaalay koox rag ah oo kubadda cagta cayaarta kuwaas oo ka dhisan UK.

Shirkadda Samsung ayaana isku dayaysa in ay badasho naqshadda faraantigaan caaqilka ah kaas oo ah midka ugu weyn ee teknoolojiyada ay dhawaanahaan soo saartay.

Ben Wood oo ah falaqeeye ka tirsan CCS Insight, ayaa sheegay in soo saarka fargalkaan caaqilka ah uu yahay wax weyn waxa uuna ku tilmaamay ‘’Khamaar xiiso leh’’ in ay soo bandhigtay shirkadda Samsung.

Waxa uuna sheegay in shirkaddiisa ay qaadanayaan badeeco guud oo caalami ah taas oo qiimaheeda ku dhawyahay afar milyan oo fargalka caqliga leh sanadka soo socda ee 2025.

"Taasi waa qalad wareeg ah marka la barbar dhigo 250 milyan oo saacadaha casriga ah ee smartwatch kuwaas oo la filayo in la iibiyo," ayuu BBC-da u sheegay.

Laakiin dadka qaar ayaa qaba in shirkadda Samsung laga yaabo in fargalkaan caaqilka ah uu ka caawiyo soo saarista waxyaabo kale oo tiknoolajiyadda ku cusub.

"Macaamiisha intooda badan sameynta fargalkaan caqliga leh ee Samsung waxa ay u noqon doontaa xiriirkii ugu horreeyay iyo gaaritaan faraanti in uu ka qeyb qaato hubinta caafimaadka, wacyiga maskaxda ayay ka dhigeysaa isbadal weyn oo muddo dheer ah,"Ayuu yiri Francisco Jeronimo, oo ah falanqeeyaha shirkadda IDC ee dhanka cilmiga suuqa.

James Kitto, oo ah madaxweyne ku xigeenka iyo madaxa qaybta moobilada shirkadda Samsung ee dalalaka Ingiriiska iyo Ireland, ayaa ku dhawaaqay daahfurka fargalkaan isagoona ku tilmaamay "Guul weyn" oo ay shirkaddu gaartay.

Fargalka caqliga leh ee Samsung

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Shirkadda Samsung ayaa guul ku tilmaamtay daahfurka fargalkaan

Muxuu yahay fargalkaan caaqilka ah?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fargalkaan caaqilka ah ayaa raad raaci kara tilmaamaha caafimaadka sida garaaca wadnaha, hurdada, qulqulka dhiiga iyo caadada.

Suuqaan ayaa hadda waxaa gacanta ku haya shirkadda oura ee dalka Finland iyo bahda caafimaadka shirkadaas.

Fargalkaan caaqilka ah oo muddooyinkaan aad u soo caanbaxay ayaa sidoo kale qeyb ka noqday xayeysiinta dharka waxaana xirtay dad badan oo can ah oo ay kamid tahay gabadha moodalka ah ee Kim Kardashian, waxa ayna dalbatay cabir yar oo farteeda la eg aadna u qurxoon.

Falaqeeyayaasha ayaa sheegay in fargalkaan caaqilka ah uu noqon karo mid meesha ka saara ama badala saacadaha smart-ga ah sida Apple Watch iyo Google Pixel Watch.

Mr Kitto ayaa shirkadda Samsung fargalkeeda caaqilka ah ku tilmaamay in uu yahay "Badeecadii ugu yareyd uguna socodka badneyd dhanka iibka guud ahaan, taas oo ah mid ka warqabeysa fayaqabka caafimaadka iyo hurdada."

Saacadaha danbe ee caqliga leh ayaa leh dareemayaal badan balse fargalkaan ayaa ah mid ka sii waxqabad badan kaas oo qofka awood u siinaya in uu helo xogo badan oo caafimaadkiisa ah.

Shirkadda Samsung ayaa sheegtay in fargalkaan uu la shaqeyn doono taleefanada Android ee ku shaqeeya farshinka 11-aad iyo kuwii ka danbeeyay kuwaas oo leh app-ka Samsung Health.

Qaar kamid ah astaamaha garaadka macmalka ah ee Galaxy AI, sida helitaanka dhibcaha tamarta iyo talooyin shaqsiyadeed oo ku saabsan dhanka xogaha, waxaana laga heli karaa aaladda Galaxy.

Fargalka ka warqabaya caafimaadka qofka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka fargalkaan isticmaala ayaa looga digay in ay ilaaliyaan halka ay ku uruurinayaan xogtooda caafimaadka

Dr Efpraxia Zamani, oo ah barafasoor ku takhasusay cilmiga nidaamka macluumaadka ee jaamacadda Durham, ayaa BBC-da u sheegay in fargalka shirkadda Samsung uu qeyb ka yahay nidaam-nololeedka balaaran ee badeecada taas oo qeyb ka qaadaneysa caafimaadka iyo faya dhawrka kaas oo dadka isticmaala u noqonkara "mid soo jiidasho u leh" macaamiil badan.

Balse waxaa dadka isticmaala looga digay in ay ilaaliyaan halka ay ku aruureyso xogohooda caafimaadka iyo cidda ay la wadaagayaan.

Sanadkii la soo dhaafay, xafiiska guddomiyaha warfaafinta ee dalka Ingiriiska ayaa bilaabay dib u eegista barnaamijyada

Sanadkii la soo dhaafay, Xafiiska Gudoomiyaha Warfaafinta ee UK ayaa bilaabay dib u eegista barnaamijyada xilliyadaan danbe soo baxaya iyo in dabagal lagu sameeyo qaababka ay u shaqeeyaan iyada oo la eegayo walaaca xogta ee dhanka ammaanka.