Sidee buu Xayle Salaase qax ugu tegey Ingiriiska

50 sano ayaa ka soo wareegtay tan iyo amrkii imbiradoorkii ay dd badan ku tilmaameen “aabihii Afrika” ay ciidank “dergigu” xukunka kaga tureen inqilaab.
Boqor Xayle Salaase ayaa dunida looga aqoonsaday geesi la dagaallamay xoogaggii fashiistaha, laakin in badan ma ogsoona in hogaamiyahaas uu sannado badan ku bixiyey inuu la dagaallamo keligii taliyihii talyaaniga, Benito Mussolini, kaasoo uu kala soo dagaallamay gurigii uu ka deganaa Bath oo ku taalla galbeedka England, muddadii u dhaxaysay 1936 ilaa iyo 1940.
Shawn Naphtali Soberswaa professor wax ka dhiga jaamacadda West of England, wuxuuna sheekada musaafurintii boqor Xayle Salaase uga warramay barnaamij cusub oo laga sii daayey qaybta dunida la hadasha ee BBC.
Hogaamiyihii Itoobiya wuxuu soo gaaray xarunta tareennada Paddington ee Galbeedka London ayadoo ay halkaa ku sugayeen dad tiro badan. Khudbadihiisii ka dhanka ahaa Mussolini oo dalkiisa ku soo duulay ayaa weji gabax ku ahaa xukuumaddii Britain.
Xayle Salaase waxaa lagu amray inuu “gobollada aado”, wuxuuna si dhakhsiyo leh deegaan uga samaystay Bath.

Xigashada Sawirka, Bath and North East Somerset Council
Qoyskiisii oo dhan iyo shaqaalihii la socday waxay u wareegeen Fairfield House, isla markiiba wuxuu noqday hadal haynta ugu badan ee magaalada.
Wuxuu si aan dhib badnayn ula falgalay dadkii ay deegaankooda ku soo degeen.
Borofesoorka oo ka mid ahaa dadkii ka shaqaynayey gurigii boqor Xayle Salaase wuxuu sheegay in imbaradoorku uusan doonayn inuu dalkiisa ka tago markii uu qabsaday kaligii taliyihii Talyaaniga, “laakinse wuxuu xaqiiqsaday in Itoobiyaanka oo warmo wata aysan awood u lahayn inay la dagaallamaan ciidankaas. Sidaa darteed wuxuu doorbiday inuu aado dalalkii reer galbeedka, uuna halkaa kaga soo ololeeyo xornimada” ayuu yiri prof Sobers.
Boqor Xayle Salaase wuxuu khudbad u jeediyey League of Nations oo ahaa ururkii ka horreeyey qaramada midoobay. “Khudbad dadka taabatay ayuu jeediyey taasoo ahayd maanta waa annaga, berrina waa adinka” ayuu yiri prof Sobers.
Wuxuu intaa ku daray in xilligaas UK ay Mussolini ay isha ku haysay. “Markii ugu horreysay ee uu imbiradoorku yimid England dad badan ayaa ku soo dhoweeyey maxaddada Paddington. Wuxuu ahaa nin sumcad leh ceeb ayeyna ku ahayd xukuumadda Britain” ayu yiri borofesoorka. Wuxu intaa ku daray in loo sheegay inuu gobollada aado.
Mid ka mid ah sababihii uu Xayle Salaase u xushay Bath ayaa ahayd isagoo doonayey in uu si fudud u helo “biyaha caafimaadka leh” ee magaaladaas si uu ugu daweeyo gaaska gacmaha ka gubay ee ahaa hubkii kiimikada ee loo isticmaalay Itoobiya.

Xigashada Sawirka, Bath and North East Somerset Council
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu iibsaday Fairfield House, wuxuuna halkaa keenay carruurtiisii, adeegayaashiisii, wasiirro iyo baadariyaal.
“Waxay ahaayeen koox balaaran oo ku noolaa Bath, waana la arki jiray” ayuu yiri borofesoorka. N Waxay dhex galeen bulshada, carruurtii boqor Xayle Salaasena waxay la cayaari jireen oo ay casho ku martiqaadi jireen carruurta ay deriska ahaayeen.
Prof Sobers wuxuu xasuustaa isagoo la hadlaya Mrs King oo la ciyaari jirtay ilmihii boqorka, “waxaase caab noqotay” markii ay reerka la cashaysay ayagoo cuntada ku cunaya suxuun dahab ah, middida ay wax ku cunaysayna ay dhawaaq dheer samaysay.
Inta badan waxaa la arki jiray boqor Xayle Salaase oo eygiisa la yiraahdo Lulu la maraya waddooyinka Bath, laakinse Prof Sobers wuxuu sheegay in hadallada la isla dhex marayo ee sheegaya in uu haysan jiray Libaax uu xanaanaysto aysan waxba ka jirin.
Laakin boqorku ma uusan illoobin waxa ka dhacayey dalkiisa. Ruth Haskins oo ka mid ahayd dadkii guriga ka shaqaynayey ayaa xusuusata in maalin maalmaha ka mid ah la saaray muusikada xilliyada dagaalka ee Itoobiya.
“Bambooyin iyo rasaas ayaa la maqlayey, dadkuna way ooyayeen” ayey tiri, markii ay eegtay boqorka, sida uu Sobers sheegay illin ayaa indhihiisa ka socotay. Waxay intaa ku dartay in xusuustaas aysan weligeed ka go’I doonin.
1939, Mussolini wuxuu la saftay Hitler, boqor Xayle Salaasena wuxuu Itoobiya dib ugu laabtay 1940, ka dib markii uu Ingiriisku gacan ka gaystay in kaligii taliyaha la eryo.
Laakinse marnaba ma uusan illoobin xusuustii Bath iyo Fairfield House.













